Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Cibraaniyada 1 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Weynida Wiilka Illaahey

1 Waagii hore Illaahey wuxuu awoowayaasheen la hadli jiray isaga oo adeegsanaya nebiyo waqtiyo badan iyo siyaabo badan.

2 Laakiin waayadan wuxuu nagula hadlay isaga oo adeegsanaya Wiilkiisa, kaasoo uu u magacaabay kan dhaxlaya wax walba sidoo kalana isaga ayuu wax walba ku abuuray.

3 Wiilka Illaahey wuxuu haystaa nuurka ammaanta Illaahey dhinac walbana wuu uga egyahay. Ereygiisa awoodda leh ayaa aduunka isku haya. Wiilku markii uu dembiyadeena naga nadiifiyay kadib ayuu fariistay gacanta midig ee Illaaha Weyn ee sareeya.

4 Wuxuuna ka awood badnaaday malaa’igta oo dhan, magaca la siiyayna wuu ka xoog weyn yahay magacyadooda oo dhan.


Ciise wuu ka weyn yahay malaa’igta

5 Illaahey weligiis mid malaa’igta kamida kuma dhihin, “Waxaa tahay Wiilkeyga, maanta waxaan noqday aabahaa!” Sidoo kalana weligiis malaa’igta kuma dhihin, “Waxaan noqon doonaa Aabihiis, wuxuuna noqon doonaa Wiilkeyga!”

6 Sidoo kale Illaahey markii uu curadkiisa aduunka keenay wuxuu yiri, “Malaa’igta Illaahey oo dhan ha caabudaan isaga.”

7 Illaahey markii uu malaa’igta ka hadlayay wuxuu yiri, “Wuxuu malaa’igtiisa ka dhigaa ruux, adeegayaashiisana wuxuu ka dhigaa dab holcaya.”

8 Laakiin waxa ku saabsan wiilka wuxuu ka yiri, “Illaahow carshigaagu wuu jiri doonaa weligiis iyo weligiis, usha cadaaladaadu waxey noqon doontaa usha boqortooyadaada!

9 Waxaad jeclaatay xaqnimada waxaadna nacday sharta, sidaa darteed aniga oo Illaahaaga ah ayaa kaa saraysiiyay kuwa kula shaqeeya aniga oo kugu subkay saliida farxada.”

10 Qorniinku wuxuu kaloo leeyahay, “Bilowgii Illaaheyow waxaad fidisay aasaaska dhulka, samaduna waa shaqada gacmahaaga.

11 Wey baabi’i doonaan laakiin adigu waad waari doontaa, waxeyna u duugoobi doonaan sidii maro duugowday.

12 Waxaad u duuduubi doontaa sidii xarigii, waxaadna u beddeli doontaa sidii maradii. Laakiin adigu waad waari doontaa, cimrigaaguna ma dhamaan doono.”

13 Illaahey weligiis kuma dhihin malaa’igta, “Fariiso gacanteyda midig illaa aan cadowgaaga keeno cagahaaga hoostooda!”

14 Malaa’iguhu waa ruux Illaahey u adeegta oo loo soo diray iney caawiyaan dadka la badbaadin rabo.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan