Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

1 Yooxanaa 3 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Bal eega siduu Aabuhu noo jecel yahay, waayo wuxuu noogu yeeraa caruurtiisa, waanna nahay. Kuwa aduunka jooga ma garanayaan inaan nahay caruurta Illaahey, maxaa yeelay ma yaqaanaan isaga.

2 Gacaliyayaalow, waxaan nahay caruurtii Illaahey, laakiin weli ma uusan muujin sida ey ahaan doonto. Laakiin markii uu Masiixu soo laabto, waan garaneynaa inaan noqon doonno sidiisa oo kale, waayo waxaan u arki doonnaa siduu yahay.

3 Oo dhamaan kuwa rajadaas rajeynaya ayaa isu nadiifin doona siduu isagu nadiif u yahay.

4 Qof kastoo dambaabaa wuxuu jebinayaa sharciga Illaahey, waayo dembi kasta wuxuu kasoo horjeedaa sharciga Illaahey.

5 Idinku waad ogtihiin in Ciise u yimid inuu dembiyadeena qaado, oo dembi kuma jiro isaga.

6 Qof kastoo ku sii noolaada isaga ma dembaabi doono. Laakiin qof kastoo sii wadaa dembiga ma garanayo mana fahmin qofka uu yahay.

7 Caruurteyda qaaliga ahow qofna yuusan idin ku khiyaanin arintan. Markey dadku wax wanaagsan sameeyaan, waxey muujineysaa iney xaq yihiin, siduu Masiixu xaq u yahay.

8 Laakiin markey dadku dembaabaan waxey tuseysaa iney ka tirsan yihiin Ibliiska oo tan iyo bilowgii dembaabay. Laakiin Wiilka Illaahey wuxuu u yimid inuu baabi’iyo shuqullada ibliiska.

9 Kuwa ka dhashay xagga Illaah ma sii wadaan iney dembaabaan, maxaa yeelay nolosha Illaah ayaa ku jirta. Sidaa darteed ma sii dembaabi karaan, waayo waa caruurtii Illaah.

10 Sidan ayaan ku garan karnaa caruurta Illaahey iyo caruurta ibliiska. Qof walboo aan sameyneynin waxa saxda ah ma ahan ilmaha Illaahey, sidoo kale mid walboo aan jecleyn walaalkiis ama walaashiis.


Wax badan oo ku saabsan jaceylka iyo naceybka

11 Laga bilaabo bilowgii waxaa na loo sheegay inaan is jeclaano.

12 Ha ahaanina sida Qaabiil oo ka tirsanaa ibliiska walaalkiisna dilay. Muxuu u dilay? Sababtoo ah walaalkiis wuxuu sameyn jiray wax xaq ah, isaguna shar ayuu ahaa.

13 Walaalayaalow, ha la yaabina haddii dadka aduunku idin neceb yihiin.

14 Haddii aan jaclaano walaalaha masiixiyiinta, waxey cadeynaysaa inaan dhimashada uga gudubnay nolosha. Laakiin haddii eydan is jecleyn, weli waxaad ku hoos jirtaan xoogga dhimashada.

15 Haddaad is necbaataan, waxaad tihiin gacan ku dhiiglayaal, oo waxaan garaneynaa in eysan gacan ku dhiiglayaashu lahayn nolosha weligeed ah.

16 Waan ognahay waxa jaceylku yahay maxaa yeelay Ciise naftiisa ayuu noo bixiyay. Taasi waa sababta aan nafteena walaalaheen u bixino.

17 Haddii qof kasta uu leeyahay hantida dunida oo aan aragno mid ka mid ah walaalaheen oo baahan. Waa inaan u naxariisano qofkaas, haddii kale ma dhihi karno waxaan jecel nahay Illaah.

18 Caruurteydiyey, yaanan jaceylka ku muujin ereyo kaliya laakiin ficilkeena iyo runteena ha laga arko.

19 Markaan dadka kale jecel nahay, waxeynu ognahay inaan runta ka tirsan nahay, qalbiyadeenu waxey ku nasan doonaan Illaahey hortiisa.

20 Laakiin haddii uu qalbigeenu na eedeeyo, waan ognahay Illaahey inuu ka weyn yahay qalbigeena, wax walbana wuu og yahay.

21 Saaxiibadeyda qaaliga ahaw, haddii qalbigeenu uusan na eedeyn, Illaahey hortiisa kalsooni ayaan ku leenahay.

22 Wuxuu na siin doonaa wax alla wixii aan weydiisano, maxaa yeelay waxaan adeecnaa amaradiisa oona sameynaa waxa isaga ka farxiya.

23 Illaah wuxuu rabaa inaan rumeysano magaca Wiilkiisa Ciise Masiix oo aan is jeclaano. Tani sidoo kale waa wixii Ciise nagu amray inaan sameyno.

24 Haddii aan adeecno amarrada Rabbiga, waxaan la joogi doonnaa isaga, isaguna wuu na la joogi doonaa. Ruuxa uu na siiyay wuxuu cadeyn u yahay inuu nagu dhex nool yahay.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan