Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

2 Butros 2 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Macalimiinta beenta ah iyo xukunkooda

1 Laakiin sidoo kale dadka dhexdooda waxaa ka jiray nebiyo been ah, sida ey u ahaan doonto in macalimiin been ah idin ku dhex jiri doonaan. Si qarsoon ayey u bari doonaan waxyaalo runta ka duwan, oo wey diidi doonaan Sayidka kaasoo madax furtay. Sidaa darteed waxey isku keeni doonaan hoog degdeg ah.

2 Badankoodu waxey raaci doonaan waxbaridooda qariban taas oo sababi doonta in kuwa kale been ka sheegaan jidka runta ah.

3 Hunguri weynidooda darteed ayey soo alifi doonaan sheeko been ah si ey lacag idin kaga qaataan. Laakiin Illaahey horey ayuu u xukumay, hoogoodana lama daahin doono.

4 Waayo Illaahey uma naxariisan xitaa malaa’igta dembaabtay. Wuxuu ku tuuray hogga mugdiga ah ee naarta iyagoo silsilado ku xirxiran si ey halkaas u joogaan illaa maalinta xukunka la gaaro.

5 Illaahey ma dhaafin dadkii aduunka horey u joogay markii uu u keenay daad kuwii aan cibaadada lahayn, waxaan ka ahayn Nuux kii wacdiyaha xaq ah ahaa iyo toddobo kale oo reerkiisa ka tirsanaa.

6 Kadibna Illaahey wuxuu xukumay magaalooyinkii Sodom iyo Gomora wuu gubay oo dambas ayuu ka dhigay, wuxuuna tusaale uga dhigay waxa ku dhici doona kuwa aan cibaadada lahayn.

7 Illaahey wuxuu badbaadiyay Luud waayo wuxuu ahaa nin xaq ah kaasoo ku dhibtooday anshax xumida kuwa sharci laawayaasha ah.

8 Waayo ninkaas xaqa ah dhexdooda ayuu ku noolaan maalinba maalinta ka dambeysa, waxaa noloshiisa xaqa ah silciyay shuqulada sharcidarada ah uu arkay oona maqlay.

9 Haddaba ma aragtaan, Rabbigu wuu garanayaa siduu uga badbaadiyo jarribaadda kuwa ku nool nolol isaga ka farxisa, oo uu kuwa aan xaqa ahayn u ciqaabo illaa maalinta xukunka.

10 Gaar ahaan wuxuu si adag ula dhaqmaa kuwa raaca najaasta damaca jirkooda, oo yasa taliyayaasha. Dadkaas aad ayey u kibir badanyihiin oo u madax adagyihiin, kama cabsadaan iney caayaan malaa’igta samada joogta.

11 Xitaa malaa’igta kuwaasoo leh awood iyo xoog ka weyn iyaga, ma caayaan kuwa samada jooga markey xukun xagga Rabbiga uga keenaan.

12 Laakiin dadkan waxey caayaan waxyaalaha eysan fahmeynin. Waa sida xayawaano mana fikiraan, xayawaano dareenkooda raaca kuwaasoo loo dhalay in la qabto oo la dilo, sida xayawaanada iyaguna wey baabi’i doonaan.

13 Xaqdarada ey sameeyeen waxaa loogu abaalgudi doonaa xaqdaro. Waxey jecelyihiin iney ku raaxeystaan waxyaalaha sharta ah iyadoo la wada arkayo. Waa kuwo wasakh iyo cilado leh, waxeyna ku raaxeystaan khiyaano markey idin la cunteynayaan.

14 Waxey ku sineystaan indhahooda, mana joojiyaan iney dembaabaan. Kuwa aan iimaanka ku korin ayey khiyaanaan, waxey qalbiyadooda bareen hunguri weyni oo waxaa ku dhacday inkaarta Illaahey.

15 Waxey ka tageen jidkii wanaagsanaa oo waxey ku daydeen Balcaam inankii Becoor kaasoo jeclaa inuu waxyaalo xun lacag ku helo.

16 Laakiin isaga waxaa xumaatii uu sameeyay ka canaantay dameer, xayawaan aan hadli karin ayaa ku hadlay cod binu aadan oo nebiga ka celiyay inuu waxyaalo doqonnimo ah sameeyo.

17 Dadkan waa sida ilo aan biyo lahayn iyo ceeryaamo ey dabeyshu qaado. Wuxuu Illaahey u diyaariyay meel mugdi ah.

18 Waayo waxey ku hadlaan faan aan micno lahayn, iyagoo muujinaya damacyada badan ee jirka, waxey soo jiitaan dadka doonaya iney ka guuleystaan kuwa nolosha qaldan ku nool.

19 Waxey ka ballanqaadaan xornimo laakiin xitaa iyagu waxey adoon u yihiin dabeecadooda xun, waayo dadku waxey adoon u yihiin waxa iyaga sayid u ah.

20 Dadku markey ka baxsadaan waxyaalaha sharta leh ee dunidan oo ey gartaan Sayidkeena iyo Badbaadiyaheena Ciise Masiix oo ey haddana isku mashquuliyaan waxyaalaha xun oo dembiguna adoonsado, wey kasii darnaan doonaan sidii hore.

21 Waxaa u roonaan lahayd in eysan garanin jidka xaqa ah, intey garan lahaayeen oo kadibna diidi lahaayeen amarka la siiyay ee ah iney ku noolaadaan nolol quduus ah.

22 Waxey cadeeyeen in maahmaahdan ey runtahay, “Eeygu wuxuu dib u cunaa matagiisa.” Mid kalana waxey tiraahdaa, “Doofaar la nadiifiyay wuxuu ku laabtaa dhoobada.”

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan