Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

2 Korintos 9 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Ma u baahni inaan idiin soo qoro wax ku saabsan caawimaadan walaalaha loo bixiyo.

2 Waayo waan ogahay dadaalka aad leedihiin inaad dadka caawisaan, taas oo anigana aan ugu faano dadka Makedoniya aniga oo ku leh illaa sanadkii la soo dhaafay kuwii reer Akhaya iyo idinkaba diyaar ayaad u ahaydeen inaad dadka caawisaan. Haddaba dadaalkiina ayaa iyaga ku dhiirigeliyay iney wax bixiyaan.

3 Laakiin waxaan walaalaha u soo dirayaa inaan u cadeeyo in faankaan iyaga ku faano uusan ahayn micno la’aan, laakiin inaad diyaar tihiin sidii aan markii hore iyaga u sheegay.

4 Waayo haddii ey reer Makedoniya ila imaadaan oo ey idin helaan idinkoo aan diyaar ahayn, idin mana difaaci doono waayo ceeb ayaan dareemi doonaa kalsoonida aan idin ku qabnay darteed.

5 Sidaa darteed waxaan Tiitos iyo walaalaha kale ku iri waqti la qaata intaan imaanin ka hor, si ey idiin ku sii diyaariyaan hadiyaddii aad ballanqaadeen. Laakiin waxaan rabaa iney noqoto mid idin ka timaada, oo eysan ahayn mid la idin ku qasbay.


Deeqsinimada oo la dhiirageliyay

6 Tan xasuusnaada, qof hadduu iniin yar abuuro gurashadiisu waxey noqotaa in yar. Laakiin qofku hadduu iniin badan abuuro gurashadiisuna wey badnaan doontaa.

7 Dhamaantiinaba waa inaad bixisaan wixii aad qalbiyadiina ka go’aansateen. Laakiin ha ka xumaanina wixii aad bixiseen, hana dareemina in la idin ku qasbay. Illaahey wuxuu jecel yahay dadka jecel iney kuwa kale caawiyaan.

8 Illaaheyna si deeqsi ah ayuu waxaad u baahatiin oo dhan idiin siin doonaa. Markaasna weligiin ayaad lahaan doontaan wax walboo aad rabtaan inaad sameysan shuqulo aad uu wanaagsan.

9 Wey qorantahay, “Si deeqsinimo leh ayey wax usiiyeen kuwii masaakiinta ahaa, camalkooda xaqa ahna weligiis ayaa la xusuusan doonaa.”

10 Haddaba Illaaheyga kan abuur iyo kibis uu cuno beeraleyga siiya, kaas ayaa idiin badin doona goosashada xaqnimadiina.

11 Si kasta ayaa la idin ku barakeyn doonaa si aad mar walba u ahaataan kuwa deeqsi ah. Kuwa badanna Illaahey ayey u mahadcelin doonaan markaan hadiyadiina u geyno.

12 Waxaad sameyneysaan wey ka badan tahay shaqada ah inaad dadka Illaahey waxey u baahanyihiin siisaan. Waayo farxad ayey Illaahey ugu mahadcelin doonaan.

13 Shaqadan darteed taas oo isu cadeyseen waxey Illaahey u keeni doontaa ammaan. Waxaad aaminteen injiilka Masiixa waxaadna ku adeecdeen si deeqsinimo ah inaad la wadaagteen iyaga iyo kuwa kale.

14 Markey idiin duceeyaan wey idiin xiisaan, waayo Illaahey wuxuu idin ku nimceeyay naxariis badan.

15 Illaahey ayaa mahad leh hadiyadiisa aan la sheegi karin darteed.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan