Cibraaniyada 10 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubMasiixu hal mar ayuu dadka dhan qurbaan u noqday 1 Sharcigii Muuse wuxuu ahaa harka waxa wanaagsan ee imaanayay. Harkan ma uusan ahayn waxa wanaagsan, waayo dadka kagama xoreyn karin dembiyadooda allabariga ey bixiyaan sanad ka sanad. 2 Haddey jiri lahaayeen kuwo wax caabuda oo dembiyadoodi la dhaqay damiirkooduna nadiif yahay, looma baahnaan lahayn in qurbaan la bixiyo. 3 Laakiin allabariyadaas waxaa loo bixinayay in dadka dembiyadooda la xasuusiyo. 4 Waayo suurtagal ma aha in dhiigga dibiyada iyo ariga lagu tirtiro dembiga. 5 Sidaa daraadeed markii uu Masiixu aduunkan yimid wuxuu yiri, “Waxaad rabto ma aha allabariyo iyo qurbaanno, laakiin jir ayaad ii diyaarisay. 6 Kumaadan faraxsanayn allabariyo la gubo iyo qurbaanada dembiga. 7 Kadib Masiixu wuxuu yiri, ‘Waa i kan, wey qorantahay wax aniga igu saabsan ee ku jira kitaabka. Illaaheyow waxaan u imid inaan doonistaada sameeyo.’ ” 8 Ugu horeyntii Masiixu wuxuu yiri, “Uma baahnid qurbaanno iyo allabariyo, allabariyo la gubo iyo qurbaanka dembiga, mana aadan ku farxin.” Sidaa ayuu yiri inkastoo waxyaalahan lagu amray sharcigii Muuse. 9 Sidoo kale wuxuu Masiixu yiri, “Waa i kan waxaan u imid inaan doonistaada sameeyo.” Illaahey axdigii hore ayuu saaray si uu midka cusub u keeno. 10 Waayo rabitaanka Illaahey wuxuu ahaa inuu kuligeen bixinta jirka Ciise Masiix quduus nooga dhigo, hal mar oo kaliya. 11 Maalinba maalinta ka dambeysa wadaadka kasta wuxuu u istaagi jiray gudashada shaqo diimeydkiisa, mar iyo mar kale isla qurbaanadaas, kuwaasoo aan marnaba dembiyo qaadi karin. 12 Laakiin wadaadkeena sare wuxuu si hal mar ah naftiisa qurbaan ahaan ugu bixiyay dembigeena, wuxuuna fariistay Illaahey dhiniciisa midig. 13 Halkaas ayuuna joogayaa illaa cadowgiisa cagahiisa hoostooda laga keeno. 14 Waayo bixin taas oo kaliya ayuu weligood ku kaamilay kuwa quduuska laga dhigay. 15 Ruuxa Quduuska ah ayaa sidoo kale ka marqaatifuraya. Waayo wuxuu yiri, 16 “Markii waqtiga aan ugu talagalay la gaaro waxaan la gali doonaa axdi. Sharcigeyga ayaan qalbigooda galin doonaa, maankoodana waan ku qori doonaa.” 17 Kadibna wuxuu ku daray, “Dembiyadooda iyo xadgudubyadooda masii xasuusan doono.” 18 Haddaba markii dembiyada la cafiyo, looma baahno in la bixiyo wax allabariyo ah. Dhiirigelin iyo digniin 19 Sidaa darteed walaalayaal dhiigga Ciise Masiix wuxuu na siiyaa dhiiranaan aan ku galno meesha ugu quduusan. 20 Ciise dhimashadiisa ayuu wado cusub oo nolol nasiisa nooga furay daahii meesha ugu quduusan, kaasoo ah jirkiisa. 21 Waxaan heysanaa wadaad sare kaasoo guriga Illaahey xaakin ka ah. 22 Sidaa darteed aan Illaahey agtiisa la nimaano qalbiyo nadiif ah iyo hubaal buuxda taas oo ka timaada iimaanka. Qalbiyadeenu nadiif ha ahaadeen, damiirkeenuna sharka xor haka ahaado, jirkeenana aan ku dhaqno biyo daahir ah. 23 Aan si adag ugu dhagno rajada aan aaminsannahay, waayo Illaahey waa mid oofiya ballankiisa. 24 Sidoo kalana aan ka fikirno waddooyin aan isku dhiirigelino inagoo is jeclaaneyna wax wanaagsanna isu sameyneyna. 25 Sida dadka qaarkoodna yaanan ka maqnaanin kulamadeena, laakiin aan is dhiirigelino, gaar ahaan haddeer oo uu imaanshaha Rabbigu soo dhawaaday. 26 Haddii aan sii wadno inaan dembaabno kadib markaan ogaanay runta, ma jiro allabari loo bixinayo dembiyadaas. 27 Laakiin rajada cabsida badan ee xukunka iyo dab holcaya ayaa baabi’in doona cadawyada Illaah. 28 Waayo qof walboo diiday sharciga Muuse si naxariis la’aan ah ayaa loo dilay isaga oo ey ku marqaatifureen laba ama saddex qof. 29 Laakiin waxaa kasii xun ciqaabta kuwa diida Wiilka Illaahey iyo kuwa yasa dhiigga axdiga Illaahey kaasoo quduus naga dhigay. Sidoo kalana waxaa kasii xun qofkii caaya Ruuxa Quduuska ah kaasoo noo keenay nimcada Illaahey. 30 Waayo waan ognahay Illaahey inuu yiri, “Waa aniga kan idiin aargooya oo idiin abaalguda.” Wuxuu kaloo yiri, “Rabbiga ayaa dadkiisa xukumi doona.” 31 Waa wax laga argagaxo in la hoos tago ciqaabta Illaaha nool. 32 Ka fikira waxyaalihii dhibka badnaa ee aad marteen markaad Masiixa aaminteen. Xasuusta sidii aad u adkeysateen inkastoo aad silac daran marteen. 33 Mararka qaar dadka hortooda ayaa la idin ku caayay oo la idin ku silciyay, mararka qaarna waxaad garab istaagteen kuwii dhibkaas marayay. 34 Waxaad silaca la wadaagteen kuwii xabsiga la galiyay. Si farxad leh ayaad u aqbasheen markii hantidiina lala wareegay, waayo waxaad ogeydeen in hanti aan weligeed dhamaaneyn Illaahey xaggiisa idin ku sugeyso. 35 Haddaba dhiiranaantiina haysta, waayo waxey idiin keeni doontaa abaalmarin weyn. 36 Waa inaad dulqaad lahaataan si aad u sameysaan doonista Illaahey una heshaan ballanqaadkiisa. 37 Waayo sida qorniinku leeyahay, “Wax yar kadib, kii imaanayay ayaa imaan doona mana soo daahi doono.” 38 Qorniinku wuxuu kaloo leeyahay, “Dadkeyga xaqa ah iimaan ayey ku noolaan doonaan. Laakiin kuma farxi doono kuwa dib u laabta.” 39 Laakiin anagu kama tirsanin kuwa dib u laabtay oo lumay, waxaan nahay kuwa iimaan leh oo la badbaadiyay. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.