Falimaha 12 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubButros oo si mucjiso leh xabsiga uga baxsaday 1 Haddaba waqti uu boqor Herodos xabsiga galiyay qaar ka tirsanaa kaniisadda, isaga oo silcinaya. 2 Wuxuu amray in madaxa laga jaro Yacquub oo ahaa Yooxanaa walaalkiis. 3 Markii uu arkay in arintaas ey Yuhuudda ka farxisay, ayuu go’aansaday inuu soo qabto Butros. Waxeyna ahayd waqtigii Dabaaldaga Kimista aan Khamiirka lahayn. 4 Markii uu xiray kadib, wuxuu amray in afar kooxood oo afar askari ka kooban ey ilaaliyaan. Herodos wuxuu rabay inuu Butros dadka hortooda maxkamad ku saaro markey Iidda Kormaridda dhamaato. 5 Haddaba Butros xabsiga ayaa lagu hayay, laakiin xertii waxey Illaahey ugu baryayeen si aan kala joogsi lahayn. 6 Habeenkii ka horeeyay maalintii uu Herodos maxkamadda soo istaajin lahaa Butros wuxuu hurday laba askari dhexdood laba silsilad ayaana ku xirnaa askartii kalana waxey ilaalinayeen albaabka xabsiga. 7 Isla markiiba malag xagga Illaahey ka yimid ayaa ka ag muuqday xabsigiina wuu wada iftiimay. Malagii ayaa Butros dhinac ka taabtay oo kiciyay isaga oo ku yiri, “Dhaqso, kac!” Silsiladihiina wey furmeen. 8 Kadib malagii ayaa ku yiri, “Gasho dharkaaga iyo kabahaaga.” Butrosna wixii la amray ayuu sameeyay. Malagii ayaa haddana ku yiri, “Go’aaga huwo oo isoo raac.” 9 Butros banaanka ayuu u soo baxay oo malagii ayuu soo raacay, laakiin uma maleyn in waxyaalihii uu malagu sameynayo ey tahay run, wuxuu u maleeyay inuu riyoonayo. 10 Waxey dhaafeen kooxdii koowaad iyo kooxdii labaad ee waardiyaha ahaa, markeyna yimaadeen albaabkii birta ahaa ee magaalada loo mari jiray, wuu is furay, weyna ka baxeen. Markey jidka magaalada marayeen isla markiiba malagii wuu ka tagay. 11 Markaas ayaa Butros baraarugay oo yiri, “Hadda si aan shaki ku jirin ayaan u ogahay in Rabbigu ii soo diray Malagiisa igana samatabixiyay wixii uu Herodos ila damacsanaa iyo wixii ey dadka Yuhuuddu rajeynayeen iney igu dhacdo.” 12 Kadib Butros wuxuu aaday gurigii Maryan oo ahayd Yooxanaa hooyadiis kaasoo sidoo kale la oran jiray Markos, halkaas oo ey xer badan iskugu yimaadeen kuna duceysanayeen. 13 Butros albaabka ayuu garaacay, gabar shaqaala ah oo la yiraahdo Roda ayaa soo aaday iney ka furto. 14 Markey garatay codkiisi, aad ayey u faraxday dib ayeyna gurigii ugu carartay iyadoon albaabkii furin waxeyna tiri “Butros ayaa albaabka taagan!” 15 Xertii ayaa ku tiri, “Waad waalantahay.” Laakiin markey ku adkeysatay inuu Butros yahay, waxey yiraahdeen, “Waa malagiisi.” 16 Laakiin Butros albaabkii ayuu sii garaacay, oo markey albaabkii fureen isagiina arkeen aad ayey u yaabeen. 17 Butros ayaa gacantiisa ugu baaqay iney aamusaan wuxuuna u sharaxay sidii Rabbigu uga soo saaray xabsiga. Wuxuu kale oo ku yiri, “Arintan u sheega Yacquub iyo walaalaha kale.” Kadibna wuu tagay wuxuuna aaday meel kale. 18 Markii subixii la gaaray, askartii waardiyaha ahayd aad ayey u welwelayeen waxeyna la yaabeen waxa Butros ku dhacay. 19 Kadib markii uu Herodos raadiyay oo uu heli waayay, wuxuu su’aalo weydiiyay askartii wuxuuna amray in la laayo. Kadib Herodos wuu ka tagay Yahuudiya wuxuuna aaday Kaysariya halkaas ayuuna joogay. Dhimashadii Herodos 20 Herodos aad ayuu uga xumaaday dadka Turos iyo Siidoon. Markaas ayey u yimaadeen iyagoo mideysan, kadib markey la saaxiibeen Balaastos, kaasoo ahaa mid uu boqorku ku kalsoonaa, waxey weydiisteen nabad, waayo waxey cuntadoodu ku tiirsaneyd waddanka boqorka. 21 Maalintii la ballamay ayaa Herodos oo gashan dharkii boqornimada, fariistay carshigiisi wuxuuna jeediyay qudbad. 22 Dadkii ayaa qayliyay waxeyna yiraahdeen, “Kani waa cod illaah ee cod binu aadan ma aha.” 23 Isla markiiba malag xagga Illaah ka yimid ayaa dhulka ku dhuftay Herodos, maxaa yeelay ma uusan ammaanin Illaahey, Herodos waxaa cunay dixri wuuna dhintay. 24 Laakiin ereyga Illaahey wuu sii faafay oo kordhay. Barnabas iyo Sawlos oo la diray 25 Markey Barnabas iyo Sawlos dhameysteen shaqadoodi, waxey ku laabteen Yeruusaalem, iyagoo horay u watay Yooxanaa kaasoo sidoo kale loo yaqaanay Markos. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.