2 Korintos 13 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubDigniintii ugu dambeysay 1 Tani waa markii saddexaad ee aan idin soo booqanayo. Qoraalku wuxuu leeyahay, “Wax walba waa in cadeyn laga hayo mise laba ama saddex qof oo ka marqaatifuraya la helo.” 2 Kuwii dembiga gelaayeyna waan canaantay markii dambe aan idin la joogay. Haddana waan u digayaa iyaga iyo kuwa kalaba sida aan markii hore idiin sheegay, mar kale idin dhaafi maayo. 3 Waayo idinku waxaad raadineysaan cadeyn in Masiixu iga dhex hadlayo. Masiixu daciif ma aha dhexdiinana xoog ayuu ku leeyahay. 4 Inkastoo uu daciifnimadiisa loogu qodbay, laakiin hadda wuxuu ku nool yahay xoogga Illaahey. Sidaas oo kale ayaan dhexdiisa daciif ku nahay, laakiin waxaad arki doontaan inaan ku nool nahay xoogga Illaahey sida Masiixa uu yahay. 5 Bal is fiiriya inaad iimaanka ku jirtaan, is tijaabiya. Waad ogtihiin inuu Ciise Masiix idin ku dhex jiro, haddii kale imtixaanka ayaad ku dhacdeen. 6 Waxaana rajeynayaa inaad ogaataan anagu in aanan imtixaanka ku dhicin. 7 Haddaba waxaan Illaahey ka baryeynaa in eydan waxyaalo xun sameynin. Waxaanna rajeyneynaa in aanan isticmaalin xooggeena markaan imaanno. Sameeya waxyaalo wanaagsan inta aanan imaanin ka hor, inkastoo ey tuseyso inaan tusi weynay xooggeena. 8 Waayo ma sameyneyno waxyaalaha kasoo horjeeda runta, laakiin waa inaan sameynaa waxa runta ah. 9 Waan ku faraxsannahay marka na loo arko inaan daciifnahay haddii ey taas idin ka dhigeyso inaad xoog leedihiin. Waxaan ku duceysaneynaa inaad intaas in ka badan sameysaan. 10 Waxyaalahan waxaan idiin soo qoraya intaan imaanin ka hor. Aniga oo rajeynaya markaan imaado in aanan si adag idiin la dhaqmin. Waayo waxaan doonayaa inaan xoogga Illaahey i siiyay u isticmaalo sidii aan idin ku xoojin lahaa laakiin ma aha inaan idin ku dumiyo. Bawlos salaantiisi ugu dambeysay 11 Walaalayaalow waxaan idin leeyahay farxa! Ku kora iimaanka, is dhiirigeliya, nabad ku noolaada. Markaasna Illaaha jaceylka iyo nabadda wuu idin la jiri doonaa. 12 Isku salaama dhunkashada quduuska ah. 13 Dadka Illaahey ee halkan jooga oo dhan wey idin soo salaamayaan. 14 Nimcada Rabbi Ciise Masiix, iyo jaceylka Illaahey, iyo wehelnimada Ruuxa Quduuska ah kuligiin ha idin la jirto. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.