Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

2 Timoteyos 3 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Waxaad ogaataa in maalmaha ugu dambeeya ey jiri doonaan waqtiyo aad u adag.

2 Dadku waxey jeclaan doonaan naftooda iyo lacag oo kaliya. Wey faani doonaan weyna kibri doonaan, wey edeb darnaan doonaan, oo waalidkood ayey caasi ku ahaan doonaan. Oo waxey ahaan doonaan kuwa aan mahadcelin, oo aan cibaado lahayn.

3 Jaceyl la’aan, cafis la’aan, aflagaado, is xakamayn la’aan, naxariis daro, kuwa aan wanaaga jacleyn,

4 Waxey ahaan doonaan kuwa khiyaano badan, oo aan digtooneyn, oo wey isla weynaan doonaan. Meeshii ey Illaah ka jeclaan lahaayeen, waxey jeclaan doonaan raaxeysi.

5 Waxey u dhaqmi doonaan sida dad diimeed, laakiin waxey diidi doonaan awoodda iyaga ka dhigi karta kuwo cibaado leh. Ka fogow dadka sidaas oo kale ah.

6 Ragga qaarkood waxey khiyaaneeyaan reero dhan si ey u xukumaan naagaha dembiyada u adeega oo damacyada xun xun.

7 Dumarkani waxey mar walba rabaan iney bartaan wax cusub, laakiin weligood ma ogaan karaan runta.

8 Sidey Yannees iyo Yambarees uga soo hor jeedeen Muuse, sidaas oo kale ayey macalimiintani runta uga soo hor jeedaan. Waa niman maankoodu kharibmay, oo xagga iimaanka laga diiday

9 Laakiin arintaas wax badan ma sii wadi doonaan. Waxaa imaan doonta maalin uu qof walba ogaan doono doqonnimadooda sidii loo ogaaday Yannees iyo Yambarees.


Timoteyos tilmaamihii ugu dambeeyay

10 Timoteyosow, waad garaneysaa waxaan baro iyo sida aan u noolahay. Waad garaneysaa waxaan rabo inaan sameeyo iyo waxaan aaminsanahay. Waad aragtay samirka iyo jacaylkayga, iyo sida aan waagii hore u dulqaadan jiray.

11 Waad ogtahay in dhib iyo rafaad badan igu dhacay markaan joogay magaalooyinka Antiyokh iyo Ikoniyon iyo Lustara. Oo weliba Rabbigu waa iga samatabixiyay dhibaatooyinkii cabsida lahaa oo dhan.

12 Ku alla kii doonaya inuu Ciise Masiix xaqnimo kula noolaado, waa la silcin doonaa.

13 Laakiin kuwa sharka leh oo iska dhigaya wax eysan ahayn, wey sii xumaan doonaan, waxey khiyaani doonaan kuwa kale oo iyagana waa la khiyaani doonaa.

14 Laakiin waa inaad aamin ku sii ahaataa waxyaalihii lagu baray. Waad ogtahay iney run yihiin, waayo waxaad ogtahay inaad ku kalsoonaan karto kuwii ku baray.

15 Tan iyo yaraantaadi waxaa lagu baray Qorniinka Quduuska ah, oo waxaad ka heshay xigmaddi aad ku heli lahayd badbaadada ka imaaneysa rumeysashada Ciise Masiix.

16 Wax kastoo qorniinka ku jira waa ereyga Illaahey. Dhamaan waxey faa’iido u leeyihiin waxbaridda iyo caawinta dadka iyo saxidda iyo tusidda sida loo noolaado. Wey na toosisaa markaan khaldanno oo waxey na bareysaa inaan sameyno waxa saxda ah.

17 Qorniinku wuxuu adeegayaasha Illaahey baraa iney sameeyaan shaqo kastoo wanaagsan.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan