1 Yooxanaa 4 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubNebiyada beenta ah oo la diiday 1 Saaxiibadeyda qaaliga ahaw, ha aaminina qof walboo sheegta inuu ku hadlo ruuxa. Waa inaad tijaabisaan bal inuu Ruuxu xagga Illaah ka yimid iyo in kale. Waayo waxaa aduunka ku badan nebiyo been ah. 2 Sidan ayaan ku garaneynaa iney leeyihiin Ruuxa Illaah, haddii uu qof sheeganayo inuu nebi yahay, qirtana in Ciise Masiix ku yimid jir, qofkaasi wuxuu haystaa Ruuxa Illaah. 3 Laakiin marka qof uusan qiran Ciise, waxaad ogaataa in qofkaasi leeyahay ruux aan xagga Illaah ka imaan oo ah cadowga Masiixa. Waad ogayd in cadowgani aduunka imaanayo oo uu haddaba halkan joogo. 4 Caruurteydiyey, waxaad ka tirsan tihiin Illaah, oo waad ka adkaateen cadowyadiina. Ruuxa Illaah ayaa idin ku jira oo wuu ka xoog badan yahay kan aduunka jooga. 5 Dadkaasi waxey ka tirsan yihiin aduunka, duniduna wey maqashaa iyaga, maxaa yeelay waxey ku hadlaan afkeeda. 6 Waxaan ka tirsan nahay Illaah, oo mid kastoo Illaah yaqaan wuu na maqli doonaa. Laakiin dadka aan Illaah garaneyn nama maqli doonaan. Oo sidaas ayaan ku garan karnaa Ruuxa runta ka hadla iyo kan beenta sheega. Is jeclaada 7 Saaxiibadeyda qaaliga ahaw, waa inaan is jeclaanaa. Jaceylku wuxuu ka yimaadaa xagga Illaah, oo markaan is jeclaano, waxey muujineysaa in na la siiyay nolol cusub. Waxaan nahay caruurtii Illaah, waana garanay isaga. 8 Illaah waa jaceyl, oo qof kastoo aan jecleyn dadka kale isaga weligiis ma garan. 9 Illaah wuxuu na tusay jaceylka uu noo qabo markii uu Wiilkiisa kaliga ah aduunka u soo diray si uu nolol noo siiyo. 10 Jaceylka dhabta ah ma aha jaceylka aan u qabno Illaah, laakiin waa jaceylka uu noo qabo. Illaah wuxuu soo diray Wiilkiisa si uu u noqdo allabari kafaaragudka ah ee dembiyadeena lagu cafiyo. 11 Saaxiibadeyda qaaliga ahaw, Illaah aad ayuu noo jeclaaday, sidaa darteed waa inaan is jeclaanaa. 12 Qofna weligiis ma arkin Illaah. Laakiin haddii aan is jeclaano, Illaah ayaa nagu dhex nool oo jaceylkiisu wuu nagu dhameystiran yahay. 13 Oo Illaah wuxuu na siiyay Ruuxiisa oo marqaati u ah inaan isaga ku nool nahay, isaguna uu nagu dhex nool yahay. 14 Waxaan aragnay oona u marqaatifureynaa Aabuhu inuu soo diray Wiilkiisa si uu u noqdo Badbaadiyaha aduunka. 15 Illaah wuxuu la midoobaa qof kastoo doorta oo si cad u dhaha Ciise waa Wiilka Illaah. Sidaas ayaan ku midoobi doonnaa Illaah. 16 Waan ognahay inuu Illaah na jecel yahay, oo waxaan aaminnay jaceylkiisa. Illaah waa jaceyl, oo kuwa jaceylka ku nool oo dhan waxey ku nool yihiin Illaah, oo Illaah ayaa iyaga ku nool. 17 Haddii aan si dhab ah u jecel nahay dadka kale oo aan u noolaan lahayn sidii Masiixu dunidan ugu noolaa, ka welweli mayno maalinta xukunka. 18 Jaceylka dhabta ah ee dadka kale ayaa naga saaraya welwelkaas, fikirka ah in na la ciqaabayo ayaa ah waxa na cabsi galiya, taasna waxey tuseysaa inaanan baran inaan wax jeclaano. 19 Waan jecel nahay maxaa yeelay Illaah ayaa markii hore na jeclaaday. 20 Haddaan niraahno Illaah ayaan jecel nahay laakiin aanan walaalaha jecleyn, waxaan nahay beenaalayaal. Illaah ma arki karno, haddaba sidee ayaan u jeclaan karnaa Illaah, haddaanan jeclayn dadka aan arki karno? 21 Amarka Illaah na siiyay waa, qof walboo Illaah jecel waa inuu jeclaadaa walaashiisi ama walaalkiisi masiixi ah. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.