2 Korintos 11 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubBawlos oo ka hadlaya rasuullada beenta ah 1 Waxaan rajeynayaa inaad iigu dulqaadataan doqonnimadeyda, fadlan ii dulqaata! 2 Waxaan idin kaga hinaaseysanahay hinaaso Illaahiyan ah. Waxaan idin ka ballan qaaday hal nin oo ah Masiixa, si aan idiinku dhiibo isaga sidii bikro daahir ah. 3 Laakiin waxaan ka cabsanayaa in la idiin khiyaano, sidii Xaawo masku u khiyaanay. Waxaan ka cabsanayaa in eydan Masiixa si daacad ah uga fikirin. 4 Waayo haddii uu qof kuu yimaado oo kuu wacdiyo wax ku saabsan Ciise kaasoo aan ahayn Ciisaha aan idiin wacdinay, ama haddaad qaadataan ruux ka duwan tii aad hesheen, ama injiil kale oo ka duwan kan aad aqbasheen, haddii aad aqbashaan kala duwanaashahaas waa dembi. 5 Uma maleynaayo inaan ka hooseeyo “rasuullada waaweyn.” 6 Waxaa laga yaabaa inaan la igu soo tababarin sida loo hadlo, laakiin aqoon ayaan leeyahay. Arintaanna si walba ayaan idiin kugu cadeynay. 7 Miyaan ku qaldanahay inaan is hooseysiiyay oo aniga oo idin sharfaya warka wanaagsan ee Illaahey idiin wacdiyay aniga oo aan waxba idin ka sugin? 8 Waxaan lacag ka helaa kaniisadaha kale si aan idiin ku adeego. 9 Xitaa markaan caawimaad u baahnaa ma idin weydiisanin. Laakiin walaalaha ka yimid Makedoniya ayaa ii keenay waxyaalihii aan u baahnaa oo dhan. Weligey culeys ma idin saarin mana idin saari doono. 10 Sida Masiixa runtiisa iigu jirto, kuwa jooga Akhaya qofna ma iga joojin karo inaan tan ku faano. 11 Waayo? Ma idin jecli miyaa? Illaahey wuu og yahay inaan idin jeclahay! 12 Laakiin anigu weli waan sii wadaa waxyaalihii aan weligey sameynayay. Si aan u joojiyo kuwa doonaya iney ku faanaan in shaqadooda ey u egtahay teena oo kale. 13 Waayo dadkaas oo kale waa rasuullada beenta ah, waa shaqaalaha khiyaanoolaha ah. Waxey iska dhigaan iney yihiin rasuullada Masiixa. 14 Layaab ma aha waayo xitaa Shaydaanku wuxuu isku dayay inuu iska dhigo Malaga iftiinka. 15 Sidaa darteed layaab ma aha in adeegayaasha Shaydaanka ey iska dhigaan adeegayaasha xaqa ah. Maalin ayey heli doonaan ciqaabta iyaga u qalanta. Bawlos oo ku faanaya ciqaabta uu maray 16 Mar labaad ayaan idin dhahayaa, ha u maleynina inaan doqon ahay markaan sidan u hadlo. Laakiin haddii aad doqon ii maleysaan, sidaas igu qaata si aan aniguna in yar u faano. 17 Kalsoonidan aan ku faano oo uma hadlaayo sida Rabbigu rabo, laakiin sida doqon. 18 Haddii ey kuwa badan ku faanaan shaqadooda, anigana waan ku faanayaa. 19 Waayo idinku si farxad leh ayaad doqonnimada ugu dulqaadataan idinkoo xigmad leh. 20 Idinku waxaad u dulqaadataan qof hadduu idin adoonsado, hadduu wixiina cuno, hadduu wax idin ka qaato ama hadduu wejiga idin ka dharbaaxo. 21 Ceeb ayaan ku dareemaa inaan iraahdo, daciif ayaan nahay si aan waxyaalahaas u sameyno. Wax walboo ey ku faanaan, aniguna doqon ayaan iska dhigaya si aan ugu faano. 22 Miyey yihiin Cibraaniyiin? Aniga xitaa waan ahay. Miyey yihiin reer binu Israa’iil? Aniga xitaa waan ahay. Miyey yihiin farcankii Ibraahim? Aniga xitaa waan ahay. 23 Miyey yihiin adeegayaasha Masiixa? Waa waali inaan sidan u hadlo, laakiin iyaga ka badan ayaan Illaahey u adeegaa. Aad ayaan u shaqeeyay, marar badanna xabsi la ii geliyay, aadna la iigu garaacay oo aan dhimasho u dhowaaday. 24 Shan jeer ayaa Yuhuuddu i garaacday soddon iyo sagaal ul. 25 Saddex jeer ayaa ul laygu garaacay. Marna waa la i dhagaxeeyay, saddex mar oo aan doon ku safrayay ayaa doontii la jabiyay, maalin iyo habeen ayaan badda dhex joogay. 26 Safarro badan oo dhaadheer ayaan galay. Markaan webiga dhex marayay khatar ayaan galay, xitaa tuugada khatar ayaan u galay. Dadkeyga, Yuhuudda iyo dadka aan Yuhuudda ahayn ayaa khatar i geliyeen. Khatar ayaan ku sugnaa markaan joogo magaalooyinka, saxaraha iyo markaan badda ku safrayo. Kuwa iska dhigay iney rumeysanyihiin oo aan rumeysaneyn ayaa khatar i galiyay. 27 Waxaan shaqeeyay habeenno badan oo hurdo la’aan ah. Waan gaajooday oo haraaday mararka qaarna ma haysanin waxaan cunno. Qabow ayaan la gariiray aniga oo aan haysanin dhar igu filan oo i kululeeya. 28 Waxyaalahaas kadibna, waxaa i saaran culeys oo waxaan ka fikirayaa kaniisadaha oo dhan. 29 Haddii qof daciifnimo dareemo anigana daciif ayaan dareemaa. Haddii uu qof dembaabana xanaaq ayaan la gubtaa. 30 Haddii aan faano, waxaan ku faanayaa waxyaalaha muujinaya daciifnimadeyda. 31 Illaaha Aabaha oo ah Sayidka Ciise, kaasoo weligiis la ammaanay wuu og yahay in aanan been sheegeynin. 32 Markaan joogay Dimishaq taliyihii ka hooseeyay boqor Aretas ayaa wuxuu ilaaliyay magaaladoo dhan si ey ii qabtaan. 33 Laakiin aniga darbiga magaalada daaqadiisa ayaa la iga bixiyay aniga oo dambiil ku jira sidaas ayaan gacantiisa uga baxsaday. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.