Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Falimaha 1 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Ciise oo kor samada loogu qaaday

1 Te’ofilosow, buugeygi hore waxaan kuugu qoray wax walboo uu Ciise sameeyay oo dadkana baray,

2 illaa maalintii samada loo qaaday. Laakiin intaan kor loo qaadin ka hor, wuxuu amray rasuulladii uu doortay, isaga oo kaashanaya Ruuxa Quduuska ah.

3 Siliciisi iyo dhimashadiisi kadibna, wuxuu isu muujiyay rasuulladii wuxuuna tusay cadaymo badan oo sheegaya inuu nool yahay. Wuxuu isu muujiyay muddo afartan maalmood ah wuxuuna uga sheekeeyay boqortooyada Illaah.

4 Maalin isaga oo wax la cunaya xertiisi ayuu ku yiri, “Ha ka tagina Yeruusaalem, balse suga hadiyada uu Aabaha idin siinayo, taas oo aan idiin sheegay inuu ballan qaaday.

5 Yooxanaa wuxuu wax ku baabtiisi jiray biyo, laakiin maalma yar kadib waxaa la idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah.”

6 Markaas ayaa xertii Ciise agagaarkiisa yimaadeen oo weydiiyeen, “Sayidow, ma hadda ayaad Israa’iil u soo celineysaa boqortooyadooda?”

7 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Ma aha inaad ogaataan waqtiga iyo dhacdooyinka uu Aabuhu maamulo.

8 Laakiin waxaad heli doontaan awood markii uu Ruuxa Quduuska ah idin ku soo dul dago, waxaadna iiga dhex marqaatifuri doontaan Yeruusaalem, Yahuudiya oo dhan iyo Samaariya iyo meel walboo aduunka ka mid ah.”

9 Markii uu Ciise intaas xertiisi ku yiri, ayaa kor samada loogu qaaday iyagoo arkaya illaa ey daruur ka qarisay.

10 Iyagoo aad ufiirinaya samada intuu Ciise sii socday, ayaa waxaa agtooda ka muuqday laba nin oo dhar cadcad xiran.

11 Waxeyna ku yiraahdeen, “Nimankii reer Galiliyow maxaad halkan u taagan tihiin oo cirka u fiirineysaan? Ciise samada ayaa loo qaaday. Laakiin wuxuu u soo laaban doonaa si la mid ah sida aad u aragteen isaga oo samada aadaya.”


Matiyas oo loo doortay beddelkii Yuudas

12 Kadib rasuulladii waxey kusoo laabteen Yeruusaalem iyagoo ka yimid buurta la yiraahdo Buur Saytuun taas oo u jirta magaalada Yeruusaalem hal kiiloo mitir.

13 Markey yimaadeen, waxey galeen qol ku yaalay qeybta sare ee guriga. Rasuulladii meeshaas joogay waxey kala ahaayeen, Butros, Yooxanaa, Yacquub iyo Andaros, Filibos iyo Toomas, Bartolomayos iyo Matayos, Yacquub ina Alfayos, Simoon kii loo yaqaanay qiroole iyo Yuudas ina Yacquub.

14 Kuligood hal meel ayey ku kulmeen iyagoo mar walba duceysanayay, waxaana la joogay dumarkii iyo Ciise hooyadiis Maryan iyo walaalihiis.

15 Maalin ayaa waxaa jiray kulan ey iskugu imaanayeen walaalo gaaraya boqol iyo labaatan, waxaana istaagay Butros

16 oo yiri, “Walaalayaalow, qorniinka waxa ku qoran waa iney dhacaan taas oo Ruuxa Quduuska ah uu mar hore kaga dhex hadlay Daa’uud kaasoo ku saabsanaa Yuudas, oo ahaa kii waday kuwii qabtay Ciise.

17 Waayo wuu naga tirsanaa shaqadana wuu na la wadaagay.”

18 Yuudas dhul ayuu ku gatay lacagtii uu ka helay xaqdaradii uu sameeyay. Kadib halkaas ayuu isku daldalay madax madax ayuuna dhulka ugu dhacay, calooshiisi wey dilaacday mindhiciradiisina banaanka ayey u soo baxeen.

19 Qof walboo Yeruusaalem joogayna wuu maqlay arintaas, waxeyna luuqadooda ugu magacaabeen dhulkaas Akeldama, oo macnaheedu yahay, Dhulkii Dhiigga.

20 Butros ayaa hadalkii sii waday oo yiri, “Haddaba waxaa Kitaabka Sabuurradda ku qoran, “ ‘Gurigiisa cidlo ha noqdo, qofna yuusan meeshaas degin,’ waxaa kale oo ku qoran, “ ‘Booskiisana qof kale ha qaato.’

21 Sidaa darteed waa lagama maarmaan inaan doorano mid ka mid ah nimankii na la joogay waqtigii uu Sayid Ciise na la noolaa oo dhan,

22 laga soo bilaabo waqtigii Yooxanaa wax baabtiisayay illaa waqtigii Ciise kor nalooga qaaday. Haddaba waxaan u baahannahay midkood inuu marqaati nagala noqdo sarakicidda Ciise.”

23 Markaas ayey iska soo saareen laba nin, Yuusuf kaasoo la oran jiray Barsabaas (waxaa kale oo loo yaqaanay Yuustos) iyo Matiyas.

24 Kadibna wey duceysteen oo waxey yiraahdeen, “Rabbiyow, adiga ayaa garanaya qof walba qalbigiisa. Na tus labadan nin midka aad dooratay

25 inuu sii wado shaqadan rasuulnimada, taas oo Yuudas ka tagay oo uuna aaday meeshii uu u qalmay.”

26 Kadib qori tuur ayey sameeyeen, wuxuuna ku dhacay Matiyas, sidaa darteedna waxaa lagu daray kow iyo tobankii rasuul.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan