Efesos 4 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubMidowga xubnaha jirka ka dhaxeeya 1 Sidaa darteed aniga oo adeegista Rabbiga darteed maxbuus u ah, ayaa idin ka baryaya inaad ku noolaataan nolol u qalanta yeeritaanka uu Illaahey idiin yeeray. 2 Mar walba dabacsanaan, naxariis iyo dulqaad lahaada. Jaceyl is tusa idinkoo qaladyadiina isku dhaafaya. 3 Ku dadaala inaad u ogolaataan Ruuxa Illaahey inuu mideeyo qalbiyadiina idinkoo nabad ku noolaanaya. 4 Kuligiin waxaad ka wada tirsan tihiin hal jir. Waxaa jira hal Ruux oo Illaahey, sidii la idiin siiyay hal rajo markii la idin doortay. 5 Waxaan leenahay oo kaliya hal Sayid, hal iimaan iyo hal baabtiis. 6 Waxaa jira hal Illaah kaasoo ah Aabaha binu aadanka oo dhan. Ma aha oo kaliya in Illaahey ka sareeyo waxa jira oo dhan, laakiin anaga oo dhan ayuu nagu dhex shaqeeyaa anaga oo dhan ayuuna nagu dhex nool yahay. 7 Laakiin mid walboo naga mida waxaa nimcada loo siiyay sidii uu Masiixu ugu qiyaasay. 8 Tani waa sababta uu qorniinku u dhahayo, “Markii uu kor u aaday samada meelaheeda ugu sareeya, maxaabiis badan ayuu sii watay dadkiisana wuxuu siiyay hadiyaddo.” 9 Haddaba “kor u aaday” waxaa laga wadaa in markii hore Masiixu dhulka hoostiisa galay. 10 Kii markii hore dhulka hoostiisa galay ayaa haddana kor u aaday meel ka sareysa samooyinka oo dhan, si uu aduunka oo dhan u buuxiyo. 11 Haddaba Masiixa ayaa u doortay qaar naga mida iney noqdaan rasuullo, nebiyo, tabliiq, wadaaddo iyo macalimiin. 12 Wuxuu sidan u sameeyay in dadka Illaahey bartaan adeegida iyo in jirka Masiixu xoogeysto. 13 Ilaa anaga oo dhan aan ka midowno iimaanka iyo fahanka Wiilka Illaahey. Kadibna waxaan u weynaaneynaa sida Masiixa oo sidiisa oo kale ayaan u dhameystirmi doonnaa. 14 Waa inaan joojinaa u dhaqanka sidii ciyaalkii. Waa in aanan u ogolaan dadka khiyaanoolashaasha ah iney nagu khiyaanaan waxbaridooda beenta ah, taas oo ah sidii dabeyl marba dhinac noo kaxeyneysa. 15 Jaceylku waa inuu naga dhigaa kuwo mar walba runta sheega. Kadibna dhinac walba waan ka kori doonnaa waxaanna u ekaan doonnaa Masiixa kaasoo ah madaxa jirka. 16 Masiixa ayaa isku haya jirka oo dhan xubnihiisa oo dhanna si dhameystiran uga shaqeysiiya, isaga oo koraya kuna xoogeysanaya jaceyl. Sida nolosha masiixinimadu tahay 17 Waxaan magaca Illaahey idin ku amrayaa inaad joojisaan inaad u noolaataan sida dadka aan Illaahey garaneyn, waayo waxey ka fikiraan waa wax aan micno lahayn. 18 Caqligoodu mugdi ayuu ku jiraa, wey dhib badan yihiin weyna aqoon yaryihiin waxeyna waayeen nolosha xagga Illaahey ka timaada. 19 Xishoodki oo dhan ayaa ka tagay, waxey u nool yihiin iney damacyadooda xun xun raali galiyaan waxaana ka buuxa hunguri xumo. 20 Laakiin taasi ma aha waxaad Masiixa ka barateen. 21 Runtii waad maqasheen waxa Ciise ku saabsan waana la idin baray runta isaga ka imaaday. 22 Waxaa la idiin sheegay in damacyadiina xumi idin baabi’in doonaan oo eyna waajib tahay inaad ka tagtaan noloshiini hore iyo dhaqamadeedi xumaa. 23 U ogolaada Ruuxu inuu badalo sida aad u fikirtaan 24 oo uuna idin ka dhigo abuur cusub. Waxaa la idiin abuuray inaad u ekaataan Illaahey, haddaba waa inaad isaga raali galisaan oo quduusiin dhab ah noqotaan. 25 Sidaa darteed mid walboo naga mida waa inuu beenta joojiyaa runtana walaalaha kale u sheegaa, waayo kuligeen waxaan xubno ka nahay hal jir. 26 “Markaad xanaaqdaan ha dembaabina.” Qoraxdu yeysan dhicin idinkoo xanaaqsan, 27 ibliiskana fursad yuusan idin ka helin. 28 Qof walboo wax xadi jiray ha joojiyo, laakiin gacmahiisa howl wanaagsan haku qabto si uu naftiisa iyo masaakiintaba ku caawiyo. 29 Ha u ogolaanina hadal aan fiicneyn inuu afkiina ka soo baxo, laakiin waxa kaliya ee ka caawinaaya kobcinta kuwa kale hadba baahidoodu sida ey tahay, taas oo waxtar u leh kuwa dhageysanaya. 30 Illaahey Ruuxiisa Quduuska ahna haka xanaajinina, kaasoo in la idin ku shaabadeeyay maalinta madax furashada. 31 Iska saara dhamaan waxa xaasidnimada iyo xanaaq ah. Ha isku qeylinina, ha is inkaarina, ha is caaynina si xunna ha iskula hadlina. 32 Laakiin isu dabacsanaada oo isu naxariista, kuwa kalana u cafiya sidii uu Illaahey Masiixa dartiis idiin kugu cafiyay. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.