Cibraaniyada 9 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubNidaamka caabudida 1 Axdigii hore wuxuu lahaa sharci ku saabsan caabudida iyo meel teendho ah oo wax lagu caabudo oo dunidan ku taala. 2 Qeybta ugu horeysa ee teendhada oo la oran jiray meesha quduuska ah, waxaana halkaas yaalay laambad, miis iyo kibista qurbaanka ah. 3 Daaha gadaashiisana waxaa la oran jiray meesha ugu quduusan. 4 Halkaas waxaa ku yaalay meel allabari oo dahab ka sameysan oo loo isticmaali jiray in fooxa lagu shido iyo sanduuqa axdiga oo uu dahab ku daboolan yahay. Sanduuqaasna waxaa ku jiray weel dahab ka sameysan oo maannadii ku jirto, ushii Haaruun oo ey caleemo ka dul baxeen iyo looxyadii uu axdigu ku qornaa. 5 Sanduuqa korkiisa waxaa saarnaa Keruubiimta ammaanta, kuwaasoo ey baalashoodu ku dul fidsanaayeen daboolka kafaaragudka. Laakiin arintan hadda si faahfaahsan uma sharaxi karno. 6 Marka wax walba sidan loo diyaariyay ayey wadaaddadu si joogta ah u gali jireen teendhada meesheeda ugu horeysa si ey u gutaan shaqadooda wadaadnimo. 7 Laakiin wadaadka sare oo kaliya ayaa gali karay qeybta labaad ee teendhada, wuxuuna gali jiray sanadkii hal mar. Mar walbana wuxuu la gali jiray dhiig uu u bixiyay dembiyadiisa iyo dembiyada ey dadku si aan ula kac ahayn u sameeyeen. 8 Ruuxa Quduuska ah ayaa sharciyadaan oo dhan nagu barayay in meesha ugu quduusan eysan cidna gali karin inta teendhada iyo nidaamka ey mataleysaba ey weli shaqeynayaan. 9 Tani waa tusaale u taagan waqtiga hadda la joogo, macnaheedu waa in hadiyaddo iyo allabariyo Illaahey loo bixiyaa eysan nadiifineyn qalbiga caabudayaasha. 10 Sharciyadaas waa cunitaan cabitaan iyo xafladda isdhaqidda aan isku dhaqno waxeyna quseeyaan jirka, waxey sii shaqeynayaan illaa Illaahey sharci cusub ka keenayo. Dhiigga Masiixa 11 Laakiin hadda Masiixu wuu yimid isaga oo wadaad sare u ah wax walboo wanaagsan oo halkan ka jira. Wuxuuna aaday teendho ka wanaagsan tii hore oo eysan binu aadan sameynin aduunkanna aan ka tirsanayn. 12 Kadib Masiixu wuxuu hal mar noo galay meesha ugu quduusan isaga oo wada dhiigiisi ee aan wadin dhiig ariga iyo dibiyo, wuxuuna si weligeed ah nooga xoreeyay dembiyadeeni. 13 Sharcigii hore, dhiigga ariga iyo kan dibiyada iyo dambaska saca yar ee la gubay waxey dadka jirkooda ka nadiifin jireen nijaasada. 14 Intee ka badan ayuu dhiiga Masiixa kaasoo Ruuxa daa’iimka ah jirkiisa Illaahey ugu bixiyay sidii qurbaan aan iin lahayn. Kaasoo maankeena ka nadiifin kara waxyaalaha dhimashada keena, si aan ugu adeegno Illaaha nool. 15 Sababtan darteed Masiixu waa dhaxdhexaadiyaha axdiga cusub, si kuwa loo yeeray ey u helaan ballanta dhaxalka weligiis ah. Haddaba wuxuu u dhintay madaxfurashada inuu ka xoreeyo dembiyadii ey ku galeen axdigii hore. 16 Marka dhaxal laga hadlayo, waa lagama maarmaan in kii dhaxalka ka tagay dhinto inta aan la isticmaalin. 17 Haddaan si kale u dhaho, dhaxalku ma shaqeeyo inta kii dhaxalka ka tagay nool yahay. 18 Tani waa sababta xitaa axdigii hore uusan dhiig la’aan u shaqeyn jirin. 19 Muuse wuxuu dadka u sheegay wax walboo uu sharcigu rabay iney sameeyaan. Kadib wuxuu isticmaalay dhiigga dibiyada iyo kan ariga oo biyo lagu daray, wuxuuna ku dul rusheeyay dadka iyo buuggii sharcigu ku qornaa isaga oo isticmaalaya dhogor guduudan iyo geed husob la yiraahdo. 20 Wuxuu ku yiri, “Kani waa dhiigii axdiga, kaasoo Illaahey idin ku amray inaad xajisaan.” 21 Sidoo kale Muuse wuxuu dhiigga ku rusheeyay teendhada iyo wax walboo caabudida loo isticmaalayay. 22 Sharcigu wuxuu noo sheegayaa in wax walba dhiig lagu rusheeyo, dembina lama cafin karo illaa dhiig la daadiyo maahane. 23 Tani waa sababta teendhada iyo wax walboo ku jira kuwaasoo ahaa kuwo u ekaa waxyaalaha jannada ku jira, ey ahayd in lagu nadiifiyo dhiigga xayawaanka. Laakiin waxyaalaha runta ah ee jannada ku jira waa in lagu nadiifiyaa qurbaan dhiigga xayawaanka ka qiimo badan. 24 Tani waa sababta uusan Masiixu u galin meesha ugu quduusan ee binu aadanku sameeyay oo u ekeyd tan runta ah ee jannada. Laakiin wuxuu aaday jannada haddana wuxuu la joogaa Illaahey si uu anaga noo caawiyo. 25 Masiixu kuma qasbanayn inuu marar badan naftiisa qurbaan ahaan u bixiyo. Ma uusan ahayn sida wadaad sare oo ku qasban inuu sanad walba galo meesha ugu quduusan si uu u bixiyo dhiigga xayawaanka. 26 Hadduu naftiisa bixin lahaa sanad walba, wuxuu silci lahaa marar badan illaa markii aduunka la abuuray. Laakiin markii uu aduunka dhamaan rabay ayuu naftiisa hal mar bixiyay, si uu u noqdo qurbaan dembiga tirtira. 27 Qof walba hal mar ayuu dhimanayaa, kadibna Illaahey ayaa xisaabin doona. 28 Sidaas oo kale ayuu Masiixu hal mar loo bixiyay si uu u tirtiro dembiga dad badan. Laakiin markii uu mar labaad soo laabto uma imaan doono inuu dembiyada tirtiro. Wuxuu u imaan doonaa inuu badbaadiyo qof walboo isaga sugayay. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.