2 Korintos 5 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubJirka cusub 1 Waayo waan garaneynaa markey teendhadaan dhulka aan ku noolnahay ey baaba’do, waxaan heysanaa guri Illaah, guri janno ee daa’iim ah, kaasoo gacmo binu aadan lagu dhisin. 2 Hadda waan taahnaa jirkeena wuu duqoobaa waxaanna aad u xiisnaa in na loo xiro jirka ruuxiga ah sida maro cusub oo kale xagga jannada. 3 Waayo markaan dharka gashano, ma qaawanaan doono. 4 Waayo intaan weli teendhadaan ku jirno, waan taahnaa oo cuslaanaa, waayo ma dooneyno in nala qaawiyo laakiin beddelkeeda aan huwano hooygeena jannada. Laakiin jirka aan weligiis dhimaneynin waxaa liqi doonaa nolosha. 5 Illaahey ayaa waxyaalahan oo dhan ka dhigay suurtagal. Wuxuu na siiyay Ruuxiisa taas oo noo cadeyneysa inuu sameyn doono. 6 Sidaa darteed mar walba waan isku kalsoonnahay, waana garaneynaa intaan jirkan ku jirno Rabbiga waan ka fognahay. 7 Waayo waxaan ku nool nahay iimaan laakiin ma aha araga. 8 Waan isku kalsoonnahay waayo waxaa noo roon anaga oo jirkan ka tagna oo Rabbiga la joogno. 9 Sidaa darteed haddaan Rabbiga u tagnay ama aan weli u tagin waa inaan dadaalnaa si aan isaga uga farxino. 10 Waayo dhamaanteen waxaan hor tageynaa kursiga xukunka ee Masiixa, sidaas darteed mid kastoo naga mid ah waa inuu helaa waajibkiisa, waxyaalihii u saameeyay intuu jirka ku jiray, haddii ey tahay wanaag ama xumaan. Dadka oo loo keenay Illaahey 11 Sidaa darteed waan garaneynaa cabsida Rabbiga, waxaanna kuwa kale ku dhiirigelinaa iney Illaahey u laabtaan. Illaahey wuu na garanayaa, waxaanna rajeynayaa iney u cadahay damiirkiina. 12 Mana isku dayeyno inaan faanno, laakiin waxaan rabnaa inaad nagu faantaan, si aad si fiican ugu jawaabtaan kuwa ku faano waxyaalaha aduunka intii ey qalbi saafi ah ku faani lahaayeen. 13 Haddii aan waalannahayna waa Illaahey dartiis, haddii aan caadi nahayna waa dartiin. 14 Waayo jaceylka Masiixa ayaa na hogaaminaya, hadda waan qanacnay in hal nin u dhintay dadkoo dhan, sidaa darteed anaga oo dhanna dhimashadiisa ayaan wadaagnay. 15 Ciise wuxuu u dhintay dhamaan si kuwa nool eysan mar dambe ugu noolaan naftooda laakiin ey u noolaadaan isaga kaasoo u dhintay oona sarakacay. 16 Sidaa darteed qofna kuma xukumi doonno muuqaalkiisa, waayo waqti hore ayaan u maleynay Masiixa sida kan aduunka. 17 Qof walboo Masiixa ku jira waa abuur cusub. Wixii hore waa la iloobay, wax walbana wey cusboonaadeen. 18 Waxyaalahan oo dhan waxey ka imaadeen Illaahey, kaasoo Masiixu na heshiisiiyay. Wuxuuna na siiyay shaqo si aan heshiis uga dhex keeno isaga iyo kuwa kale. 19 Illaahey wuxuu heshiis dhex keenay aduunka iyo isaga, isaga oo u maraya Masiixa. Mana u xisaabeynin dadka dembigooda wuxuuna masuuliyad naga saaray inaan fariintaas heshiiska keenta. 20 Sidaa darteed waxaan nahay kuwa Ciise u hadla, Illaaheyna dadkii uu ka dhex shaqeeyay si ey u qaataan fariintaas. Waxaan u hadalnaa Masiixa markaan idin ka barino inaad la heshiisaan Illaahey. 21 Illaahey mid aan dembi lahayn ayuu nooga dhigay dembiile, si aan isaga dartiis ugu noqono kuwa xaqa ah ee Illaahey. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.