2 Korintos 2 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub1 Sidaa darteed waxaan go’aansaday inaan murugo la imaanin. 2 Waayo haddaan idin murugeeyo yaa iga farxin doona, waxaan ka ahayn kuwa aan murugo u keenay? 3 Sidaa darteed ayaan warqaddaas idin kugu soo qoray, mana doonayo inaan imaado oo aan ku xanaaqo isla dadkii iga farxin lahaa. Waayo waxaan ku kalsoonnahay dhamaantiin, in dhamaantiinna aad wada faraxsantihiin. 4 Waqtigaas aan warqadda idiin soo diray aad ayaan silac u marayay, waana qalbijabsanaa oo aad ayaan u ilmeynayay. Laakiin ma rabin inaad qalbi xumaataan, waxa kaliya aan rabay waa inaad ogaataan inaan aad idiin jeclahay. Cafiska dembiilaha 5 Haddaba aniga oo aan ku adkeynin, haddii midkiin kan kale uu qalad ka galo, aniga kaliya ma i murugeynin ee isku si ayuu dhamaantiinaba idiin qalbi jabiyay. 6 Wey ku filan tahay in qofkaas aad saas u ciqaabteen. 7 Qofku markii uu dembaabo waa inaad u cafisaan oo aadna u qalbi qaboojisaan, si uusan aad ugu murugoon oo uusan u raja beelin. 8 Waxaan idin leeyahay inaad qofkaas ogeysiisaan inaad aad u jeceshihiin. 9 Sababta kale aan warqaddaas idiin kugu soo qoray waa, waxaan rabay inaan idin imtixaano, inaad waxyaalahaas oo dhan ee aan idiin sheegay adeeci doontaan. 10 Markii aad dadka u cafisaan waxyaalaha ey sameeyeen, aniguna waan u cafinayaa, haddii ey jiraan waxa aan iyaga u cafiyo dartiin ayaan Masiixa hortiisa ugu cafinayaa, 11 si uusan Shaydaanku fursad nooga dhex helin. Waayo waan ognahay qorshihiisa. Sida uu Illaahey u hogaamiyo 12 Haddaba markaan tagay Taroo’as si aan kaga wacdiyo Injiilka Masiixa, waxaan arkay in Rabbigu irid ii furay. 13 Weli aad ayaan ugu welwelsanaa waayo kuma arkin walaalkey Tiitos halkaas. Sidaa darteed macsalaameeyay kadibna waxaan tagay Makedoniya. 14 Laakiin Illaahey ayaan u mahadceliyaa! Kaasoo mar walba nagu hogaamiya guusha anaga oo uu Masiixu na la jiro, isaga oo noo isticmaalaya inaan meel walba ku faafino udgoonka aqoontiisa. 15 Waayo anagu waxaan nahay udgoonka Masiixa u bixiyay Illaahey, taas oo ku faafeysa kuwii badbaaday iyo kuwii lumayba. 16 Kuwa lumay waxaan u nahay dhimasho, laakiin kuwa la badbaadiyay waxaan u nahay udgoonka nolosha keena. Runtii ma jiro qof masuuliyadaan qaadi kara. 17 Waayo anagu kuma wacdino ereyga Illaahey si aan lacag ugu helno. Laakiin waxaan nahay adeegayaasha daacada ah ee Illaahey, Masiixa xoogiisa ayaan ku hadalnaa taas oo Illaahna marqaati nooga yahay. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.