Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Cibraaniyada 6 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Sidaa darteed waa inaan korno oo aan ka gudubno waxbaridda aasaasiga ah ee Ciise Masiix na laga baray. Anagoo aan mar kale dhigin aasaaskii toobadkeenka camallada keena dhimashada iyo sababta aan Illaahey u aamineyno.

2 Umana baahnin inaan sii wadno barista baabtiiska, gacmaha oo madaxa la iska saaro, kasoo sarakicidda dhimashada iyo xukunka weligiis.

3 Horey aan u socono! Oo sidaas ayaan sameyn doonnaa hadduu Illaahey yiraahdo.

4 Waayo sidee ayaa kuwa iimaankoodi ku caasiyay mar labaad iney toobadkeenaan loogu ogolaanayaa? Mar ayey iftiinka Illaahey iyo hadiyaddo samada ka yimid heleen nalana wadaageen Ruuxa Quduuska ah.

5 Khibrad ayey u lahaayeen wanaaga uu leeyahay ereyga Illaahey iyo awoodda waqtiga soo socda.

6 Kadibna iimaankoodi ayey ka tageen! Suurtagal ma aha in loo ogolaado iney dib u toobadkeenaan, waayo haddana waxey iskutallaabta ku dilayaan Wiilka Illaahey dadka hortooda ayeyna ku ceebeynayaan.

7 Dhulku wuxuu beeraleyda faa’iido u leeyahay markii roob fiican uu ku da’o si dalag wanaagsan u soo baxaan, dhulkaasna Illaahey wuu barakeeyaa.

8 Laakiin dhulka qodaxda kaliya dhala faa’iido ma laha, waxey u badan tahay in inkaarta Illaahey ku dhacdo ugu dambeyntana dab ayaa lagu shidaa.

9 Saaxiibayaalow, inkastoo aan sidan u hadleyno laakiin waan hubnaa inaad sameyneysaan waxyaalaha wanaagsan oo ey dadka badbaaday sameeyaan.

10 Illaahey ma ahan mid xaq dara ah, wuuna xasuusan doonaa sida aad dadkiisa horey ugu caawiseen iyo sida aad haddaba u caawineysaan. Dadkii Illaahey ayaa tihiin mana uu ilaawi doono jaceylka aad tusteen dadkiisa.

11 Waxaan dooneynaa in mid kasta oo in ka mid ah uu muujiyo dadaalkan oo kale illaa iyo dhamaadka, si waxaad rajeyneysaan ey u noqdaan kuwa si buuxda u rumoobay.

12 Ma rabno inaad caajislowyaal noqotaan, Laakiin inaad ku dayataan tusaalihii kuwii iimaanka lahaa oo dulqaatay illaa Illaahey ballankii uu iyaga ka qaaday oofiyay.


Ballanka Illaahey waa hubaal

13 Markii uu Illaahey u ballan qaaday Ibraahim, maadaama uusan jirin mid isaga ka weyn oo uu ku dhaarto, isaga ayaa isku dhaartay,

14 isaga oo leh, “Xaqiiqdii waan ku barakeyn doonaa farcankaagana waan badin doonaa!”

15 Kadib markii uu Ibraahim dulqaatay waxaa la siiyay wixii uu Illaahey ballan qaaday.

16 Qof markii uu rabo inuu muran soo gabagabeeyo, wuxuu ku dhaartaa magaca qof ama wax isaga ka weyn.

17 Haddaba Illaahey wuu dhaartay markii uu rabay inuu cadeeyo in uusan jabin doonin ballankii uu dadkiisa ka qaaday.

18 Illaahey been ma sheego! Sidaa darteed ballamadan iyo dhaarahan waa laba wax oo aan weligood la beddeli karin. Waxaan magangalnay Illaahey, haddaba ballanqaadkiisu waa inuu si weyn noogu dhiirigeliyaa inaan ku dhegno rajadan horteena taala.

19 Rajadan waxey nafteena u tahay baroosin adag. Xaqiiqdii rajadan waxey gashaa daahyada gadaashooda waxeyna sii aadaa meesha quduuska ah.

20 Ciise ayaa noo tagay halkaas, weligiisna wuxuu ahaan doonaa wadaadkeena sare, sidii Malkisadaq u ahaa oo kale.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan