Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Cibraaniyada 3 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Ciise wuu ka weyn yahay Muuse

1 Haddaba walaalaheyga quduuska ahaw, kuwiina wadaaga wacitaanka samada, fikradihiina saarta Ciise, kaasoo aan u aqoonsanahay inuu yahay rasuulkeena iyo wadaadkeena sare!

2 Ciise daacad ayuu u ahaa Illaahey, kaasoo isaga doortay, sidii uu Muuse daacada ugu ahaa u shaqaynta dadka Illaahey oo dhan.

3 Laakiin Ciise wuxuu mudan yahay sharaf ka badan tan Muuse, sida kan guriga dhisaya uu uga sharaf badan yahay guriga.

4 Waayo guri walba qofbaa dhisay, laakiin Illaahey waa kan wax walba dhisa.

5 Muuse wuxuu ahaa adeege daacad ah wuxuuna dadka Illaahey u marqaatifuray waxa mustaqbalka la oran doono.

6 Laakiin Masiixu waa Wiilka xukuma dadka Illaahey oo dhan. Inaguna waxaan nahay dadkaas haddii aan sii adkeysano oo aanan rajo beelin.


Caasinimada oo laga digay

7 Waa sida Ruuxa Quduuska ah dhahayo, “Maanta haddii aad maqashaan codkiisa,

8 qalbiyadiina ha adkeynina, sidii aad u sameyseen waqtigii caasinimada, markii la joogay waqtigii la isku jarribay cidlada,

9 halkaasoo ey awoowayaashiin igu jarribeen iguna tijaabiyeen, inkastoo ey afartan sano arkeen wixii aan sameeyay.

10 Waana sababta aan ugu careysanaa jiilkaas, waxaanna iri, ‘Qalbiyadoodu mar walba wey leexanayaan, oo jidadkeyguna ma garanayaan.’

11 Haddaba waxaan aniga oo careysan dhaar ku marayaa, ‘Weligood nasiinadeyda ma heli doonaan.’ ”

12 Walaalayaalow, is ilaaliya! Midkiina yuu lahaanin qalbi shar leh oo aan aaminsaneyn ee idin leexiyo Illaaha nool.

13 Maalin walba waa inaad is dhiirigelisaan, intey “maalin” jirto, si eydan ugu khiyaanmin dembiga oo eydan Illaahey ugu madax adkaanin.

14 Waan iskugu nimid inaan wadaagno Masiixa. Haddaba aan runtii ku adkeysano kalsoonidii illaa dhamaadka.

15 Qorniinku wuxuu leeyahay, “Maanta haddii aad maqashaan codkiisa, qalbiyadiina ha adkeynina sidii aad u sameyseen waqtigii caasinimada.”

16 Yey ahaayeen kuwii maqlay oo caasiyay? Miyeysan ahayn kuwii uu Muuse kasoo saaray Masar?

17 Yuuse Illaahey u xanaaqsanaa afartan sano? Miyeysan ahayn kuwii dembaabay, kuwii jirkoodu cidlada ku baaba’ay?

18 Yuuse Illaahey ku dhaartay in eysan nasashadiisa geli doonin haddeysan ka ahayn kuwii caasiyay?

19 Haddaba waan aragnaa maysan awoodin iney galaan rumeysad la’aantooda darteed.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan