Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Falimaha 11 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Butros oo sharaxay wixii uu sameeyay

1 Rasuulladii iyo walaalihii Yahuudiya joogay ayaa maqlay in dadkii aan Yuhuudda ahaynna ey qaateen ereyga Illaah.

2 Oo markii uu Butros tagay Yeruusaalem, walaalihii Yuhuudda ahaa ee rabay in masiixiyiinta oo dhan la guday ayaa ku dhaleeceeyay.

3 Waxeyna ku yiraahdeen, “Waxaad aaday guriga dad aan gudneyn oo wax ayaad la cuntay.”

4 Isaga oo bilowgii kasoo bilaabaya ayuu Butros iyaga u sheegay sheekadii,

5 “Waxaan joogay magaalada Yaafaa aniga oo duceysanaya ayaan gam’ay oo waana riyooday. Waxaan arkay wax shiraac oo kale ah oo samada laga soo dajiyay oo afarteeda dhinac lagu soo dajiyay meeshii aan joogay.

6 Markaan aad u fiiriyay waxaan arkay xayawaanada dhulka ee afarta lugood leh, duur joogta, xamaaratada iyo shimbirraha hawada.

7 Kadib waxaan maqlay cod igu dhahaya, ‘Butrosow, kac! Dil oo cun.’

8 “Markaas ayaan ku jawaabay, ‘Maya, Sayidow! Weligay afkeyga ma galin wax xaaraan ah ama aan nadiif ahayn.’

9 “Cod ayaa mar kale samada ka hadlay oo igu yiri, ‘Ha dhihin waa xaaraan wax uu Illaahey nadiifiyay.’

10 Arintan waxey dhacday saddex jeer, kadibna shiraacii samada ayaa dib loogu celiyay.

11 “Isla markiiba saddex nin oo Kaysariya la iiga soo diray ayaa yimid gurigii aan deganaa.

12 Ruuxa Quduuska ah ayaa ii sheegay in aanan ka shakinin inaan raaco. Lix nin oo walaalaha ka tirsan ayaa i raacay, waxaanna galnay gurigii ninka.

13 Markaas ayuu noo sheegay in malag gurigiisa yimid kuna yiri, ‘Uga yeer Yaafaa nin la dhaho Simoon Butros.

14 Wuxuu idiin sheegi doonaa fariin aad adiga iyo reerkaaga oo dhan ku badbaadi doontaan.’

15 “Oo markaan hadalkii bilaabay ayaa Ruuxa Quduuska ah ku soo degay iyaga sidii uu bilowgii anaga noogu soo degay.

16 Kadib waxaan xasuustay hadalkii Sayidka, ‘Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay biyo, laakiin idinka waxaa la idin ku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah.’

17 Haddaba haddii Illaahey iyaga siiyay hadiyad la mid ah tii uu anaga na siiyay markaan rumeysanay Sayid Ciise Masiix, sidee ayaan uga hor imaan karaa qorshaha Illaah?”

18 Markey maqleen Butros oo sidan leh, wey joojiyeen murankii waxeyna bilaabeen iney Illaahey ammaanaan, iyagoo leh, “Haddaba, xitaa dadka aan Yuhuudda ahayn Illaahey wuxuu siiyay toobadkeenka lagu helo nolosha weligeed ah.”


Kaniisaddii Antiyokh ku taalay

19 Qaar ka mid ah xerta ayaa ka kala cararay silicii dhacay markii Istefanos la dilay waxeyna u safreen illaa Foynike, Qubrus iyo Antiyokh, waxeyna ereyga la wadaagayeen Yuhuudda kaliya.

20 Laakiin qaar ka mid ah xertii kasoo jeeday Qubrus iyo Sayriin ayaa tagay Antiyokh waxeyna ereyga la wadaageen xitaa Yuhuuddii af Gariigga ku hadleysay, iyagoo u sheegaya warka wanaagsan ee ku saabsan Sayid Ciise.

21 Illaahey ayaana iyaga la jiray, dad tiro badan ayaa rumeystay oona u toobadkeenay Rabbiga.

22 War wixii dhacayay ku saabsan ayaa soo gaaray kaniisaddii ku taalay Yeruusaalem, markaas ayey Barnabas Antiyokh u direen.

23 Markii uu soo gaaray oo uu arkay waxa Illaah ku nimceeyay, aad ayuu ugu farxay wuxuuna kuligood ku dhiirigeliyay iney Rabbiga daacad u ahaadaan, qalbigoodana ku hayaan.

24 Waayo Barnabas wuxuu ahaa nin wanaagsan oo iimaan fiican leh Ruuxa Quduuska ahna ka buuxo, dad badan ayaana Rabbiga u toobadkeenay.

25 Kadib Barnabas wuxuu aaday Tarsos isaga oo raadinaya Sawlos.

26 Markii uu heleyna wuxuu keenay Antiyokh. Halkaas ayeyna muddo sanad ah Barnabas iyo Sawlos xerta kula kulmayeen dad badanna wax ku bareen. Antiyokh ayey ahayd meeshii ugu horraysay ee xerta Sayid Ciise loogu yeeray masiixiyiin.

27 Waqtigaas nebiyo ka socda Yeruusaalem ayaa yimid Antiyokh.

28 Mid iyaga ka mid ah oo la yiraahdo Agabos ayaa isaga oo Ruuxa Quduuska ah kaashanaya sii sheegay iney abaar daran ka dhici doonto aduunka oo dhan. Waxeyna dhacday waqtigii Kalawdiyos.

29 Markaas ayaa xertii Antiyokh joogtay go’aansadeen iney caawimaad nin kastaba wixii awoodiisu ahayd u diraan walaalihii joogay Yahuudiya.

30 Waxeyna Barnabas iyo Sawlos ka codsadeen iney hadiyadahooda u geeyaan odayaashii joogay Yeruusaalem.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan