Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Cibraaniyada 4 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Nasashada loo ballan qaaday dadka Illaahey

1 Ballanta ah in la galayo meelaha nasashada weli wey jirtaa, waa inaan ka taxadarnaa in midkeenna uusan waayin.

2 Waayo sidii ey u maqleen oo kale ayaan inaguna warka wanaagsan u maqalnay. Laakiin waxba wuu u tari waayay waayo wey aamini waayeen wixii ey maqleen.

3 Kuwa iimaanka leh oo kaliya ayaa gali doona meelaha nasashada, sida uu qorniinku leeyahay, “Haddaba waxaan aniga oo careysan dhaar ku marayaa, ‘Weligood nasiinadeyda ma heli doonaan.’ ” Sidaas oo ey tahayna shaqadiisu waxey dhameystirneyd illaa waqtigii abuurista dunida.

4 Waayo meel kitaabka ka mid ah ayuu uga hadlay maalinta toddobaad isaga oo leh, “Maalintii toddobaad Illaahey wuxuu ka nastay shaqooyinkiisi oo dhan.”

5 Haddana meel kale wuxuu isla arintan ku leeyahay, “Weligood nasiinadeyda ma heli doonaan.”

6 Sidaa darteed maadaama ey qaar gali karaan nasashadaas, qaar kale oo helay warka wanaagsanna eysan galin caasinimadooda darteed.

7 Illaahey mar kale ayuu magacaabay maalin, uu ugu yeeray “Maanta.” Arinkan wuxuu sameeyay waqti dheer kadib markii uu afkii Daa’uud kaga dhex hadlay sida uu qorniinku leeyahay, “Maanta haddii aad maqashaan codkiisa, qalbiyadiina ha adkeynina.”

8 Waayo haddii Yashuuca siin lahaa nasasho Illaahey mar kale kama hadli lahayn wax ku saabsan maalin kale.

9 Laakiin Illaahey ayaa naga ballan qaaday maalin Sabti ah in aan nasan doonno, inkastoo eysan weli imaan.

10 Maalintaas dadka Illaahey waxey ka nasan doonaan shaqooyinkooda sidii uu Illaahey uga nastay shaqadiisa.

11 Waa inaan ku dadaalnaa sidii aan ku gali lahayn meeshaas nasashada, si midkeenna uusan u caasinin una gali waayin sidii ey iyaguba u gali waayeen.

12 Waayo ereyga Illaahey wuu nool yahay wuuna shaqeynayaa. Wuu ka af badanyahay xitaa seef labada dhinac af ku leh, wuxuu ka dhex dusi karaa nafta iyo ruuxda, kala goysyada iyo dhuuxa, wuxuu ogaan karaa fikirada iyo damacyada qalbiga.

13 Illaahey waxba kama qarsoona! Wax walbana wuu arkaa, waana inaan runta u sheegnaa.


Ciise waa wadaadka sare ee weyn

14 Waxaan leenahay wadaad sare oo weyn, kaasoo samada aaday, waana Ciise Wiilka Illaahey. Waana sababta ey tahay inaan ku adkeysano waxaan aaminsannahay.

15 Wadaadkeena sare wuu fahansanyahay daciifnimadeena oo dhan, waayo dhinac walboo na loo jarribay isagana waa loo jarribay. Laakiin ma uusan dembaabin!

16 Haddaba aan si dhiiranaan ku jirto ugu soo dhawaano carshiga nimcada, si aan u helno naxariis iyo nimco nacaawiso waqtiga baahida.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan