Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Efesos 6 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Caruur yahow waalidkiina ku adeeca Rabbiga dartiis waayo sidaas ayaa wanaagsan.

2 “Sharfa hooyadiin iyo aabihiin” Tani waa amarka koowaad oo ey ballan la socoto.

3 “Si wax walba kuugu hagaagaan, oo aadna cimri dheeri dhulka ugu heshid.”

4 Waalidkow caruurtiina si caro leh ha ula dhaqmina. Laakiin bara oo ku hogaamiya wadada Rabbiga.

5 Adoomadow sayidyadiina aduunkan ku adeeca oo ka cabsada, oo qalbiga daacad uga ahaada sida aad Masiixa u adeeci lahayd oo kale.

6 Ha adeecina markey idin arkayaan oo kaliya ee mar walba adeeca. Waxaa tihiin adoomadii Masiixa, haddaba si daacada u sameeya wuxuu Illaahey rabo inaad sameysaan.

7 Si dhameystiran u adeega sidii inaad Illaahey u adeegeysaan oo kale, oo eydan u adeegeyn binu aadan.

8 Waayo waad ogtihiin inuu Illaahey qof walba ku abaalmarin doono wixii wanaagsanaa ee uu sameeyay, hadduu adoon yahay iyo hadduu xor yahayba.

9 Sidoo kale sayidyadow adoomadiina si wanaagsan ula dhaqma. Ha u hanjabina, waayo waa ogtihiin in midka iyaga iyo idinkaba Sayidka u ah uu samada joogo oo uusan eex aqoonin.


Hubka Illaahey

10 Ugu dambeyntii waxaan idin ku leeyahay, awoodda weyn ee Illaahey ha idin xoogeyso.

11 Xirta hubka dhameyska tiran ee Illaahey, si aad uga hor tagtaan ibliiska dhagartiisa.

12 Waayo lama dagaalameyno jir ee waxaan la dagaalameynaa taliyayaasha sharta, awoodaha caalamka aan la arki karin, awoodaha waaweyn ee ka jira aduunkan mugdiga ah iyo ruuxyada sharta leh ee samada jooga.

13 Sidaa darteed xirta Illaahey hubkiisa dhameystiran, si marka maalinta sharta lihi timaado aad uga hor tagtaan markii uu dagaalka dhamaadana aad weli awood u lahaataan.

14 Haddaba diyaar garooba idinkoo suunka runta dhexda ku xiran, xabadkana difaac xaqnimo ku xiran.

15 Kabana ka dhigta nabadda ka timaada warka wanaagsan si aad si buuxda ugu diyaarsanaataan.

16 Sidoo kale waxaad qaadataan gaashaanka iimaanka, waayo wuxuu idin ka difaaci doonaa falaaraha holaca leh ee uu midka sharta leh soo tuurayo.

17 Xirta koofiyadda badbaadada iyo seefta Ruuxa, taas oo ah ereyga Illaahey.

18 Ha joojinina baryada Illaahey mar walbana awoodda Ruuxa ku dhex duceysta. Digtoonaada mar walbana dadka Illaahey u duceeya.

19 Aniga iigu duceeya in mar walboo aan hadlo uu Illaahey i siiyo fariin, si aan dhiiranaan ugu hadlo una soo bandhigo sirta injiilka.

20 Waayo injiilka ayaan safiir u ahay anigoo silsilad ku xiran, inkastoo aan hadda xabsi ku jiro iigu duceeya inaan si geesinimo leh u sheego injiilka taas oo waajib igu ah.


Gabagabadii

21 Tukhikos oo ah walaalkeen qaaliya iyo adeege daacad u ah shaqada Rabbiga ayaa idin soo booqan doona si uu idinkaga waramo xaaladeyda iyo waxa aan sameynayo.

22 Waxaan isaga idiin soo diray ujeedadaan, inuu idiin sheego sida xaaladdeenu tahay iyo inuu dhiirigeliyo.

23 Waxaan Illaaha Aabaha ah iyo Sayid Ciise Masiix ka baryayaa inuu walaalaha oo dhan siiyo nabad, jaceyl iyo iimaan.

24 Nimcada Illaahey weligood hala jirto kuwa jecel Sayidkeena Ciise Masiix.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan