Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Cibraaniyada 7 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Malkisadaq wuu ka weyn yahay Ibraahim

1 Malkisadaq wuxuu boqor ka ahaa magaalada Saalem wuxuuna ahaa wadaadka Illaaha ugu Sareeya. Wuxuu la kulmay Ibraahim oo soo laabanaya kadib markii uu ka adkaaday boqorradii wuuna barakeeyay.

2 Kadibna Ibraahim wuxuu Malkisadaq ka siiyay toban meelood wax walboo uu lahaa. Macnaha Malkisadaq waa “Boqorka xaqa” sidoo kale boqorka Saalem waxaa laga wadaa “Boqorka nabadda.”

3 Nalooma sheegin inuu lahaa aabe ama hooyo ama awoowayaal ama bilow ama dhamaad nolosha. Waa sida Wiilka Illaahey oo kale wadaad ayuuna weligiis ahaan doonaa.

4 Bal ka fikir weynaantiisa! Xitaa awoowgeen Ibraahim ayaa siiyay toban meelood wixii uu cadowgiisa kasoo qaatay.

5 Sharcigu wuxuu na barayaa xitaa farcanka Ibraahim waxaa ku waajib ah iney bixiyaan toban meelood waxey heystaan. Waana iney toban meeloodka u dhiibaan reerka ey qaraabada yihiin ee reer Laawi oo ah wadaaddo.

6 Inkastoo uusan Malkisadaq ahayn farcankii Laawi, laakiin Ibraahim ayaa siiyay toban meelood wixii uu heystay. Kadib Malkisadaq ayaa barakeeyay Ibraahim kaasoo la siiyay ballankii Illaahey.

7 Waxaan shaki ku jirin in qofka barakada bixiyaa uu ka weyn yahay kan barakada hela.

8 Wadaaddada waxaa la siiyaa toban meelood waxey dadku helaan. Laakiin wadaaddadii oo dhan wey dhinteen waxaan Malkisadaq ka ahayn, qorniinkuna wuxuu noo sheegayaa inuu weli nool yahay.

9 Farcankii Laawi ayaa hadda dadka waxey helaan toban meelood meel qaata. Waxaanna dhihi karnaa markii uu Ibraahim Malkisadaq toban meelood meel maalkiisi ka siiyay, Laawi xitaa inuu isaguna toban meelood meel Malkisadaq siiyay.

10 Waayo Laawi wuxuu ka dhashay farcanka Ibraahim kaasoo Malkisadaq siiyay toban meelood meel.


Ciise waa sida Malkisadaq oo kale

11 Inkastoo uu sharciga Muuse noo sheegayo iney waajib tahay in wadaaddadu ahaadaan farcanka Laawi, laakiin wadaadadaaas qofna ma kaamili karaan. Sidaa darteed waxaa loo baahanyahay wadaad sidii Malkisadaq oo kale ah, ee looma baahna wadaad kasoo jeeda reerkii wadaaddada ee Haaruun.

12 Waayo markii wadaadnimada la beddelo, sidoo kalana waa in sharciga la badalaa.

13 Qofka aan ka hadleyno waa Sayidkeena, kaasoo ka tirsan qabiil aan weligood wadaad meesha allabariga ka adeego kasoo bixin.

14 Qof walba wuu og yahay in Sayidkeenu kasoo jeedo qabiilka Yahuudah, Muusana weligiis sharciga kuma sheegin in wadaaddadu kasoo bixi doonaan qabiilkaas.

15 Arintan waxaa la cadeeyay markii wadaad Malkisadaq oo kale ah la doortay.

16 Midka wadaad ku noqday aasaaska aan ku saleysneyn sharciga awoowayaashiis, laakiin ku noqday awoodda nolosha aan la dumin karin.

17 Waayo waa la cadeeyay, “Weligaa wadaad ayaad ahaan doontaa, sidii Malkisadaq u ahaa oo kale.”

18 Amarkii horana waa la buriyay waayo wuxuu ahaa mid daciif ah oo aan waxba tarayn.

19 Sababtoo ah sharcigu qofna kaamil kama dhigi karo. Laakiin hadda waxaa na la siiyay rajo taas ka wanaagsan taas oo Illaahey xaggiisa noo dhaweyneysa.

20 Sidoo kale dhaar la’aan wadaad loogama dhigin. Haaruun farcankiisi dhaar la’aan ayey wadaaddo ku noqdeen.

21 Laakiin isaga dhaar ayuu wadaad ku noqday markii uu Illaahey ku yiri, “Sayidku wuu dhaartay dhaartiisana kama laaban doono! ‘Weligaa wadaad ayaad ahaan doontaa.’ ”

22 Dhaartan darteed ayuu Ciise ku noqday mid damaanad qaaday axdi kii hore ka wanaagsan.

23 Waxaa jiray wadaada kaloo badan kuligoodna wey dhinteen.

24 Laakiin Ciise noloshiisa daa’imka ah darteed weligiis wadaad ayuu ahaan doonaa.

25 Sidaa darteed wuxuu weligiis awood u leeyahay inuu badbaadiyo kuwa uu Illaahey isaga ku hogaamiyo, waayo isagu weligiis wuxuu u nool yahay inuu iyaga u duceeyo.

26 Ciise waa wadaadka sare ee aan u baahannahay. Waa quduus daacad ah oo aan khalad lahayn, sideena oo kalana dembiile ma aha. Ciise waxaa laga sareeysiiyay wax walboo samada ku jira.

27 Wuu ka duwan yahay wadaaddada sare ee kale, uma baahna inuu maalin walba dembigiisa iyo dembiga dadka allabariyo u bixiyo. Waayo hal allabari ayuu dembiyadooda u sameeyay markii uu noloshiisa bixiyay.

28 Sharciga Muuse wuxuu doortay wadaaddo sare ee aan kaamil ahayn. Laakiin axdiga Illaahey oo yimid sharciga kadib, wuxuu doortay Wiilka Illaahey kaasoo weligiis kaamil ah.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan