Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

2 Korintos 10 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Bawlos oo difaacaya shaqadiisa

1 Haddaba waxaan si naxariista iyo dabacsanaanta Masiixa idiin ku weydiinayaa, aniga oo ah Bawlos, kaasoo xishood badan markaad caadi isku aragtaan, laakiin ah nin geesi ah marka uusan idin la joogin!

2 Waxaan idin ka baryayaa markaan imaado in eydan igu qasbin inaan ku adkeeyo dadka qaarkood oo dhahaya waxaan u dhaqannaa sida kuwa aduunka.

3 Inkastoo aan aduunka ku nool nahay uma dagaalanno sida aduunka u dagaalamaan.

4 Hubka aan ku dagaalanno ma aha hubka dunida. Laakiin waxey leeyihiin awoodo rabbaani ah ay ku burburiyaan goobaha ad adag.

5 Waxaan baabi’inaa murannada iyo waxyaalo walboo dadka ka reebaya iney Illaahey gartaan. Dadkaas oo kale waxaan ka dhaadhicinaa iney saxaan fikradahooda oo ey Masiixa adeecaan.

6 Markaad cadeysaan kalsoonidiisa dhameyska tiran diyaar ayaan una nahay inaan ciqaabno waxyaalaha caasinimada ah.

7 Muuqaal ayaad wax ku xukuntaan. Haddii uu qof isku kalsoonaado inuu yahay kan Masiixa, waa inuu ogaadaa anaga xitaa sidiisa oo kale ayaan u nahay kuwa Masiixa.

8 Sidaa darteed haddaan ku faano xoogga uu Rabbiga na siiyay inaan idin ku dhisno intaan idin ku burburin lahayn, kuma dareemayo ceeb.

9 Mana rabo inaad u aragtaan inaan warqadda idiin kala dhex dagaalamayo.

10 Waayo dadka qaarkood ayaa yiraahda, “Warqadihiisa culeys iyo xoog ayey leeyihiin, laakiin qof ahaan la waa mid aan lala dhacsaneyn, xitaa hadaladiisu micno ma laha.”

11 Dadkaas oo kale waa iney ogaadaan in waxaan soo qornay iyo waxaan dhahno markaan idin la joogno eysan kala duwaneyn.

12 Waayo anagu khatar ma is gelineyno anaga oo isku ekeysiinayna kuwa kaloo is ammaana. Waayo markey iyaga dhexdooda isku ekeysiiyaan xigmad la’aan ayey noqonayaan.

13 Laakiin anagu kuma faanno waxyaalaha aanan awoodeena ku sameynin, laakiin faankeena waxaan ku koobnaa shaqada uu Illaahey na siiyay shaqadan idin ka dhex shaqeyneynana wey ka mid tahay.

14 Anagu si xad dhaaf ah u faani mayno, waayo fariinta injiilka Masiixa idinka ayaan idiin keenay.

15 Sidoo kale ku faani mayno shaqada qof kale. Rajadeenu waxey tahay markaad iimaanka ku kortaan, shaqadeena dhexdiinana wey weynaan doontaa.

16 Sida aan warka wanaagsan ugu wacdino magaalooyin kale. Waayo ma dooneyno inaan ku faanno shaqo qof kale deegaankiisa kasoo qabtay.

17 Laakiin, “Haddaad dooneysid inaad faanto ku faan Rabbiga.”

18 Waayo mid isa soo ammaanay lama aqbali doono, laakiin mid Illaahey ammaanay ayaa la aqbali doonaa.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan