2 Korintos 12 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubMuujinta xagga Illaahey ka timid 1 Inkastoo uu faankaan wax macno leh keeneynin waan iska sii wadaa. Laakiin waa inaan ku faano waxyaala Rabbiga ii muujiyay iyo kuwa kale. 2 Waxaan aqaanaa nin Masiix aaminsan oo loo kaxeeyay samada saddexaad toban iyo afar sano oo la soo dhaafay. Laakiin ma ogi in ninkaas uu jirkiisa lahaa ama waxa dhacay, laakiin Illaahey si fiican ayuu u og yahay. 3 Haa, Illaahey kaliya ayaa garanayaa in ninkaas uu jirkiisa lahaa waqtigaas. 4 Waxaa la geeyay jannada, halkaasoo uu kusoo maqlay waxyaalo binu aadanka loo ogoleyn iney sheegaan. 5 Waan ku faanaa ninkaas oo kale, laakiin anigu iskuma faanayo haddii eysan ka ahayn daciifnimadeyda. 6 Laakiin haddii aan rabo inaan faano, doqon ma noqonayo, waayo waxaan ku hadli doonaa waxa runta ah. Waxaana isku dayi doonaa in aanan aad u hadlin. Sidaas haddaan sameeyo qofna waxaan sameeyo ama ku hadlo kama arkayo inaan ahay nin weyn. 7 Inkastoo aan Illaahey ka helay muujintaan cajiibka ah, waxey iga celineysaa in aanan faanin. Waxaa la i siiyay wax jirkeyga muda oo Shaydaanku soo diray inuu i ciqaabo si aanan u kibrin. 8 Saddex jeer ayaan Illaahey ka baryay si uu ciqaabtaas iiga qaado. 9 Laakiin wuxuu igu yiri, “Nimcadeydu wey kugu filan tahay, waayo xooggeygu wuxuu kaamil ku ahaadaa daciifnimadaada.” Sidaa darteed waan ku faraxsanahay inaan ku faano daciifnimadeyda si uu xoogga Masiixu iigu soo dego. 10 Sidaa darteed ayaan Masiixa dartiis ku farxaa daciifnimadeyda iyo markii la i caayaba, dhibaato iyo silac markaan marayo. Waayo markaan daciif ahay ayaan xoog yeeshaa. Bawlos oo ka welwelaya dadka Korintos 11 Waxaad iga dhigteen inaan doqon ahaado. Waayo idinka ayaa ii ammaani lahaydeen, anigu uma liito rasuullada waaweyn, inkastoo anigu aanan waxba ahayn. 12 Markaan idin la joogay waxaan idiin cadeeyay inaan ahay rasuul. Waayo si dulqaad leh ayaan waxyaalo badan dhexdiina kaga sameeyay, taas oo ah calaamooyin, waxyaalo cajiib ah iyo mucjisooyin. 13 Waxa kaliya aan dhexdiina ka sameyn waayey oo kaniisadaha kale ku sameeyay waa inaan culeys idin saaro. Fadlan ii cafiya qaladkan. 14 Haddaba diyaar ayaan u ahay inaan mar saddexaad idin soo booqdo, culeysna ma idin ku ahaanayo. Waayo waxaan u baahannahay maalkiina ma aha laakiin idinka ayaan idiin baahannahay. Si kastaba ha ahaatee caruurta ma aha iney waalidkoodu wax meel u dhigaan, laakiin waalidka ayaa caruurtooda wax meel u dhigaya. 15 Sidaa darteed waan ku faraxsanahay inaan waxaan haysto oo dhan ku bixiyo xitaa nafteyda. Haddaan in badan idin jeclaado miyaad in yar i jeclaan doontaan? 16 Waad ogolaateen inaan culeys idin ku haynin. Laakiin waxaad dhahdaan khiyaanoole ayaan ahay waayo idinka oo aan filaneynin ayaan idin qabtay. 17 Nimankii aan idiin soo diray xitaa midkood miyuu idin khiyaanay? 18 Waxaa Tiitos ka baryay inuu idin soo aado oo walaalkeen aan la soo diray isaga miyey idin khiyaaneen? Waa maya! Waayo kuligeenba hal Ruux ayaan lahayn oo ujeedadeena hal ayey ahayd. 19 Miyaad u maleyseen waxyaalahan oo dhan waxaan u dhahayno inaan is difaaceyno darteed? Walaalayaalow waxaan idinkula hadalnay Illaahey hortiisa anaga oo ah kuwa Masiixa ku jiro, waxyaalaha aan sameyno oo dhan waa waxa idin dhiirigelinaya. 20 Waayo waxaan ka cabsanayaa markaan idiin imaado inaad sida aan rabo ahaan weysaan oo aan sidaad rabtaan ahaan waayo. Waxaan ka cabsanayaa inaan idin ka dhex helo, muran, maseyr, xanaaq, daneysi, caay, xan, iskibrin iyo dabeecad xun. 21 Waa run waan cabsanayaa markaan imaado Illaahey hortiina ha igu hooseysiiyo. Waana ka murugoon doonaa kuwii badnaa ee dembaabay oo aanan ka toobadkeenin nijaasnimadii, sinadii iyo dhaqan xumadii. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.