Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Cibraaniyada 8 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Ciise waa wadaadkeena sare

1 Ujeedada ugu weyn ee hadalkeygu waa inaan heysano wadaad sare kaasoo fadhiya dhinaca midig ee carshiga Illaaha weyn ee jannada ku yaala.

2 Sidoo kale wuxuu wadaad sare ahaan uga adeegaa meesha ugu quduusan, gudaha teendhada runta ah ee ku taala samada. Teendhadan Sayidka ayaa dhisay ee binu aadan ma dhisin.

3 Wadaadka sare oo kasta waxaa ku waajib ahayd inuu bixiyo hadiyaddo iyo allabariyo, Masiixana wuxuu u baahnaa inuu haysto wax uu bixiyo.

4 Hadduu dhulka joogi lahaa, wadaad muusan ahaan lahayn, waayo waxaa dhulka jooga wadaaddo bixiya hadiyadihii uu sharcigu waajibiyay.

5 Laakiin teendhada ey iyagu ka adeegaan waa harka teendhada runta ah ee samada ku taala. Inta uusan Muuse teendhada sameyn waxaa lagu yiri, “Xaqiiji inaad wax walba u ekeysiiso sidii qaabkii lagugu tusay buurta korkeeda!”

6 Laakiin hadda Ciise wuxuu helay adeeg kasii weyn axdigoodi, kaasoo uu isaga dhaxdhexaadiyay u ahaa oo ka sareeya kii duuga ahaa, mar haddii axdiga cusub loo soo saaray ballan qaadyo ka wanaagsan.

7 Waayo haddii uusan axdigii hore wax ka qaldanaan lahayn axdi kale looma baahnaan lahayn.

8 Laakiin Markii uu Illaahey arkay dadka qaladaadkooda ayuu yiri, “Waxaan idinku leeyahay maalmo ayaa imaanaya, oo aan axdi la gali doono dadka reer binu Israa’iil iyo dadka Yahuudah.

9 Mana noqon doonto sidii axdigii aan la galay awoowayaashood markaan gacanta ka qabtay si aan uga saaro Masar, axdigeygi oo ey jabiyeen darteed ayaan iyaga uga tagay.

10 Waa kan axdiga aan la gali doono dadka reer binu Israa’iil Illaahey wuxuu leeyahay, waqtigaas sharcigeyga waxaan galin doonaa maankooda waxaanna ku qori doonaa qalbiyadooda. Waxaan ahaan doonaa Illaahooda, waxeyna ahaan doonaan dadkeyga.

11 Deriskooda wax masii bari doonaan, iskumana dhihi doonaan, ‘Rabbiga garo,’ waayo kuligood wey i garan doonaan, laga bilaabo kan ugu yar illaa kan ugu weyn.

12 Waayo xumaantooda waan cafin doonaa dembiyadooduna masii xasuusan doono.”

13 Markii uu Illaahey ka hadlo axdi cusub macnaheedu waa in axdigii hore waqtigiisu dhamaaday, wax walboo duugoobay wuu baabi’i doonaa.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan