2 Timoteyos 2 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubAskariga daacada u ah Ciise Masiix 1 Timoteyosow, wiilkeyga aan jeclahayow, ku adkow nimcada Illaah kugu siinayo Ciise Masiix. 2 Waxaad maqashay inaan baro waxyaalo ey xaqiijiyeen marqaatiyaal badan oo lagu kalsoon yahay. Hadda waxaan rabaa inaad waxyaalahan oo kale u sheegtid kuwa lagu aamini karo iney dadka kale u sheegaan. 3 Sida askariga Ciise Masiix ee wanaagsan, waa inaad u adkaysataa dhibaatada qeybtaada. 4 Askarta kuma milanto arimaha nolosha shacabka. Waxey isku dayaan kaliya iney ka farxiyaan sarkaalka iyaga shaqada siiyay. 5 Sidoo kale, qof kastoo u tartama sida ciyaartoyda ma helo taajka guusha marka laga reebo inuu ku tartamo sharciga. 6 Beeraleyga aadka u dadaala ayaa ah kan ugu horeeya ee cuna waxa beertiisa kasoo baxa. 7 Ka fikir waxa aan leeyahay. Rabbiga ayaa kugu caawin doona inaad waxyaalahan oo dhan fahanto. 8 Mar walba xasuusnoow in Ciise Masiix, oo ahaa farcankii boqor Daa’uud, uu ka sarakacay kuwii dhintay. Kan waa warka wanaagsan ee aan dadka u wacdiyo. 9 Fariintan darteed, xabsiga ayaa la igu xiray oo la iila dhaqmay sidii dembiile. Laakiin injiilka Illaah xabsiga kuma xirna. 10 Sidaa darteed waxaan diyaar u ahay inaan u adkaysto wax kasta haddey badbaado iyo ammaan weligeed ah u keeneyso Ciise Masiix iyo kuwa Illaah doortay. 11 Tani waa oraah lagu kalsoon yahay. Haddii aan isaga la dhimano. Isaga ayaan la noolaan doonnaa. 12 Haddii aan u adkaysanno dhibaatada. Anaguna isaga ayaan la talin doonnaa. Isaga haddii aan diidno, wuu na diidi doonaa. 13 Haddaan nahay kuwo aan daacad ahayn, aamin ayuu sii ahaanayaa, waayo isagu ma inkiri karo qofka uu yahay. Shaqaale la ogolaaday 14 Waxyaalahan dadka oo dhan ku waani, oo ku amar Illaahey hortiisa iney joojiyaan dagaalka hadallada ah. Doodahaas oo kale faa’iido ma laha, oo waxey burburin karaan kuwa dhageysta. 15 Ku dadaal si aad nafsadaada Illaah ugu hor istaagtid oo aad u heshid raalinimadiisa. Noqo shaqaale wanaagsan, oo aan u baahneyn ceeb, oo si sax ah u sharaxa ereyga runta ah. 16 Ka fogaada doodda aan micnaha lahayn oo nacasnimada ah, waayo kuwa ku biira waxey noqonayaan kuwa sameeya waxyaalo aan cibaado lahayn. 17 Hadaladoodu wey faafaan waxeyna baabi’iyaan iimaanka kuwa iyaga maqla. Kuwo waxyaalahaas barana waxaa ka mid ah Humenayos iyo Fileetos. 18 Iyagoo baraya in kuwii dhintay mar hore la soo sarakiciyay. Tani runta wey ka fogtahay, waxeyna dumineysaa iimaanka dadka qaar. 19 Laakiin aasaaskii uu Illaahey dhigay wuu adagyahay. Oo lagu shaabadeeyay qoraalkan, “Rabbigu wuu yaqaanaa dadkiisa, sidaa darteed mid kastoo magaca Rabbiga ku caabuda waa inuu sharka ka fogaadaa.” 20 Guri dadkiisu taajir yihiin maacuunta qaar ayaa ka sameysan dahab iyo qalin, qaarna alwaax iyo dhoobo. Maacuunta qaaliga ah waxaa la isticmaalaa waqtiyo gaar ah, kuwa raqiiska ahna waxaa la isticmaalaa maalin kasta. 21 Haddii aad naftaada nadiif ka dhigto, waxaad noqon doontaa weel gaar ah oo si sharaf leh loogu isticmaalo. Noloshaadu waxey ahaan doontaa nadiif, oo waxaad diyaar u noqon doontaa in Sayidku kuu isticmaalo shaqo kastoo wanaagsan. 22 Ka carar wax kastoo kicinaya damacyada sharta leh ee dhalinyarada, oo raac nolol xaq ah, aaminnimo, jaceyl, iyo nabad. Ku raaxeyso wehelka kuwa Rabbiga ugu yeerta qalbi nadiif ah. 23 Mar kale waxaan leeyahay ha dhex gelina doodo doqonnimo ah oo aan aqoon lahayn oona dagaal abuura. 24 Adoonka Rabbigu yuusan murmin ee waa inuu dadka oo dhan u naxariistaa, oona wax bari karo, dadka dhibka badanna u dulqaataa. 25 Si dabacsan wax ugu sheeg kuwa runta diidan. Waayo Illaah ayaa dadkaas qalbigooda ka dhigi kara iney toobadkeenaan, oo eyna runta bartaan. 26 Ibliis ayaa u dabin dhigay, wuxuuna ka dhigay iney isaga adeecaan, laakiin Illaahey wuu u gargaari doonaa weyna ka baxsan doonaan. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.