Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Cibraaniyada 5 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Wadaadka sare oo kasta waxaa laga soo doortay dadka dhexdooda waxaana loo doortay inuu dadka u matalo waxyaalaha Illaahey quseeya, iney hadiyadaha bixiyaan iyo iney dembiyada allabariyo u bixiyaan.

2 Wuu awoodaa inuu si naxariis ku jirto ula dhaqmo kuwa aan waxba garaneyn iyo kuwa lumayba, waayo isaguba wuxuu daciif ka yahay meelo badan.

3 Waana sababta ey tahay inuu dembigiisa allabari u bixiyo kadibna dembiyada dadka kale allabari u bixiyo.

4 Qofna naftiisa uma doori karo sharafta ah inuu wadaad sare noqdo. Laakiin waxaa lagu helaa yeeritaanka Illaahey sidii Haaruun loogu yeeray.

5 Sidaas oo kale, Masiixu isuma keenin ammaanta ah inuu wadaad sare noqdo. Laakiin Illaahey ayaa ku yiri, “Waxaa tahay Wiilkeyga, maanta waxaan noqday aabahaa.”

6 Meel kalana Illaahey wuxuu ku yiri, “Waxaad weligaa tahay wadaad, sidii Malkisadaq ahaa oo kale.”

7 Markii uu dhulka ku noolaa Ciise si cod dheer ah ayuu ugu ooyay Illaahey isaga oo ka baryaya inuu ka badbaadiyo dhimashada. Wuxuu ahaa mid is hooseysiiya oo daacad ah, Illaaheyna wuu maqlay baryadiisi.

8 Laakiin inkastoo uu ahaa Wiilka Illaahey, haddana silicii uu maray ayuu ku bartay baarinimada.

9 Markii la dhameystirayna wuxuu noqday meesha ey kuwa isaga aamina ka helaan badbaadada weligeed ah.

10 Illaahey ayaana u doortay inuu noqdo wadaad sare, sidii uu Malkisadaq ahaa oo kale.


Caasinimada oo laga digay

11 Wax badan ayaan idinkaga sheegi lahayn arintan laakiin wey adagtahay in la sharaxo waayo fahankiinu waa daciif.

12 Waqtigan macalimiin ayaad ahaan lahaydeen. Laakiin weli waxaad u baahantihiin qof idin bara aasaasiga runta ee ereyga Illaahey mar kale. Intaad cuni laheydeen cunto adag, waxaad weli cabtaan caano.

13 Qofkii caano kaliya ku nool waa cunug yar welina ma ogaanin waxbaridda xaqa ah.

14 Laakiin cuntada adag waxaa loogu talagalay dadka waaweyn, kuwaasoo isku tababaray iney kala saaraan sax iyo khalad.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan