Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Cibraaniyada 13 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Waxa Illaahey raaligeliya

1 Walaalayaalow ku dadaala inaad is jeclaataan.

2 Xasuusnaada inaad qariibka gurigiina kusoo dhaweysaan. Dadka qaar iyagoo sidaas sameynaya ayey malaa’ig guryahooda kusoo dhaweeyeen, iyagoo aan ka war qabin.

3 Xasuusta kuwa xabsiyada ku jira, kana soo qaada nafsadiina oo kale. Ha illoobina kuwa silcaya, laakiin kasoo qaada nafsadiina oo kale.

4 Guurka ixtiraama. Mar walba daacad u ahaw lamaanahaaga, waayo Illaahey wuu ciqaabayaa qof walboo sineysta ama aan daacad u ahayn guurkiisa.

5 Noloshiina ka ilaaliya lacag jaceylka waxaad heysataanna ku qanca, waayo Illaahey wuxuu yiri, “Weligey idin ma dayici doono, weligey idinkama tagi doono.”

6 Sidaa darteed waxaan si kalsooni ku jirto u leenahay, “Illaahey waa kan i caawiya, ma cabsan doono. Dad sideyda oo kale ah maxey igu sameyn karaan?”

7 Ha illoobina hogaamiyayaashiini ereyga Illaahey idin baray. Xasuusta noloshii ey ku noolaayeen iskuna daya inaad iimaankooda oo kale yeelataan.

8 Ciise Masiix weligiis isma beddelo! Waa isku mid shalay, maanta iyo weligiis.

9 Yaan la idin ku khiyaanin waxbarid nooc kale ah. Waxaa wanaagsan in qalbiyadeena lagu xoogeeyo nimcada Illaahey ee aanan mudneyn intaan isku haleyn lahayn cuntooyin xeerkood, kuwaasoo aan faa’iido u keenin kuwa sameeya.

10 Waxaan heysanaa meesha allabariga oo kuwa teendhada ka adeegaa eysan xaq u laheyn iney cuntadeeda cunaan.

11 Kadib markii uu wadaadka sare keeno dhiigga meesha ugu quduusan sida qurbaanka dembiga, jirka xoolahaas waxaa lagu gubaa xerada banaankeeda.

12 Sidaas oo kale ayuu Ciise ku silcay banaanka albaabka magaalada, sidaa darteed dhiigiisu waa inuu dadka quduus ka dhigaa.

13 Haddaba aan banaanka xerada u baxno oo aan isaga u tagno si aan ula wadaagno ceebta.

14 Dhulkan kuma lihin magaalo waarta laakiin waan sugeynaa magaalo sidaas ah.

15 Qurbaankeenu waa inaan Illaahey ku ammaannaa magaca Ciise.

16 Laakiin ha illoobina inaad kuwa kale caawisaan oo aad hantidiina la wadaagtaan. Labadan qodob waa sidii idinkoo bixinaya qurbaan Illaahey ka farxiya.

17 Hogaamiyayaashiina ku kalsoonaada waxey idin amraanna sameeya. Wey idin ilaaliyaan, Illaahey ayaana iyaga la xisaabtamaya. Haddaba haka careysiinina markey shaqadooda gudanayaan. Ka farxiya haddii kale idin ma caawin karayaan.

18 Noosoo duceeya. Damiirkeenu waa nadiif, mar walbana waxaan isku daynaa inaan si saxa u noolaanno.

19 Qaas ahaan aniga iisoo duceeya si aan dhaqso mar kale idiin soo booqdo.


Ducooyinkii iyo salaamihii ugu dambeeyay

20 Haddaba Illaaha nabadda, kaasoo dhiigga axdiga weligiis ah dhimashada uga soo sarakiciyay Sayidkeena Ciise, Arijirka wanaagsan ee idaha,

21 ha idinku xoogeeyo wax walboo wanaagsan intaad sameyneysaan doonistiisa. Ciisana ha idinku caawiyo wax walboo Illaahey ka farxiya. Ciise Masiix weligiis ammaan ha u ahaato. Aamiin!

22 Walaalayaalow, waxaan soo qoray warqad gaaban oo kaliya oo aan idin ku dhiirigeliyo, waxaanna idinka baryayaa inaad si fiican u dhageysataan wixii aan idiin soo qoray.

23 Waxaan rabaa inaad ogaataan in walaalkeen Timoteyos xabsigii laga soo daayay. Hadduu waqti fiican halkan soo gaaro waan soo kaxeynayaa markaan idin soo booqanayo.

24 Fadlan iigu salaama hogaamiyayaashiina iyo dadka Illaahey oo dhan. Walaalaha Talyaaniga kasoo jeedana wey idin soo salaamayeen.

25 Nimcada Illaahey kuligiin ha idinla jirto.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan