Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

1 Yooxanaa 5 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Iimaanka Wiilka Illaah

1 Haddii aan aaminsannahay in Ciise runtii yahay Masiixa, waxaan nahay caruurta Illaah. Qof walboo jecel Aabaha wuxuu sidoo kalana jeclaan doonaa cunuggiisa.

2 Sidan ayaan ku ogaanay inaan jaceyl nahay caruurta Illaahey. Inaan jeclaano Illaah oo aan fulino amaradiisa.

3 Waxaan tusnaa jaceylka aan u qabno Illaah anaga oo adeecnay amarradiisa, mana aha wax adag in la raaco.

4 Ilmo kastoo Illaah wuxuu ka adkaan karaa aduunka, oo iimaankeenu waa kan na siiya guushan.

5 Yaa ku guuleysan kara dagaalkan lagula jiro aduunka? Kaliya kuwa aaminay inuu Ciise yahay Wiilka Illaah.

6 Ciise Masiix waxaa la muujiyay inuu yahay Wiilka Illaah markii lagu baabtiisay biyo dhiigiisina uu iskutallaabta ku daatay. Biyo kaliya kuma imaan, laakiin wuxuu ku yimid biyo iyo dhiig, oo Ruuxa runta ah ayaa u marqaatifuray.

7 Haddaba waxaa jiraa saddex marqaati,

8 kuwani waa, Ruuxa, biyaha, iyo dhiigga oo saddexduba waa isku raacsan yihiin.

9 Haddii aan aqbalno marqaatifurka binu aadanka, runtii marqaatifurka Illaahey taasi wuu kasii weynyahay. Illaaheyna wuu u marqaatifuray Wiilkiisa.

10 Qof walboo rumeysta Wiilka Illaahey, wuxuu aqbalay marqaatifurkan. Laakiin haddii uusan qofna rumeysan arintan, waxey Illaahey ka dhigaan beenaale. Maxaa yeelay ma eysan aaminin marqaatifurka uu Illaahey ka bixiyay Wiilkiisa.

11 Tani waa marqaatifur, Illaahey wuxuu na siiyay nolosha weligeed ah iyo iney noloshan xagga Wiilka ka timid.

12 Mid walboo heysta Wiilka Illaahey wuxuu heystaa nolol, mid walboo aan heysanin Wiilka Illaahey ma heysto nolol.


Gabagabada

13 Dhamaantiin waxaad rumeysan tihiin magaca Wiilka Illaah, oo waxaan warqaddan idiin ku soo qoray inaan idin ogeysiiyo inaad leedihiin nolosha weligeed ah.

14 Waxaan hubnaa in Illaah maqli doono baryadeena markaan weydiisano waxa isaga ka farxiya.

15 Oo haddii aan ognahay inuu Illaah maqlo markaan tukano, waxaan hubnaa in baryadeeni hore la aqbalay.

16 Haddii aad aragtaan mid ka mid ah walaalaha oo sameynaya dembi aan ahayn dembi dilaa ah. Waad u duceyn kartaan, oo qofkaas Illaah wuxuu siin doonaa nolosha weligeed ah. Laakiin dembigu waa in uusan noqon mid dilaa ah.

17 Dhamaan falalka sharku waa dembi, laakiin dembi kasta dhimasho ma keeno.

18 Waan hubnaa in caruurta Illaah eysan dembaabin. Wiilka Illaah ayaa ilaaliya oo kan sharta leh wax ma idin yeeli karo.

19 Waxaan ognahay inaan xagga Illaah ka nimid oo aduunka intiisa kale ey ku hoos jiraan awoodda kan sharta leh.

20 Sidoo kalana waxaan ognahay in Ciise Masiix oo ah Wiilka Illaahey u yimid inuu na siiyo fahan, si aan isaga u garano inuu yahay kan runta ah. Oo anaguna aan isagu ku jirno kan runta ah oo ah Wiilkiisa Ciise Masiix. Isagu waa Illaaha runta ah iyo nolosha weligeed ah.

21 Caruurteyda qaaliga ahaw, ka fogaada sanamyada.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan