Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

2 Korintos 4 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Daciifnimo iyo sarakicidda nolosha

1 Sidaa darteed Illaahey naxariistiisa ayaan ku helnay shaqadan mana ka niyad jabeyno.

2 Waana diidnay waxyaalihii ceebta ahaa oo dhan, qofna ma khiyaaneyno, ama ereyga Illaaheyna been kama sheegeyno. Laakiin waxaan si cad u barnaa waxyaalo run ah waxaan isku ammaannaa nafteena qof walba damiirkiisa Illaahey hortiisa.

3 Haddii injiilka aan wacdino uusan cadeyn, dadka lunsan ayuusan u cadeyn.

4 Kuwa aan rumeysaneyn illaaha aduunkan ayaa indha tiray si eysan u arkin iftiinka warka wanaagsan ee tusaya ammaanta Masiixa, kaasoo ah muuqaalka Illaahey.

5 Waayo waxaan ku wacdino nagama imaanin, laakiin waxey ka yimaadeen Ciise Masiix oo ah Sayidkeena. Anaguna waxaan idiin caawineynaa Ciise dartiis.

6 Waayo Illaahey ayaa yiri, “Iftiinka haku ifo mugdiga,” isaga ayaa iftiinkiisa qalbiyadeena ku ifiyay, si aan u garano ammaanta Illaahey ee laga arkay wajiga Ciise Masiix.

7 Waxaan leenahay iftiinkan qalbiyadeena ku ifaya, laakiin anagu waxaan nahay sida jeeg dhoobo laga sameeyay oo qiima leh oo waxyaalo qiima leh ku jiraan. Tani waxey cadeyneysaa xooggeena weyn inuu ka yimaaday Illaahey oo uusan anaga xaggeena ka imaanin.

8 Dhibaato badan ayaan marnay laakiin ma aanan jabin, xitaa haddaanan garaneyn waxaan sameyno ma quusano.

9 Waa na la silciyay laakiin Illaahey mana deyrin, dhulkana waa nagula tuuray laakiin waxba naguma dhicin.

10 Mar walbana waxaan la kulannaa dhimasho Ciise dartiis, jirkeena ayaa tusa dhimashadiisa waxey tahay, si noloshiisa nalooga dhex arko.

11 Waayo Ciise dartiis ayaa anagan nool na loogu dhiibay dhimasho, si noloshiisa looga dhex arko jirkeena dhimanaya.

12 Sidaa darteed dhimashadu wey na la joogtaa, laakiin tani waxey idiin keentay nolosha weligeed ah.

13 Wey qoran tahay, “Waan aaminay, sidaa darteed ayaan u hadlay.” Waxaan leenahay isla ruuxa iimaankaas sidaa darteed ayaan u aaminnaa oona u hadalnaa.

14 Waayo waan ognahay in Illaahey midka Sayid Ciise sarakiciyay anagana sidoo kale wuu na sarakicin doonaa wuxuuna na keeni doonaa hortiisa anaga oo isla jirna.

15 Waxyaalahan oo dhan waa faa’iidadiina. Si dad badan ey u ogaadaan in Illaahey uu yahay mid naxariis iyo nimco leh oo eyna u ammaanaan una sharfaan.

16 Sidaa darteed ma niyad jabeyno. Inkastoo jirkeena uu dhimanayo, laakiin ruuxdeena waa la cusbooneysiinayaa maalin walba.

17 Waayo dhibka aan hadda ku jirno waa wax yar oo aan waqti dheer qaadaneynin. Laakiin waxey noo keentay ammaanta weligeed ah oo ka weyn dhibkaas.

18 Sidaa darteed qalbigeena ma saarno waxyaalaha la arkayo, laakiin waxaan qalbigeena saarnaa waxyaalaha aan la arkeynin. Waayo waxa la arkayo waa wax dhamaanaya laakiin waxyaalaha aan la arkeynin waa mid weligeed ah.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan