Falimaha 14 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubBawlos iyo Barnabas oo Ikoniyon jooga 1 Bawlos iyo Barnabas oo jooga Ikoniyon ayaa tagay sunagogga. Halkaas oo ey hadal saameyn leh kula hadleen, dad tira badan oo Yuhuud iyo Gariig ah ayaa iimaanka qaatay. 2 Laakiin Yuhuuddii aan iimaanka qaadan ayaa fikir qaldan ku shubeen dadkii aan Yuhuudda ahayn waxeyna ku kiciyeen walaalihii. 3 Haddaba Bawlos iyo Barnabas waxey halkaas sii joogeen in muddo ah, iyagoo si dhiiranaan ku jirto uga hadlaya Rabbiga, kaasoo u marqaatifuray fariinta nimcada isaga oo awood u siiyay iney sameeyaan mucjisooyin waaweyn. 4 Dadkii magaalada wey kala qeybsameen, qaarkood waxey la safteen Yuhuuddii qaarkii kalana waxey la safteen rasuulladii. 5 Ugu dambeyntii qaar ka mid ah Yuhuuddii iyo dadkii aan Yuhuudda ahayn oo ey hogaamiyayaashoodi la socdaan ayaa go’aan ku gaaray iney Bawlos iyo Barnabas dhibaateeyaan oo ey dhagax ku dilaan. 6 Laakiin markey rasuulladii ogaadeen wixii la qorshaynayay waxey u carareen magaalooyinkii Lustara iyo Derbe ee ku yaalay dhulkii la oran jiray Luka’oniya iyo wadamadii u dhawaa, 7 halkaas oo ey kasii wadeen iney injiilka ka wacdiyaan. Bawlos iyo Barnabas oo jooga Lustara iyo Derbe 8 Lustara waxaa joogi jiray nin illaa maalinti uu dhashay curyaan ahaa oo aanan weligiisi socon. 9 Isaga oo dhagaysanaya Bawlos hadalkiisa, ayaa Bawlos si toos ah u fiiriyay wuxuuna arkay inuu iimaansanaa in la bogsiin karo. 10 Markaas ayuu u yeeray oo ku yiri, “Cagahaaga ku istaag!” Isla markiiba ninkii ayaa kor u booday oo bilaabay inuu socdo. 11 Markii dadkii badnaa arkeen wixii Bawlos uu sameeyay, ayey kor u qayliyeen iyagoo luuqadii Luka’oniya ku leh “illaahyadii ayaa noo yimid iyagoo qaab binu aadan leh!” 12 Barnabas waxey u bixiyeen Yubiter, Bawlosna waxey u bixiyeen Merkuriyos waayo isaga ayaa hadalka hogaaminayay. 13 Markaas ayaa wadaadkii Yubiter oo macbadkiisu ku yaalay magaalada meel u dhow keenay dibiyo iyo ubaxyo isku xiran magaalada albaabyadeeda waayo isaga iyo dadkii badnaaba waxey rabeen iney sadaqo u bixiyaan rasuulladii. 14 Laakiin markii rasuulladii Barnabas iyo Bawlos maqleen arintaas, waxey jeexjeexeen dharkoodi kuna ordeen dadkii badnaa dhexdooda iyagoo ku qaylinaya. 15 “Walaalayaalow, maxaad sidan u sameyneysaan? Anaga xitaa waxaan nahay binu aadan idinka oo kale ah. Waxaan idiin keenay warka wanaagsan, waxaanna idiin sheegeynaa inaad kasoo leexataan waxyaalahan aan qiimaha lahayn oo aadna u timaadaan Illaaha nool, kaasoo sameeyay samooyinka, dhulka, badda iyo wax walboo ku dhex jira. 16 Kaasoo waagii hore, dadka u ogolaaday iney jidadkooda ku socdaan. 17 Laakiin weli wuxuu mar walba idiin kugu cadeynayay jiritaankiisa inuu waxyaalo wanaagsan idiin sameeyo. Wuu idiin naxariistay isaga oo samada idinkaga soo diray roob iyo xiliyo aad mirro gurataan, wuxuu idin siiyay cuntooyin badan wuxuuna qalbiyadiina ka buuxiyay farxad.” 18 Xitaa kadib markey Bawlos iyo Barnabas hadaladaan u sheegeen dadkii dhib ayey ku ahayd iney dadkii ka joojiyaan iney sadaqadii u bixiyaan dartood. 19 Laakiin Yuhuud ka timid Antiyokh iyo Ikoniyon ayaa dadkii badnaa kasbadeen. Waxey dhagaxeeyeen Bawlos kuna jiideen magaalada banaankeeda, iyagoo u maleynaya inuu dhintay. 20 Laakiin kadib markey xertii isku hareeraysay ayuu kacay magaaladiina ku laabtay. Maalintii xigtayna isaga iyo Barnabas waxey aadeen Derbe. Bawlos iyo Barnabas oo ku laabtay Antiyokhdii Siiriya ku taalay 21 Bawlos iyo Barnabas waxey injiilka ka wacdiyeen Derbe waxeyna xer ka dhigeen dad badan. Kadib waxey ku laabteen Lustara, Ikoniyon iyo Antiyokh, 22 iyagoo xoogeynaya xertii kuna dhiirigelinaya iney iimaanka ku adkeystaan. Waxey ku yiraahdeen, “Waa inaan caqabado badan marnaa si aan u galno boqortooyada Illaahey.” 23 Bawlos iyo Barnabas ayaa kaniisad walba u dooray odayaal. Kadib wey duceysteen weyna soomeen, iyagoo ku amaaneeyay Rabbigii ey rumeysnaayeen. 24 Kadib markey sii mareen Bisidiya, waxey yimaadeen Bamfuliya, 25 kadibna markey ereyga ka wacdiyeen Berga waxey sii aadeen Ataliya. 26 Oo ey kasii aadeen Antiyokhdii Siiriya ku taalay. Halkaas ayey ahayd meeshay nimcada Illaahey kaga gudoomeen shaqadan ey hadda soo dhameeyeen. 27 Markey halkaas gaareen, waxey iskugu yeereen xertii waxeyna u sheegeen wax walboo uu Illaahey iyaga u isticmaalay iyo sidii uu albaabka iimaanka ugu furay dadkii aan Yuhuudda ahayn. 28 Kadib halkaas ayey wax badan xertii la joogeen. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.