Efesos 2 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubMasiixa oo nalala soo nooleysiiyay 1 Waagii hore ruuxiyan waad u dhimateen caasinimadiina iyo dembiyadiina dartood. 2 Waxaad ku noolaan jirteen dembi, sida dadka aduunka waxaadna adeecdeen ibliiska oo hogaamiyaa boqortooyada koonka ruuxdiisuna waxey u talisaa qof walboo Illaahey ku caasiya. 3 Anaga oo dhan sidaas ayaan soo wada ahayn, anaga oo raaceyna damaca jirkeena iyo fikradeena. Waxaan ka careysiinay Illaahey waxaanna sida dadka kale mudnayn ciqaab. 4 Laakiin jaceylka weyn ee uu inoo qabo dartiis Illaaheyga naxariista badan 5 ayaa Masiixa na la nooleeyay anaga oo dembiyadeena dartood u dhimanay. Illaahey nimcadiisa ayaad ku badbaadeen. 6 Illaahey ayaa Masiixa dhimashada nagula sarakiciyay nalana fariisiyay jannada dhexdeeda, Ciise Masiix oo aan la midownay darteed. 7 Wuxuu Illaahey sidaas u sameeyay si waqtiyada soo socdo uu noo tuso nimcadiisa nooguna naxariisto Ciise Masiix dartiis. 8 Waayo nimcada Illaahey ayaad ku badbaadeen, markaad Masiixa aaminteen. Awoodiinana kuma imaan ee waa hadiyad xagga Illaahey ka timid. 9 Mana aha wax aad camalladiina ku keensateen, sidaa darteed qofna kuma faani karo. 10 Waayo waxaan nahay abuurkii Illaahey, la midowgeena Ciise Masiix ayuuna abuur cusub nooga dhigay si aan u sameyno camallo wanaagsan taas oo uu horey noogu diyaariyay. Yuhuudda iyo dadka aan Yuhuudda ahayn oo Ciise dartiis ku midoobay 11 Sidaa darteed dadkiinan aan Yuhuudda ahaynow ha illoobina iney Yuhuuddu idin kugu yeeri jireen “kuwii aan gudneyn” iyaga oona iskugu yeera “kuwa gudan” inkastoo ey jirkooda oo kaliya ku sameeyaan. 12 Xasuusta waqtigaas Masiixa gooni ayaad ka ahaydeen, waad ka baxsanaydeen reer binu Israa’iil waxna kuma eydan lahayn axdigii ballanqaadka, aduunkana rajo la’aan iyo Illaah la’aan ayaad ku joogteen. 13 Laakiin hadda Ciise Masiix dartiis kuwiinan markii hore fogaa waxaa hadda la idin ku soo dhaweeyay dhiigga Masiixa. 14 Waayo isaga ayaa nabadda noo keenay Yuhuudda iyo dadka aan Yuhuudda ahaynna mideeyay. Waayo jirkiisa ayuu ku burburiyay derbigii kala qeybinayay cadowgana ka dhigayay. 15 Wuxuu soo af jaray sharcigii Yuhuudda iyo amaradiisi, si uu labada qowmiyadood uga soo dhex saaro hal qowmiyad oo cusub isagana la mideysan, sidaas ayuuna nabad ku dhaliyay. 16 Oo hal jir inuu Illaah kula heshiiyo labaduba iskutallaabta, isagoo dilaya cadawnimadoodi. 17 Wuu yimid oo nabad idiinku wacdiyay kuwiinan Yuhuudda ahayn iyo nabad kuwa Yuhuudda ah. 18 Haddana anaga oo dhan Aabaha hal Ruux ayaan ugu wada tagi karnaa Ciise wixii uu noo sameeyay darteed. 19 Haddaba hadda ma tihiin shisheeye, laakiin waxaad dadka Illaahey la tihiin wadani waxaadna xubin ka tihiin reerka Illaahey. 20 Waxaa tihiin sidi dhismo ey aasaas u yihiin rasuullo iyo nebiyo, Ciise Masiixna uu u yahay udub dhaxaad. 21 Isaga ayaa dhismaha isku haya, korna u kiciya si uu macbad quduus ah Rabbiga ugu noqdo. 22 Isaga ayaana idinka xitaa la idin ku dhisay si aad u noqotaan meel uu Illaahey Ruuxiisu ku noolaado. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.