Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

2 Timoteyos 1 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Warqaddan waxey ka timid Bawlos, oo lagu doortay doonista Illaahey inuu noqdo rasuulkii Ciise Masiix. Waxaa la ii diray inaan dadka u sheego wax ku saabsan noloshii uu iga ballan qaaday rumeysadka xagga Ciise Masiix.

2 Waxaan warqaddan u qorayaa Timoteyos oo ah wiilkeyga aan jeclahay. Illaaha Aabaha ah iyo Sayidkeena Ciise Masiix ha idin siiyo nimco, naxariis iyo nabad.


Mahadcelin

3 Timoteyosow, Illaah ayaan kuugu mahadcelinayaa, waxaan Illaah ugu adeegaa qalbi nadiif ah siday awoowayaashay yeeli jireen. Habeen iyo maalinba waxaan kugu xasuustaa ducadeyda.

4 Waxaan aad ugu xiisay inaan mar kale idin arko, waayo, waxaan xasuustaa ilintiina markaan kala tagnay. Oo waxaa iga buuxsami doona farxad markaan mar kale wada kulanno.

5 Waxaan kaloo xasuustaa rumeysadka runta ah ee hooyadaa Yunikee. Ayeeyaddaa Lowis waxey lahayd rumeysad la mid ah, waana hubaa inaad adiguna leedahay.


Codsi ah inuu daacad u noqdo Bawlos iyo injiilka

6 Sidaa darteed waxaan ku xusuusinayaa inaad ka faa’iidaysato hadiyaddii Illaah ku siiyay markaan gacmaheyga ku dul saaray oo aan kuu duceeyay.

7 Ruuxa Illaahey nagama dhigin fulay, wuxuu na siinayaa awood jaceyl iyo is xakameyn.

8 Haddaba ha ceebeysan inaad dadka kale ugu marqaatifurtid Rabbigeena. Oo anigana ha i ceebsan inkastoo aan xabsi ugu jiro wacdinta injiilka darteed. Awoodda Illaah ku siiyay diyaar ugu ahow inaad dhib ila martid injiilka dartiis.

9 Waayo Illaah ayaa na badbaadiyay, oo wuxuu noogu yeeray nolol quduus ah. Taas uma uu samaynin inaan istaahilno darteed, laakiin taasu waxey ahayd taladiisa tan iyo bilowgii waqtiga, si uu nimcadiisa noogu muujiyo xagga Ciise Masiix.

10 Oo hadda waxyaalahaas oo dhan ayuu inoogu muujiyay muuqashadii Badbaadiyeheenna Ciise Masiix. Geeridii ayuu ka adkaaday oo farxad ayuu noo keenay. Wuxuu injiilka u iftiimiyay sida nuurka oo kale wuxuuna bixiyay nolol aan dhamaanayn.

11 Oo Illaah wuxuu ii doortay inaan ahaado mid wax wacdiya, rasuul, iyo macalin injiil.

12 Waa sababta aan halkan ugu dhibaatoonayo. Laakiin anigu kama xishoonayo, waayo waan garanayaa kan aan aaminay, waxaanan hubaa inuu awood u leeyahay inuu ilaaliyo wixii lugu aaminay illaa maalinta uu soo noqonayo.

13 Haddaba ku dayo waxbaridda saxda ah ee aan ku siiyay, oo rumeysadka iyo jaceylka Ciise Masiix ha kula jiraan.

14 Adigoo kaashanaya awoodda Ruuxa Quduuska ah ee nagu dhex nool, si taxadar leh u dhawr runta qaaliga ah ee laguu dhiibay.


Tusaalooyinka daacad darada iyo daacadnimada

15 Sidaad ogtahay, mid kastoo gobolka Aasiya ka yimid ayaa iga tagay xitaa Fugelos iyo Hermogenees.

16 Rabbigu ha u naxariisto Oneesiforos iyo reerkiisa oo dhanba, maxaa yeelay, marar badan ayuu isoo booqan jiray oo i dhiirigelin jiray. Oo silsiladeydiina ma ceebeysan.

17 Markii uu Rooma yimid, meel walba ayuu iga raadiyay illaa uu i helay.

18 Rabbiga naxariis gaar ah ha tuso maalinta Masiixu soo noqonayo. Adiguna aad ayaad u garaneysaa siduu iigu caawin jiray Efesos.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan