Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

2 Korintos 7 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Walaalayaalow sidaa darteed anaga oo ballamadan haysanna aan iska nadiifino waxyaala walboo jirka iyo ruuxda wasakheeya. Waa inaan quduusnimada kaamil ka dhignaa anaga oo Illaahey ka cabsaneyna.


Kaniisadda oo Bawlos ka farxisay

2 Qalbiyadiina noo fura, waayo qofna uma gafin, qofna ma xumeynin, qofna ma khiyaanin.

3 Waxyaalahan uma dhahayo si aan idiin xukumo, laakiin sida aan markii hore iri, qalbiyadeena ayaad ku jirtaan haddaan nool nahay ama haddaan dhimanaba.

4 Kalsooni ayaan idin ku qabaa, waana idin ku faanaa. Dhiiranaan ayaa iga buuxda waayo xitaa haddaan dhibaateysanahay weli farxad ayaan dareemaa.

5 Waayo markaan imaanay Makedoniya jirkeenu ma nasanin. Dhibaato badan iyo cabsi ayaan la kulannay, cadawyadeena ayaana aad noo dhibay.

6 Laakiin Illaahey kan dadka dhiirigeliya ayaa nagu qalbi qaboojiyay imaanshadii Tiitos.

7 Imaanshihiisa kaliya maahane laakiin sidaad u dhiirigeliseen isaga ayaa naga farxisay. Wuu noo sheegay inaad ii xiisteen, murugadiina qotoda dheer, xamaasada aad ii qabtaan, saas awadeed farxadeyduna aad ugu si weynaanto weligeed.

8 Inkastoo warqadeydii aan idiin soo diray ka xumaateen anigu kama shalaaynin. Marka hore waan ka xumaaday laakiin waxaan ogaa in warqaddaas ey waqti yar kaliya idin dhibeyso.

9 Laakiin hadda waan ku faraxsanahay inaan idiin soo diray, mana aha inaad ka xumaateen, laakiin xanuunkaas ayaa keenay inaad toobadkeenteen oo aad waxyaalihii hore kasoo laabateen. Tani waa xanuunkii uu Illaahey rabay inuu dadkiisa qabto, sidaa darteed anagu waxba ma idiin geysanin.

10 Waayo xanuunka Illaahey kuu keeno wuxuu kugu hogaamiyaa toobadkeen kaasoo keena badbaadinta, mana ka xumaaneysid. Laakiin xanuunka aduunku keeno wuxuu keenayaa dhimasho.

11 Bal fiiriya wixii uu xanuunka Illaahey keenay idin kasoo saaray? Waayo si daacadnimo ah ayaad u rabteen inaad cadeysaan in aadan waxba galabsan. Waad xanaaqdeen, waad naxdeen aad ayaad u rabteen in xaqa la idiin sameeyo. Waxaadna cadeyseen in waxyaalahan aad ku lahayn eed.

12 Markaan warqadda idiin soo dirayay ujeedadeydu ma ahayn inaan u qoro kuwa xumaan sameynaya ama kan loo gafay. Waxaan u soo qoray inaad Illaahey hortiisa aad isku aragtaan kuwa daacada noo ah.

13 Aad ayey waxyaalahan oo dhan nooga farxiyeen. Inkastoo aan dhiiranaanay, aad ayaan ugu sii faraxnay markaan aragnay Tiitos waayo si wanaagsan ayaad u soo dhaweyseen.

14 Waan u sheegay si aan idiin kugu faano, idinkuna ima ceebeynin. Mar walba waxaan idiin sheegay runta, haddana sidii aan Tiitos idin kugu faanay waad cadeyseen iney run tahay.

15 Tiitos aad ayuu idiin jeclayahay, siiba markii uu soo xasuusto sida aad u adeeci jirteen iyo idinkoo cabsi la gariiraya sida aad ugu soo dhaweyseen.

16 Aad ayaan u faraxsanahay waayo kalsooni kaamil ah ayaan idin ku qabaa.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan