Cibraaniyada 11 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubIimaanka 1 Iimaanku waa kalsoonida aan ku qabno waxa aan rajeyneyno iyo xaqiiqada waxa aanan arkayn. 2 Sidan ayaa awoowayaasheen lagu ammaanay. 3 Iimaankeena ayaan ku garaneynaa in koonka lagu abuuray Illaahey amarkiisa. Sidoo kalana waa ognahay in waxa la arkaa laga abuuray wax aan la arkeyn. 4 Iimaanki uu lahaa dartiis ayuu Haabiil Illaahey ugu keenay qurbaan ka wanaagsan kii Qaabiil. Iimaankiisa dartiis ayaa xaq looga dhigay, Illaaheyna wuu aqbalay qurbaankiisi. Inkastoo Haabiil uu dhintay laakiin iimaankiisa ayaa weli u hadla. 5 Iimaankiisa dartiis ayaa Enoog samada loogu qaaday isagoon dhiman, “Waa la waayay, waayo Illaahey ayaa qaatay.” Sababtoo ah intaan kor loo qaadin waxaa lagu ammaanay inuu ahay qof Illaahey raali galiya. 6 Iimaan la’aantiis qofna Illaahey ma raali galin karo. Waxaa nagu waajib ah inaan rumeysano inuu Illaahey jiro uuna abaal mariyo qof walboo isaga si daacad ah u doondoona. 7 Iimaankiisa dartiis ayaa Nuux looga digay wax aan weli dhicin, wuu adeecay wuxuuna sameeyay doon si uu ugu badbaadiyo reerkiisi. Iimaankiisi dartiis ayuu dunida loo xukumay, oo wuxuu noqday kan dhaxla xaqnimada iimaanka uu dhowray awadiis. 8 Iimaankiisa dartiis ayuu Ibraahim Illaahey ku adeecay markii lagu yiri aad waddan kale kaasoo uu Illaahey dhaxal ahaan u siin doono. Wuxuuna baxay isagoon garaneyn meesha uu u socdo. 9 Iimaankiisa ayuu ku dagay dhulkii ballanqaadka sidii qariib dhul shisheeye jooga. Teendho ayuu daganaa sidoo kalana Isxaaq iyo Yacquub kuwaas oo ballanqaadka helay. 10 Waayo Ibraahim wuxuu sugayay magaalo aasaaskeedu Illaahey dhisay. 11 Iimaankeeda dartiis ayaa Saara ku awooday iney ilmo ku qaado iyadoo dhaaftay waqtigii ilma dhalida waayo waxey ogayd inuu Illaahey ballankiisa oofin doono. 12 Ninkeedi Ibraahim ahaana aad ayuu u da’ weynaa, laakiin dad badan ayuu awoowe u noqday. Xitaa waxey ka badan yihiin xiddigaha cirka iyo ciidda xeebta. 13 Dadkaas oo dhan wey dhinteen. Laakiin weli iimaan ayey lahaayeen xitaa haddeysan helin wixii laga ballan qaaday. Wey ku faraxsanaayeey iney meel fog ka arkaan waxeyna ku qanceen iney aduunkan qariib iyo shisheeye ku yihiin. 14 Markey dadku sidaas u hadlaan, wey iska cadahay iney raadinayaan waddan ey lahaadaan. 15 Haddey ka fikirayeen waddankii ey ka yimaadeen, wey ku noqon lahaayeen. 16 Laakiin waxey rajeynayeen waddan ka wanaagsan oo jannada ah. Sidaa darteed Illaahey ceeb kuma dareemayo in loogu yeero Illaahooda waayo wuxuu iyaga u diyaariyay magaalo. 17 Iimaankiisa dartiis ayuu Ibraahim qurbaan ahaan ugu bixin rabay wiilkiisa Isxaaq markii uu Illaahey imtixaanay isaga. Ibraahim wuxuu ahaa kii Illaahey ballanka la galay, haddana wuxuu diyaar u ahaa inuu wiilkiisa madiga ah qurbaan ahaan u bixiyo. 18 Inkastoo uu Illaahey isaga ku yiri, “Farcanka Isxaaq ayaan ballankeyga kuugu oofin doonaa.” 19 Ibraahim wuxuu ku tashanayay in Illaahey awoodo inuu wiilkiisa dhimashada kasoo sarakiciyo. Si tusaale oo kale arintan waxey u ekeyd in dhimashada kadib Ibraahim wiilkiisii helay. 20 Iimaankiisa dartiis ayuu Isxaaq Illaahey uga dalbaday barakada labadiisa wiil Yacquub iyo Ceesaw. 21 Iimaankiisa dartiis ayuu Yacquub markii uu dhimanayay ku barakeeyay wiilashii Yuusuf isaga oo ku tiirsan baakoortiisa Illaaheyna caabudaya. 22 Iimaankiisa dartiis ayuu Yuusuf markii uu dhiman rabay uga hadlay reer binu Israa’iil ka bixitaankooda Masar uguna sheegay waxey duugitaanka lafihiisa ka sameyn lahaayeen. 23 Iimaankooda dartiis ayey Muuse waalidkiis dhalashadiisa kadib qariyeen saddex bilood, waayo waxey arkeen inuu ahaa cunug aad u qurux badan, mana eysan ka cabsaneynin boqorka amarkiisa. 24 Iimaankiisa dartiis ayuu Muuse markii uu weynaaday ku diiday in loogu yeero wiilka gabadha Fircoon. 25 Wuxuu doortay in lala silciyo dadka Illaahey intuu ku raaxeysan lahaa macaanka yar ee uu dembigu keeno. 26 Muuse wuxuu ogaa hantida reer Masar in eysan u wanaagsaneyn sida waxyaalaha cajiibka ah ee uu helayo markii uu u silco Masiixa, abaal gudkaas ayuuna aad u sugayay. 27 Iimaankiisa dartiis ayuu Masar uga tagay ee ma ahayn inuu ka cabsanayay boqorka caradiisa. Horey ayuu u socday waayo wuxuu arkay kan aan la arkin. 28 Iimaankiisa dartiis ayuu usii waday dabaaldagii Iidda kormaridda iyo dhiiggii lagu rushaynayay albaabka si curadka reer binu Israa’iil uusan u dilin malagii curadyada dilayay. 29 Iimaankooda dartiis ayey dadka reer binu Israa’iil kaga gudbeen Badda Cas iyadoo sidii dhulkii oo kale ah. Laakiin markey Masriyiintii isku dayeen iney iyaguna ka gudbaan wey quuseen. 30 Iimaan dartiis ayey darbiyadii Yerixoo ku dumeen, kadib markii ciidankii reer binu Israa’iil ku wareegsanayeen toddobo maalmood. 31 Naagtii jirkeeda ka ganacsan jirtay ee Raxab ahayd rumeysadkeedi darteed, lalama dilin kuwii caasiyoobay jaajuusiintii ey nabad ku soo dhoweysay darteed, 32 Maxaa kale oo aan sheegaa? Ma hayo waqti ku filan oo aan kaga hadlo Gidcoon, Baaraaq, Samsoon, Yeftaah, Daa’uud, Samuu’eel iyo nebiyadii. 33 Iimaankooda ayaa ku caawiyay iney boqorro badan ka guuleystaan, wanaag ayey sameeyeen waxeyna heleen ballanqaadki Illaahey. Waxey isku qabteen afafkii libaaxyada, 34 waxey damiyeen dab holcaya waxeyna ka badbaadeen cadowgoodu inuu dilo iyaga. Inkastoo ey daciif ahaayeen, waxaa la siiyay awoodda ey ku ceyriyaan ciidamadii shisheeyaha ahaa. 35 Dumar ayaa dib u helay kuwoodi ey jeclaayeen oo dhimashada kasoo sarakacay. Waxaa jiray kuwo kale oo la jir dilay, iyagoo diidaya in lasii daayo si ey u helaan sarakicid tan kasii wanaagsan. 36 Qaar waa lagu jeesjeesay waana la garaacay, qaar kalana xabsiyada ayaa lagu xiray. 37 Qaar dhagax ayaa lagu dilay qaarna miinshaar ayaa lagu kala gooyay qaarna seefo ayaa lagu dilay. Qaar waxey heysteen maqaar ari iyo maqaar ido oo ey dhar ka dhiganayeen. Si xun ayaa loola dhaqmay waana la silciyay. 38 Aduunku uma qalmin dadkan wanaagsan, kuwaasoo ku lumay saxaraha iyo buuraha kuna noolaa godadka iyo dhulka hoostiisa. 39 Iimaankooda dartiis ayaa lagu ammaanay! Laakiin waxey dhinteen iyagoo aan wixii laga ballan qaaday helin. 40 Waayo Illaahey wax kasii wanaagsan ayuu noo hayay, mana uusan rabin iney gaaraan kaamilnimadooda anaga horteen. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.