Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

2 Timoteyos 4 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Markii uu Ciise Masiix yimaado isaga oo boqor ah, wuxuu xukumi doonaa mid kasta, kuwa nool iyo kuwa dhintayba. Sidaa darteed waxaan ku amrayaa iyagoo Illaahey iyo Masiixuba markhaatiyaal yihiin.

2 Ku wacdi ereyga, diyaar ahaw mar walba, dadka sax, canaano oo dhiirigeli adigoo adeegsanaya samir badan iyo waxbarid wanaagsan.

3 Waqti ayaa imaan doona eysan dadku dhegaysan doonin waxbaridda saxda ah. Waxeyna raadin doonaan macalimiin iyaga ka farxiya oo u sheega kaliya waxey dhegahoodu rabaan iney maqlaan.

4 Runta wey ka leexan doonaan, oo waxey dhegaysan doonaan sheekooyin aan micno lahayn.

5 Laakiin waa inaad is dejiso oo aad diyaar u tahay inaad dhibaatada u adkeysato. Waa inaad ku dadaashaa inaad warka wanaagsan sheegtid oo aad si wanaagsan u qabatid shaqadaada.

6 Waayo waxaan durbaba u daatay sida cabitaan allabari loo bixiyay, waqtigii tegitaankeyguna wuu soo dhowaatay.

7 Dagaal wanaagsan ayaan dagaalamay, tartanka waan ku guuleystay, iimaankana waan xajiyay.

8 Haddaba waxaa i sugaya abaalgudkii, kaasoo ah taajkii xaqnimada oo Rabbigu u xukumo si xaq ah uuna isiin doono maalinta uu soo noqon doono. Abaalmarintaanna aniga kaliya ma helayo ee waxaa helaya dhamaan kuwa aadka u jecel inuu soo muuqdo.


Ereyadii Bawlos ee ugu dambeeyay

9 Timoteyosow, fadlan ku dadaal inaad dhaqso iigu timaadid.

10 Waayo Deemaas aad ayuu u jeclaa waxyaalaha dunidan, sidaa darteed wuu iga tagay oo wuxuu aaday Tesaloniika. Kereeskeesna wuxuu aaday Galatiya, Tiitosna wuxuu aaday Dalmatiya.

11 Luukos oo kaliya ayaa ila jooga. Markos aad ayuu ii caawin karaa, fadlan soo raadi oo soo kaxee.

12 Tukhikos ayaan Efesos u diray.

13 Markaad imaaneyso, iisoo qaad jaakadii aan kaga soo tagay Karbos oo Taroo’as jooga. Sidoo kale iisoo qaad buugaagteyda, gaar ahaan warqadaha.

14 Aleksanderos kii bira sameeyaha ahaa aad ayuu ii dhibaateeyay, laakiin Rabbiga ayaa ku xukumi doona wixii uu igu sameeyay oo dhan.

15 Iska ilaali isaga, waayo wuxuu kasoo horjeedaa fariinteena.

16 Markii ugu horeysay ee aan tagay maxkamadda si aan isku difaaco, cid ii hiilisay ma jirto, waxaan Illaahey uga baryayaa inuu u dembi dhaafo intii iga tagtay.

17 Laakiin Rabbiga ayaa i garab istaagay, oo xoog i siiyay si aan injiilka u wacdiyo oo ey dadka aan Yuhuudda ahayn oo dhan u maqlaan. Waxaana la iga badbaadiyay afka libaax.

18 Rabbigu wuu iga badbaadin doonaa shar kasta, oo wuxuu ammaan igu dhex gelin doonaa boqortooyadiisa jannada ah. Isaga ammaan ha u ahaato weligeed iyo weligeedba. Aamiin.


Salaantii ugu dambeysay

19 Iigu salaan Bariskilla iyo Akula iyo kuwa guriga Oneesiforos la degan.

20 Erastos wuxuu joogay Korintos, oo waxaan Torofimos uga soo tagay magaalada Mileetos isaga oo xaanunsan.

21 Ku dadaal inaad timaado waqtiga qabowga ka hor. Waxaa kusoo salaamaya Yubulos, Budees, Liinos, Kalawdiya, iyo dhamaan walaalaha.

22 Rabbigu ruuxaaga ha la jiro. Nimcadiisana ha idinla jirto dhamaantiin.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan