1 Yooxanaa 2 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub1 Caruurteyda qaaliga ahaw, waxaan waxyaalahan u qorayaa si eydan u dembaabin. Laakiin haddii mid idin ka mid ah dembaabo, waxaan la leenahay qareen Aabbaha Ciise Masiix kan xaq ah. 2 Masiixu waa allabari kafaaragud u ah dembiyadeena iyo dembiyada dhamaaan dadka aduunka. Waa inaan jaclaanaa masiixiyiinta kale 3 Markaan Illaahey amarradiisa adeecno, waxaan hubnaa inaan naqaan isaga. 4 Mid walboo dhaha, “Waan garanayaa Illaahey,” laakiin uusan adeecin amarradiisi waa beenaalow, oo qalbigiisuna runtu kuma jirto. 5 Haddii uu qof adeeco ereyga Illaahey wuxuu tusaa sida dhabta ah ee uu u jecel yahay Illaahey. Oo sidaas ayaan ku garaneynaa inaan isaga ku dhex nool nahay. 6 Kuwa sheegta iney ku dhex nool yihiin Illaah waa iney u noolaadaan sidii Ciise. 7 Saaxiibadeyda qaaliga ahaw, idiin ma soo qorayo amar cusub, waa isla kii markii hore la idin siiyay, waana fariintii aad maqasheen. 8 Laakiin waxaan idiin soo qorayaa amar cusub. Ciise si run ah ayuu ugu dhaqmayay amarkan, idinkuna waad ku dhaqmeysaan. Waayo mugdigu wuu dhamaanayaa, iftiinkii runta ahaana wuu dhalaalayaa. 9 Haddii qof sheegto inuu nuurka ku nool yahay laakiin uu neceb yahay qof walaalaha ka tirsan, qofkaas weli wuxuu ku jiraa mugdiga. 10 Laakiin qofka jecel walaalaha kale, nuurka ayuu ku jiraa, dadka kalana xumaan kuma kalifayo. 11 Haddii qof neceb yahay walaalaha kale, wuxuu ku nool yahay oo ku socdaa mugdiga. Ma yaqaan halka uu u socdo, waayo mugdiga wax kuma arki karo. Sababta wax loo qoray 12 Waxaan warqaddan idiin ku soo qorayaa caruurtii Illaaheyow, in dembiyadiina lagu cafiyay magaca Ciise dartiis. 13 Waxaan warqaddan idiin ku soo qorayaa odayaashow, inaad taqaanaan Masiixa kan jiray tan iyo bilowgii. Dhallinyaradow, waxaan warqaddan idiin ku soo qorayaa, inaad ka guuleysateen kan sharka ah. 14 Waxaan warqaddan idiin ku soo qoray caruurta Illaaheyow, inaad taqaanaan Aabaha Waxaan warqaddan idiin ku soo qorayaa odayaashow, inaad taqaanaan Masiixa kan jiray tan iyo bilowgii. Dhallinyaradow, waxaan warqaddan idiin ku soo qorayaa, inaad xoog badan tihiin. Ereyga Illaahey wuxuu ku nool yahay qalbigiina, oo waxaad ka guuleysateen kan sharka ah. Ha jeclaanina dunida 15 Ha jeclaanina aduunkan ama wax kastoo aduunka yaala. Haddaad aduunka jeceshihiin, ma jeclaan kartaan Aabaha. 16 Waayo wax walboo aduunkan yaala, sida damaca jirka, damaca waxyaalaha aan aragno iyo kibirka, kama yimaadaan Aabaha laakiin waxey ka yimaadaan aduunka. 17 Dunidan iyo damacyada ey keento wey baaba’ayaan. Laakiin kii sameeya doonista Illaahey, weligiis wuu noolaan doonaa. Digniin ku saabsan in la diido Wiilka 18 Caruurteyda qaaliga ahaw, saacaddu waa saacaddii u dambeysay. Waxaad maqasheen in cadowga Masiixu soo muuqan doono waqtigan, oo qaar badan oo cadowga Masiixa ah ayaa horey u soo muuqday. Sidaa darteed waxaan garaneynaa in saacaddii u dambeysay la joogo. 19 Dadkani waxey ka tageen kooxdeena, haddana nagama mid ahayn. Haddey naga mid ahaan lahaayeen, wey na la joogi lahaayeen. Laakiin wey tageen taas oo cadeyneysa in eysan naga tirsaneyn. 20 Masiixa, kan Quduuska ah, ayaa idin subkay oo hadda dhamaantiin waad garaneysaan. 21 Uma baahni inaan runta idiin soo qoro, maadaama aad horey u taqaaneen. Waxaa kale oo aad ogtihiin in kuwa beenta sheega aaney ka tirsaneyn runta. 22 Beenaaluhuna waa qof kastoo yiraahda runtii Ciise ma aha Masiixa. Qof kastoo diida Aabaha iyo Wiilka waa cadowga Masiixa. 23 Mid kastoo Wiilka diida, Aabahana wuu diiday, laakiin ku alla kii Wiilka aqbala Aabahana wuu aqbalay. 24 Sidaa darteed waa inaad daacad u ahaataan wixii la idin baray tan iyo bilowgii. Haddaad sidaas sameysaan, waxaad ku sii jiri doontaan wehelnimada Wiilka iyo Aabaha. 25 Oo wehelnimadan waa nolosha weligeed ah ee uu noo ballan qaaday. 26 Waxaan waxyaalahan u qorayaa inaan idiin kaga digo kuwa doonaya iney idin qaldaan. 27 Laakiin subkida aad isaga ka hesheen wey idin ku dhex jirtaa, sidaa darteed uma baahnidiin in qof idin baro waxa runta ah. Waayo Ruuxu wuxuu idin baraa wax kasta oo aad u baahantihiin inaad ogaataan, oo waxbaridu waa run, beenna ma aha, ee siduu wax idiin barayo, ku sii jira wehelnimada Masiixa. Ilmaha Illaahey iyo dembiga 28 Caruurteyda qaaliga ahaw, Masiixu qalbiyadiina haku jiro. Si markii uu soo noqdo aad u lahaataan kalsooni oo eydan ceeb u dareemin. 29 Waan ognahay in Masiixu xaq yahay iyo in kuwa xaqa sameeya ey yihiin caruurtii Illaahey. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.