Cibraaniyada 2 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubBaadiyoobidda oo laga digay 1 Sidaa darteed waa inaan aad uga taxadarnaa wixii aan maqalnay, si aanan u baadiyoobin. 2 Fariintii lagaga dhex hadlay malaa’igta waxaa cadaatay iney run ahayd, kuwii ku caasiyay oo diidayna waxey heli doonaan ciqaab xaq ah. 3 Haddaba sidee ayaan ku baxsaneynaa haddaan iska dheggo tirno badbaadadan weyn? Illaahey ayaa markii ugu horeysay noo sheegay, dadkii maqlay fariinta ayaa noo cadeeyay iney run ahayd. 4 Illaahey ayaana na tusay in fariintiisu run tahay isaga oo sameynaya mucjisooyin awood leh, yaabab iyo hadiyaddo Ruuxa Quduuska ah taas oo uu dadka u siinayay sida uu isagu ku raali ah. Ciise oo si buuxda binu aadan u ah 5 Waan ognahay Illaahey in uusan malaa’igta masuul uga dhigin iney maamulaan aduunka imaan doona. 6 Laakiin waxaa jirta meel uu qof ku marqaatifuray, “Muxuu yahay binu aadanka aad daneyneyso? Yuu yahay wiilka aadanaha aad u daryeesho? 7 Waxaad in muddo ah naga dhigtay kuwo malaa’igta ka hooseeya. Haddana waxaad taaj nooga dhigtay ammaan iyo sharaf. 8 Wax walbana masuul ayaad nooga dhigtay!” Illaahey wuxuu wax walba nooga dhigay madax wax awoodeena ka hoos baxsanna ma jiraan. Laakiin weli ma aragno wax walba ee awoodeena ku hoos jira. 9 Waxaan aragno waa Ciise, kaasoo in muddo yar ah laga hooseysiiyay malaa’igta. Illaahey nimcadiisa ballaaran darteed ayuu Ciise ugu dhintay qof walba. Haddana maadaama uu ciise silcay uuna dhintay, waxaa taaj looga dhigay ammaan iyo sharaf! 10 Wax walba Illaahey ayaa leh waxaana lagu abuuray awooddiisa. Haddaba Illaahey si fiican ayuu sameeyay markii uu Ciise ku dhameystiray silac, si uu ugu hogaamiyo kuwo badan oo caruurta kamida badbaado oo eyna ammaantiisa ula wadaagaan. 11 Ciise iyo kuwa uu xaqa ka dhigaba waxey ka wada tirsanyihiin hal qoys. Waana sababta uusan ceeb ugu dareemeyn inuu ugu yeero walaalihiis. 12 Xitaa wuxuu Illaahey ku yiri, “Waxaan magacaaga u sheegi doonaa walaalahay markey isku yimaadaanna waxaan ku heesi doonaa ammaantaada.” 13 Wuxuu kaloo yiri, “Illaahey ayaan aamini doonaa.” Wuxuu kaloo yiri, “Waa i kan aniga iyo caruurtii Illaahey i siiyayba.” 14 Maadaama aan leenahay jir isaguna wuxuu na la wadaagay binu aadannimadeena si dhimashadiisu u burburiso awoodda ibliiska, kaasoo haya awoodda dhimashada. 15 Laakiin inuu ka xoreeyo kuwii noloshoodii oo dhan adoonsiga ugu jiray cabsida dhimashada. 16 Xaqiiqdii Ciise uma imaan inuu caawiyo malaa’igta ee wuxuu u yimid inuu caawiyo farcankii Ibraahim. 17 Sidaas awadeed waxey ahayd inuu si walba iskaga dhigo sida walaalihiis si uu u noqdo wadaadkeena sare ee naxariista badan ee daacad u ah adeega Illaahey, iyo si uu u sameeyo kafaaragud dembiga dadka. 18 Ciise in la silciyay lana jarribay darteed ayuu u awoodaa inuu caawiyo kuwa kale ee la jarribay. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.