Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

2 Tesaloniika 2 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Mid shar leh

1 Ku saabsan soo laabashada Rabbigeena Ciise Masiix iyo sida aan kula kulmeyno isaga, walaalayaalow waxaan idin weydiineynaa,

2 kuwa sheegaya iney maalinta uu Rabbiga dadka oo dhan xukumi doono horay u bilaabatay yeysan si fudud idiin kaga nixinin. Ha aaminina, xitaa haddii ey dhahaan waxaan leenahay aragti ruuxi ah, muujin ama warqad naga socoto.

3 Ha ogolaanina inuu qof idin khiyaano, maalintaas ma dhici doonto illaa caasinimadu dhacdo iyo illaa kan sharta badan la muujiyo, kaasoo burburka keeni doona.

4 Kor ayuu isu qaadi doonaa isaga oo diidaya wax walboo ey dadku Illaahey ugu yeeraan iyo wax walboo la caabudo. Xitaa wuxuu fariisan doonaa macbadka Illaahey isaga oo dhahaya aniga ayaa Illaahey ah.

5 Miyeydan xusuusan markaan idin la joogay inaan waxyaalahan idiin sheegi jiray?

6 Hadda waad ogtihiin waxa isaga dib u celinaya, waayo waqtigii loogu talagalay ayaa la muujin doonaa.

7 Waayo sirtiisa sharta ahna weli shaqo ayey ku jirtaa, waxeyna ahaan doontaa sir illaa uu kan dib u hayo uu wadada uga leexan doono.

8 Kadibna ninkan sharcilaawaha ah waa la muujin doonaa, kaasoo Sayid Ciise ku dili doono neefta afkiisa kasoo baxda oona ku burburin doono ammaantiisa uu ku imaanayo.

9 Ninkan wuu imaan doonaa isaga oo sameynaya shaqada Shaydaanka, wuxuu muujin doonaa awood isaga oo sameynaya calaamado, mucjisooyin iyo yaabab been ah.

10 Wuxuuna isticmaali doonaa wax walboo shar ah si uu u khiyaano kuwa ku jira jidka burburka. Waayo waxey diideen iney jeclaadaan runtii iyaga badbaadin lahayd.

11 Sidaa darteed Illaahey wuxuu ku sababi doonaa in aad loo khiyaano, weyna aamini doonaan beentaas.

12 Kadibna iyagoo dhan waa la xukumi doonaa waayo waxey ku farxeen sharta intii ey runta aamini lahaayeen.


Walaaluhu waa iney adkeystaan

13 Laakiin waa inaan mar walba Illaah ugu mahadcelinaa idinka dartiin, waxaa tihiin walaalo qaali ah oo uu Rabbigu jeclaaday, waayo Illaahey wuxuu idiin doortay inaad noqotaan kuwii ugu horeeyay ee badbaaday, badbaadadaas oo ka timaaday Ruuxa kaasoo quduus kaa dhigo markaad aaminto runta.

14 Wuxuu idin kugu yeeray badbaadada markaan idiin sheegnay injiilka. Si aad u wadaagtaan ammaanta Rabbigeena Ciise Masiix.

15 Sidaa darteed walaalayaalow, ku adkeysta waxyaalaha aan idin barnay, haddii aan afka idiin kaga sheegnay iyo haddii aan warqad idiin soo qornayba.

16 Haddaba waxaan idiin baryeynaa Rabbigeena Ciise Masiix iyo Illaaha Aabaheen ah, kaasoo na jeclaaday oo nimcadiisana nagu siiyay dhiirigelinta weligeed ah iyo rajada wanaagsan,

17 ha dhiirigeliyo qalbiyadiina oo ha idin ku adkeeyo waxyaalaha wanaagsan ee aad sameysaan oo aadna ku hadashaan.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan