Efesos 5 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub1 Illaahey ku dayda waayo waxaa tihiin caruurtiisa qaaliga ah. 2 Ku noolaada jaceyl sidii uu Masiixuba inoo jeclaaday oo uuna naftiisa noogu bixiyay isaga oo ah qurbaan carfaya iyo allabari Illaahey raali galiya. 3 Waxaa tihiin dadkii Illaahey, haddaba yaan la idin ku tilmaamin kuwo sineysta ama dhaqan xun ama hunguri weyn. 4 Ha isticmaalina ereyo xun xun ama micno daro ah laakiin mar walba Illaahey u mahadceliya. 5 Tan hubiya, ma jiro qof sineysta ama qof wasakh ah ama qof hunguri weyn (qofkaas camal waa qof sanam caabuda) oo wax dhaxal ah ku heli doono boqortooyada Masiixa iyo tan Illaahaba. 6 Qofna yuusan hadallo aan micno lahayn idinku khiyaanin, waayo waxyaalahaas awgood ayey carada Illaahey ugu soo degtaa kuwa caasiyiinta ah. 7 Haddaba qof sidaas oo kale ah xiriir hala lahaanina. 8 Waayo waxaa jirtay mar aad mugdi ku jirteen laakiin hadda Illaahey iftiinkiisa ayaad heysataan. Haddaba u dhaqma sidii caruurta iftiinka! 9 Waayo iftiinkan idin ku dhex jira wuxuu dhalaa oo kaliya wanaag, xaqnimo iyo run. 10 Oo ogaada wixii Illaahey raali ka yahay. 11 Haka qeyb qaadanina falalka aan faa’iidada lahayn oo ey sameeyaan dadka sharka leh, laakiin qaladkooda u sheega. 12 Xitaa waa wax laga xishoodo in la sheego waxyaalaha mugdiga lagu sameeyo. 13 Laakiin wax walboo iftiinka la keenaa waa la arkaa, wax walboo la muujiyana iftiin ayuu noqdaa. 14 Waana sababta loo yiri, “Kan hurdow kac, dhimashadana ka sarakac, kadibna Masiixu wuu ku iftiimin doonaa.” 15 Haddaba sida aad u nooshihiin ka taxadara, ha u noolaanina sidii doqomo ee u noolaada sidii kuwo caqli leh. 16 Ka faa’iideysta fursad walba waayo waqti shar leh ayaa lagu jiraa. 17 Sidaa darteed doqomo ha ahaanina laakiin fahma waxa Illaahey doonistiisu tahay. 18 Khamri haku sarqaamina waayo noloshiina ayaa ku baaba’aysa, laakiin Ruuxa Quduuska ah noloshiina haka buuxsamo. 19 Markaad kulantaan ku heesa sabuurrado, heeso iyo qasiidooyinka ruuxa idinkoo Rabbiga qalbigiina oo dhan ka ammaanaya. 20 Mar walba adeegsada magaca Sayid Ciise Masiix idinkoo Illaaha Aabaha ah ugu mahadcelinaya wax walba. Nolosha ninka iyo naagta is qaba 21 Midkiinba midka kale ha adeeco idinkoo Masiixa xushmeynaya. 22 Xaasasyahow, nimankiina ka dambeeya, sidaad Rabbiga uga dambeysaan. 23 Waayo ninku waa madaxa xaaskiisa sida uu Masiixu u yahay madaxa iyo badbaadiyaha masiixiyiinta kuwaasoo ah jirkiisa. 24 Xaasasku waa iney nimankooda wax walba ka hor mariyaan, sida ey kaniisaduba Masiixa wax walba uga hormariso. 25 Nimankow xaasaskiina u jeclaada siduu Masiixu kaniisadda u jeclaaday naftiisana ugu bixiyay. 26 Isaga oo awoodda ereygiisa kaniisadda uga dhigay quduus kuna nadiifiyay biyo. 27 Wuxuu sidaas u sameeyay waa inuu lahaado kaniisad qurux badan oo aan lahayn xumaan, ceeb iyo waxyaalo la mida, laakiin quduus ah oo aanan eed lahayn. 28 Sidaas oo kale nimanku waa iney xaasaskooda u jeclaadaan sida ey jirkooda u jecelyihiin. Waayo ninkii xaaskiisa jecel ayaa laga ogaadaa inuu naftiisa jecel yahay. 29 Qof jirkiisa neceb naguma jiro, laakiin waxaan u quudinaa una daryeelnaa siduu Masiixu kaniisadda u quudiyo una daryeelo oo kale. 30 Waayo waxaan nahay qeybo ka mida jirkiisa. 31 Sida uu qorniinku leeyahay, “ninku wuxuu ka tagi doonaa aabihiis iyo hooyadiis wuxuuna la midoobi doonaa xaaskiisa, labadooduna waxey noqon doonaan hal jir.” 32 Halkan waxaa ku jirta sir weyn, laakiin waxaan u fahmay in macnaheedu yahay Masiixa iyo kaniisadiisa. 33 Si kastaba ha ahaatee, mid walboo idin ka mid ah waxaa waajib ku ah inuu xaaskiisa u jeclaado siduu naftiisa u jecel yahay, xaas walbana waa iney ninkeeda xushmeysaa. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.