Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

2 Korintos 1 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Ka socoto Bawlos kaasoo doonista Illaahey ku noqday rasuulka Ciise Masiix, iyo walaalkeen Timoteyos. Warqaddan waxey ku socotaa kaniisadda Illaahey ee ku taala Korintos iyo dhamaan dadka Illaahey ee jooga Akhaya.

2 Waxaan Illaaha Aabaheen ah iyo Sayid Ciise Masiix ka baryayaa inuu idin siiyo nimco iyo nabad.


Ammaan ha u sugnaato Illaaha qalbiga noo qaboojiya

3 Ammaan ha u sugnaato Illaaha ah Aabaha Rabbigeena Ciise Masiixa. Aabaha naxariista leh, kaasoo mar walba na qalbi qaboojiya.

4 Kan dhibaatadeena nagu qalbi qaboojiya, si aan anaguna dhiiranaan taas ula wadaagno kuwa kale ee dhibaatada ku jira, waana awoodi doonnaa inaan qalbi qaboojiskaas uu Illaahey na siiyay aan siino iyagana.

5 Waayo si aan anaguna silac u marno sida uu Masiixa u silcay, sidaas oo kale ayaa Illaahey nagu qalbi qaboojinayaa isaga oo u maraya Ciise.

6 Laakiin haddaan dhibaatoono anaga oo rajo leh waa la idin qalbi qaboojin doonaa oo la idin badbaadin doonaa. Sidoo kale haddii na la qalbi qaboojiyo, idinkana waa la idin qalbi qaboojin doonaa, markaad u dulqaadataan dhibaatada aad mareysaan sideena oo kale.

7 Rajo aan idin ku leenahay wey adagtahay, waayo waan ognahay inaad nala wadaagteen silaceena, sidoo kale ayaad nala wadaageysaan raaxadeena.

8 Walaalayaalow sidaa darteed ma dooneyno in eydan wax ka ogeyn dhibaatadii aan ku marnay Aasiya. Aad ayaan u dhibaatoonay taas oo aan u dulqaadan weynay illaa aan nolosha ka quusanay.

9 Runtii waxaan u maleynay in dhimasho na lagu xukumi doonno. Laakiin waxyaalahan waxey u dhaceen si aanan anagu iskugu kalsoonaanin laakiin aan ku kalsoonaano Illaahey, kaasoo kuwa dhintay soo sarakiciya.

10 Illaahey wuxuu naga badbaadiyay dhimashada, mar kalana wuu na badbaadin doonaa. Isaga ayaan rajadeena saarnay wuuna na badbaadin doonaa mar walba.

11 Idinkoo nagu caawinaya baryadiina ayey dad badan Illaahey u mahadcelin doonaan nimcada axsaanka aan ku helnay jawaabta ducada kuwa badan.


Bawlos oo qorshihiisa beddelay

12 Kani waa faankeena, qalbigeenu wuxuu ka marqaatifuraya, waayo waxaan ku nooleyn xaqnimo iyo daacadnimo siiba markaan idin la joognay. Anaga oo nimcada Illaahey isku halleyneyna intii aan isku haleyn lahayn xigmadda dunidan.

13 Waayo ma idiin soo qorayno waxyaalo eydan akhrin karin ama eydan fahmeynin. Laakiin waxaan rajeynayaa,

14 sida aad hadda si dhameystiran noogu fahmeynin, markii uu Rabbi Ciise dadka oo dhan xukumi doono si fiican ayaad noo fahmi doontaan oo aadna noogu faani doontaan.

15 Waayo waxyaalahan aad ayaan kalsooni ugu qabaa, sidaa darteed waxaan rabaa inaan marka hore idin soo booqdo si aad mar labaad u barakowdaan.

16 Waxaan rabaa inaan idin soo booqdo markaan u socdo Makedoniya iyo markaan kasoo laabtaba, oo aad kadibna ii dirtaan Yahuudiya.

17 Sidaa darteed markaan qorshahan sameynayay miyaan isdabamariyay? Ama miyaan qorshaheyga u sameeyay sida dadka aduunka ku jira ey u sameeyaan si aan marna “Haa, haa” u iraahdo mar kalana, “Maya, maya” u iraahdo?

18 Laakiin waa hubaal sida Illaah uu aamin u yahay ayeysan fariinteenuna u ahayn “Haa” iyo “Maya.”

19 Waayo Wiilka Illaahey oo ah Ciise Masiix, kaasoo aan aniga, Silwanos iyo Timoteyos idin kaga dhex wacdinay, ma eysan ahayn “Haa” ama “Maya,” laakiin fariinteena isaga ku saabsan mar walba waxey ahayd “Haa.”

20 Waayo inkastoo ey ballamada Illaahey badan yihiin xagga Ciise “Haa” ayey ka yihiin. Sidaa darteed anaguna awooddiisa ayaan aamiin ku dhahnaa taas oo Illaah ammaaneysa.

21 Haddaba waa Illaahey kan anaga iyo idinkaba naga dhigay inaan ku adkaano Masiixa. Illaah wuu na doortay,

22 wuxuu na saaray shaabadiisa lahaanshada, Ruuxiisana qalbiyadeena ayuu u geliyay keyd ahaan, damaanadna ugu dhigay waxa imaan doona.

23 Illaah ayaa ugu yeertay marqaatigeyga waayo waxaan Korintos u joogay inaan dhibka idin ka ilaaliyo.

24 Anagu ma nihin kuwa madaxda ah ee idiin sheega waxaad aamini lahaydeen. Laakiin farxadiina darteed ayaan idiin la shaqeynaa, waayo iimaankiinu wuu adagyahay.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan