Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Efesos 1 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Warqaddan waxaa qoray Bawlos, kaasoo uu Illaahey u doortay inuu noqdo rasuulkii Ciise Masiix. Waxeyna ku socotaa Illaahey dadkiisa quduuska ah ee jooga Efesos, kuwaasoo daacad u ah Ciise Masiix.

2 Nimco iyo nabad ka timid Aabaha Illaaheena ah iyo Sayidkeena Ciise Masiix korkiina ha ahaato.


Barakooyin ruuxi ah

3 Ammaan ha u sugnaato Illaaha iyo Aabaha Sayidkeena Ciise Masiix, kaasoo Masiixa dartiis nagu siiyay barakooyin ruuxi ah oo ka yimid samada!

4 Waayo intaan aduunka la abuurin ka hor ayuu noo doortay inaan Masiixa ku noqono kuwa quduus ah oo aanan eed lahayn. Jaceylka uu noo qabo dartiis

5 Illaahey wuxuu horey u go’aansaday inaan Ciise Masiix dartiis ku noqono ciyaalkii Illaahey. Waana wax uu rabay wuuna ku faraxsanaa.

6 Haddaba waa inaan Illaahey ku ammaannaa nimcada uu nagu siiyay wiilkiisa uu jecel yahay dartiis.

7 Illaahey nimcadiisi ayuu dhiigga wiilkiisa noogu furtay nooguna dembidhaafay.

8 Wuxuu noogu deeqay naxariis ey la jirto xigmad iyo fahan.

9 Illaahey wuxuu hadda noo muujiyay qorshihiisi qarsoonaa ee ku saabsanaa Masiixa, qorshahaas oo uu ka dhabeynayo isaga oo ku faraxsan.

10 Qorshahan oo uu Illaahey dhameystiri doono markii waqtigii loogu talagalay la gaaro, waana in waxa aduunka ku jira iyo waxa samada ku jira oo dhan la isku keeno iyagoo uu Masiixu hogaaminayo.

11 Masiixa oo aan la midownay darteed ayaan dhaxalka xagga Illaahey kaga helnay, waayo horey ayuu noo doortay, wax walbana siduu u qorsheeyo ayey u dhacaan.

12 Ujeedada Illaahey waxey ahayd, in anagan Yuhuudda ah ee ahaa kuwii ugu horeeyay ee Masiixa rajadooda saarta, aan Illaahey ammaan u soo jiidno.

13 Idinkuna sidoo kale waad kusoo biirteen markaad maqasheen fariinta runta, ee ah warka wanaagsan ee aad ku badbaadeysaan. Markaad aaminteen ayaa la idin ku sumadeeyay Ruuxa Quduuska ah ee horey loo ballan qaaday.

14 Ruuxa ayaa damaana qaadaya dhaxalkeena illaa laga gaaro xoreynta dadka Illaahey. Wuxuuna sidaa u sameeyay ammaanta weynaantiisa.


Duco iyo mahadcelin

15 Sidaa darteed ayaan illaa markaan maqlay iimaanka aad ku qabtaan Sayid Ciise iyo jaceylka aad u qabtaan dadka Illaahey oo dhan,

16 ma joojin mahadcelin iyo inaan idiin duceeyo.

17 Waxaan mar walba ku duceystaa in Illaaha Sayidkeena Ciise Masiix, Aabaha ammaanta leh uu idin siiyo xigmad ruuxi ah iyo inuu idiin muujiyo waxyaalaha qarsoon, si aad Isaga u barataan.

18 Waxaan Illaahey ka baryayaa inuu qalbigiina furo si aad u garataan rajada uu idin kugu yeeray, iyo taajirnimada ammaanta dhaxalka uu ka ballan qaaday inuu siiyo dadkiisa quduuska ah.

19 Waxaan sidoo kale Illaahey ka baryayaa inaad garataan awooddiisa weyn ee kuwa aaminay ee naga dhex shaqeyneysa. Waana isla awooddii weyneyd,

20 ee Masiixa dhimashada kasoo sarakicisay ee fariisisayna gacanta midig ee Illaahey jannada dhexdeeda.

21 Wuxuuna ka dhigay mid ka sareeya xukun walba iyo awood walba iyo maamul walba iyo magac walboo lagu baryo. Wuxuu hogaamiyaa abuurka aduunkan oo dhan sidoo kalana wuu hogaamin doonaa weligiis.

22 Illaahey wuxuu wax walba hoos dhigay awoodda Masiixa, mu’miniinta dartood ayuuna ugu doortay inuu wax walba madax u noqdo.

23 Mu’miniintu waa Masiixa jirkiisa, waxaana lagu kaamil yeelay Masiixa, kaasoo ah midka dhameystira wax walba.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan