2 Korintos 6 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub1 Anaga oo la shaqeyneyna Illaahey ayaan idin ka baryeynaa in aadan qiima la’aan u qaadanin nimcada Illaahey. 2 Waayo qoraalku wuxuu leeyahay, “Waqtiga markii uu gaaro waan idin dhageysan doonaa, markaad caawimaad u baahantihiinna waan idin badbaadinayaa.” Waxaan idin leeyahay haddaba waxaa la joogaa waqtigaas, maanta waa maalintii aad badbaadi lahaydeen. Dhibkii uu Bawlos maray 3 Anagu waa inaanan aqabad ku noqonin qof kasta jidkiisa, si qofna shaqadeena uusan qalad ugu arkin. 4 Laakiin sida adeegayaasha Illaahey si walbaan dadka u tusnaa inaan nahay adeegayaasha Illaahey. Mar walbana dulqaadasho ayaan lahayn inkastoo aan dhibaato badan iyo silac ku jirnay. 5 Waa na la garaacay oo xabsi na la geliyay rabshooyinkana wax nagu gaareen. Aad ayaan u shaqeynay anaga oo aan hurdeynin oo sooman. 6 Laakiin daahirnimadeena, aqoonteena, dulqaadashadeena, naxariisteena, Ruuxa Quduuska ah ee nagu dhex jira iyo jaceylkeena oo daacad ah ayaan isku cadeynay. 7 Waxaan si daacad ah ugu wacdinay runta, xoogga Illaaheyna wuu naga dhex shaqeynayay. Waxaan gacanta midig ugu isticmaalnay hubka xaqnimada weerar bidixdana difaac. 8 Xitaa haddii na la ammaano ama na la ammaani waayo, haddii wax fiican ama xun na laga sheego, runtii waxaan nahay kuwa daacad ah inkastoo kuwa kale nagu dhahaan waxaad tihiin khiyaanoolayaal. 9 Dadka kale nama garanayaan laakiin idinku waad na garaneysaan. Waxaan u egnahay kuwo dhimanaya laakiin weli waan nool nahay, waa na la garaacay laakiin ma dhimanin. 10 Farxad ayaan leenahay xitaa waqtiga aan silaca ku jirno. Inkastoo aan masaakiin nahay kuwa badan ayaan taajir ka dhignay, waxna ma haysano laakiin wax walba anaga ayaa leh. 11 Dadka Korintosow si cad ayaan idin la hadalnay qalbigeena ayaan idiin furnay. 12 Anagu waan idin jacelnahay laakiin idinku weli nama jeclidiin. 13 Waxaan idiin la hadlaa sidi caruurteyda oo kale. Fadlan qalbigiina noo fura. Macbadka Illaaha nool 14 Ha isku xirina kuwa aan rumeysneyn. Sidee ayey xaqnimadu ula xiriiri kartaa dembiga? Sidee ayuu iftiinku ula noolaan karaa mugdiga? 15 Sidee ayuu Masiixu xiriir ula lahaan karaa ibliiska? Sidee ayuu midka rumeysan xiriir ula lahaan karaa midka aan rumeysanin? 16 Midnimadee ka dhaxeysa macbadka Illaahey iyo sanamyada? Waayo waxaan nahay macbadka Illaahey, sida uu Illaahey yiri, “Waan la noolaan doonaa dhexdoodaan socon doonaa waxaanna noqon doonaa Illaahooda, iyaguna waxey noqon doonaan dadkeyga.” 17 Sidaa darteed, “Iyaga kasoo dhex baxa ka soocma, Rabbigu saas ayuu leeyahay. Ha taabanina waxaan nadiif ahayn, Aniguna waan idin aqbali doonaa.” 18 Sidoo kale, “Waxaan noqon doonaa aabihiin, waxaadna ahaan doontaan caruurteyda, Sayidka xoogga saas ayuu leeyahay.” |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.