2 Korintos 3 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub1 Haddaba miyaanu bilownaa inaan is ammaanno? Ama sida kuwa kale miyaanu u baahannahay in la idiin soo diro warqado anaga naga hadlaya ama idinka darteena warqad aad u soo dirtaan? 2 Idinka ayaa ah warqaddeena, oo qalbigeena ayaad ku qoran tihiin dadka oo dhan wey garanayaan weyna akhrinayaan. 3 Waa hubaal in aad tihiin warqadda Masiixa miraha shaqadeena. Taas oo aan lagu qorin khad laakiin lagu qoray Ruuxa Illaaha nool. Oo aan lagu qorin dhagaxyo balbalaaraan laakiin waxaa lagu qoray qalbiga binu aadanka. 4 Waxyaalahaas ayaan kalsooni ugu leenahay Illaahey hortiisa anaga oo u mareyna Masiixa. 5 Ma aha in waxyaalahan aan anagu xooggeena ku sameynay laakiin xooggeenu wuxuu ka imaaday Illaahey. 6 Wuxuu na siiyay xoog sida adeegayaashiisa ee axdiga cusub. Axdigan cusub ma aha sharciga qoran laakiin waa Ruuxa Quduuska ah ee na hogaamiya waayo sharcigu dhimasho ayuu keenaa laakiin Ruuxu nolol ayuu keenaa. Ammaanta ugu weyn ee axdiga cusub 7 Haddaba haddii uu adeegu dhimasho keenay inkastoo lagu qoray dhagax wuxuu la yimid ammaan. Sida ey dadka reer binu Israa’iil Muuse wejiga uga fiirin kari waayeen ammaantaas darteed, inkastoo ey tahay ammaan dhamaaneysa. 8 Miyeysan adeegayaasha Ruuxa ammaantaas in ka badan lahayn? 9 Haddii ey adeegida xukunka keentay ammaan ahayd, intee ka badan ayaa adeegida xaqnimada keenta ey u ammaan badan tahay! 10 Runtii waxyaalihii ammaanta lahaa hadda ma laha ammaan haddii lagu barbardhigo ammaanta axdiga cusub. 11 Haddaba haddii waxyaalaha dhamaanaya ey ammaan ku imaadeen, intee ka badan ayey tahay ammaanta aan weligeed dhamaaneynin! 12 Sidaa darteed rajadan aan leenahay darteed ayaan si kalsooni leh ugu hadalnaa. 13 Ma nihin sida Muuse kaasoo wejiga maro iska saaray si uu dadka reer binu Israa’iil uga ilaaliyo in eysan arkin dhalaalkii wajigiisa oo dhamaanaya. 14 Laakiin qalbigooda ayey adkeeyeen, wax ayaana ka hor istaaga iney runta arkaan marka la akhriyo axdigii hore. Waayo Masiixa kaliya ayaa ka qaadi kara waxa aragooda daboolaya. 15 Ilaa waqtigan la joogo haddii sharciga Muuse la akhriyo qalbigooda ayey adkeeyaan. 16 Laakiin haddii uu qofku u laabto Rabbiga maradaas waa laga qaadaa. 17 Haddaba Rabbiga iyo Ruuxu waa hal, meel Ruuxu joogana Rabbigu wuu joogaa, Ruuxa Rabbiga ayaa na xoreeyay. 18 Haddaba anaga oo ah kuwa wejigooda marada laga qaaday waxaan muuqaal u nahay ammaanta Rabbiga, waayo wuxuu nagu beddelay muuqaalkiisa iyo ammaantiisa badan taas oo ka timid Sayidka ah Ruuxa. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.