Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Cibraaniyada 12 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Waxaan heysanaa marqaatiyaal badan sidaa darteed waa inaan ka tagnaa wax walboo dib noo dhigaya gaar ahaan dembiga mar walba aan si fudud ugu dhaceyno. Aan si adkeysi leh ugu orodno tartanka Illaahey horteena dhigay.

2 Waa inaan indhaheena Ciise ku heyno kaasoo na hogaamiya iimaankeenana dhameystira. Wuxuu u adkeystay ceebta ah in iskutallaabta lagu qodbay, waayo wuxuu ogaa inuu hadhow ku farxi doono inuu sidaas sameeyay. Haddana wuxuu fadhiyaa dhinaca midig ee carshiga Illaahey!

3 Haddaba qalbigiina Ciise haku jiro, kaasoo u dulqaatay caaydii dembiilayaasha, si eydan u niyad jabin iskuna dhiibin.


Illaahey wuu edbiyaa caruurtiisa

4 Ma jiro qof idin ka mid ah oo ku dhaawacmay dagaalka aad kula jirtaan dembiga.

5 Laakiin miyaad gebi ahaanba ilowdeen dhamaan ereygan dhiirigelinta aan sida aabbo caruurta Illaahey ku leeyahay, “Cunugeygiyow ha fududeysan edbinta Rabbiga, hana niyad jabin markii uu ku canaanto,

6 waayo Illaahey wuu edbiyaa qofka uu jecel yahay, wuuna ciqaabaa qof walboo uu cunuggiisa ka dhigto.”

7 Dulqaad lahaada markii la idin saxo! Sidan ayuu Illaahey ula dhaqmaa caruurtiisa. Waalidiinta oo dhan soo caruurtooda ma saxaan?

8 Haddii aanan la idin edbin, oo qof kasto edbin, haddaba ma tihiin kuwa sharci ah ma tihiin wiilal ama gabdho run ah.

9 Aabayaasheenna dunidu wey na saxaan waanna ixtiraamnaa. Soo kama sii wanaagsana inaan adeecno sixida Aabaheena ruuxiga ah si aan weligeen u noolaano!

10 Aabayaasheenna dunidu muddo yar ayey na saxaan, waxeyna adeegsadaan sida ey u arkaan iney ugu wanaagsantahay. Laakiin Illaahey wuxuu noo saxaa si anaga noo wanaagsan, waayo wuxuu rabaa inaan sidiisa oo kale quduus noqono.

11 In lagu saxo ma aha wax lagu farxo, waana waqti xanuun leh. Laakiin haddaan barano inaan adeecno marka na la saxayo, sida saxda ah ayaan sameyn doonnaa oo nolol nabad ah ayaan ku noolaaneynaa.

12 Sidaa darteed is adkeeya oo xoog isku yeela.

13 “Wado sax ah ku socda” Si curyaamiintu u bogsadaan oo eysan uga sii darin.


Waano iyo dhiirigelin

14 Wax kasta sameeya si aad qof waliba nabad kula noolaataan oo aad quduus u ahaataan, quduusnimo la’aanteed qofna ma arki doono Rabbiga.

15 Ka taxadara in uusan qofna seegin nimcada Illaahey. Ha u ogalaanina in xidid xumaati ah idiin ku dhex korro kaas oo sababa dhibaato iyo nijaaseyn kuwa badan.

16 Iska ilaaliya dadka sinada badan oo aan Illaahey aqoon sida Ceesaw oo kale, kaasoo barakadiisi ku badashay cunto hal waqti ah.

17 Waad ogtihiin siduu uga shalaayay ee uu u rabay inuu barakadii dib u helo, laakiin waa la diiday. Inkastoo uu barakadii oohin ku doondoonay ma beddeli karin wixii uu sameeyay.


Buurta cabsida iyo buurta farxada

18 Meydan imaan meel sidii buurta Siinay oo kale ah, taas oo la arki karo lana taaban karo. Dab holcaya ma jiro ama daruur madow ama duufaan,

19 turumbada dhawaaqeeda ama codka noocaas ee ku hadlaya ereyada in kuwa maqla ey ku baryootameen in aan erey dambe iyaga loo sii sheegin,

20 waayo uma adkeysan karin amarka Illaahey oo ahaa, “Xitaa haddii xayawaan uu buurta taabto, waxaa waajib ah in la dilo.”

21 Meesha waxa ka dhacay wey cabsi badnaayeen xitaa Muuse ayaa yiri, “Waxaan la gariirayaa cabsi.”

22 Laakiin hadda waxaad timaadeen buurta Siyoon iyo Yeruusaalemta jannada. Tani waa magaalada Illaaha nool, halkaasoo kumanaan malaa’iga ey iskugu yimaadeen si ey u dabaaldegaan,

23 iyo kaniisadda curadyada, kuwaasoo magacyadoodu ey ku qoran yihiin samada. Waxaad u imaadeen Illaahey kaasoo qof walba xukuma. Sidoo kalana waxaa halkan jooga ruuxyadii kuwii xaqa ahaa ee la dhameystiray.

24 Sidoo kale Ciise ayaa halkan jooga! Waa kan dhaxdhaxaadiyay Illaahey axdigiisa cusub, dhiigiisa tifqaya ayaa sheegaya wax ka wanaagsan dhiiggii Haabiil.

25 Ka taxadar inaad adeecdo kan kula hadla. Waayo haddii dadka binu Israa’iil ey badbaadi waayeen markey diideen iney Muuse dhageystaan, kaasoo ah wargeeyaha dunida, miyaad u maleyneysaa iney suurtogal tahay inaad badbaado haddii aad diido inaad adeecdo kan samada kaala soo hadlaya?

26 Waqtigaas codkiisa ayaa dhulka gilgilay, laakiin hadda ballan kale ayuu qaaday oo wuxuu yiri, “Mar labaad dhulka oo kaliya ma gilgili doono ee cirkana waan gilgili doonaa.”

27 Ereyga “Mar labaad” Wuxuu tusayaa in waxyaalaha la abuuray maalin la gariirin doono meeshoodana laga dhaqaajin doono. Kadib wixii aan la ruxi karin ayaa jiri doona.

28 Waa inaan ka mahadcelinaa in na la siiyay boqortooyo aan la ruxi karin. Boqortooyadaanna waxaan Illaahey ku raali galinaa inaan caabudno oo aan tusno xushmad iyo qadarin.

29 Waayo “Illaaheena awoodiisu waa sida dab wax baabi’iya.”

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan