2 Tesaloniika 3 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubNoosoo duceeya 1 Walaalayaalow ugu dambeyntii, waxaan idin weydiisaneynaa inaad noo duceysaan. Soo duceeya si fariinta Rabbigu si degdeg ah u faafto, meel walboo ey gaartana laga sharfo, sidi markey idin soo gaartay oo kale. 2 Duceeya si aan uga badbaadno dadka xun iyo kuwa sharta leh, waayo qof walba ma aha mid rumeysan. 3 Laakiin Rabbigu waa mid aamin ah, wuu idin xoogeyn doonaa oo sharta wuu idin ka ilaalin doonaa. 4 Waxaan ku kalsoonnahay Rabbiga inaad sameyneysaan oo weliba sii wadaan waxyaalihii aan idin ku amarnay. 5 Waxaan idiin baryeynaa inuu Rabbigu qalbiyadiina ku hogaamiyo jaceylka Illaahey iyo dulqaadashada Masiixa. Waajibaadka shaqo 6 Walaalayaalow waxaan magaca Sayid Ciise Masiix idin ku amreynaa inaad ka fogaataan walaalaha aaminsan oo ku nool nolol caajisnimo. Kuwaas oo aan raacsaneyn waxaan idin barnay. 7 Waayo idinkuba waxaad waajib iska saarteen inaad raacdaan tusaalaheena. Anagu caajislowyaal ma ahayn markaan idin la joognay. 8 Weligeen qofna cunto kama qaadanin anaga oo aan lacag ku bixinin. Habeen iyo maalin ayaan shaqeyneynay si aanan culeys qofna u saarin. 9 Runtii waan lahayn xaq aan idin ku weydiisano caawimaad, laakiin waxaan rabnay inaan tusaale aad ku dayataan idiin noqono. 10 Xitaa markaan idin la joognay waxaan idin siinay amarkan, “Midkii aan rabin inuu shaqeeyo wuxuu cuno lama siinayo.” 11 Waxaan maqalnaa in kuwa idin ka mid ah ey ku nool yihiin nolol caajisnimo ah, iyagoo diidaya iney shaqeeyaan oo shaqada kuwa kale soo fara geshanaya. 12 Dadkaas oo kale waxaan magaca Sayid Ciise Masiix ku amarnaa oo aan dhiirigelinaa iney degaan oo ey shaqeystaan si ey u helaan wax ey ku noolaadaan. 13 Walaalayaalow idinkuna haka daalina inaad sameysaan waxa wanaagsan. 14 Si fiican u fiiriya mid walboo aan adeecin waxyaalaha aan warqaddan ku sheegnay. Ka fogaada si ey ceeb u dareemaan. 15 Hana u qaadanina sida cadowgiina, laakiin u canaanta sida aad walaalaha kale ku sameyn lahaydeen. Macsalaameyn 16 Haddaba Rabbiga nabadda ah ha idin siiyo nabad waqti walba iyo markaad xaalad walba ku jirtaan. Sayidku dhamaantiin ha idin la jiro. 17 Aniga Bawlos ah ayaa salaantan gacanteyda kusoo qoray. Taas oo ah calaamada waqardaheyga oo dhan kala saareysa. Tani waa sida aan u qoro. 18 Haddaba nimcada Rabbigeena Ciise Masiix dhamaan ha idin la jirto. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.