Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

1 Timoteyos 6 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Haddaad adeege tahay waa inaad ixtiraamtaa sayidkaaga. Arintaasna waxey ceeb ka ilaalineysaa Illaahey magaciisa iyo waxbarideena.

2 Haddii sayidyadu masiixiyiin yihiin, taasi fursad kuuma siineyso inaad ixtiraami weydo. Adeegayaashoodu waa iney si aad ah ugu adeegaan waayo dadaalkoodu wuxuu caawinayaa masiixiyiin kale oo aad loo jecel yahay. Kuwani waa waxyaalaha ey tahay inaad ku dadaashaan baritaankooda.


Wax barida beenta ah iyo lacag jaceylka

3 Qofkii dadka bara wax taas ka duwan wuxuu ka hor imaanayaa waxbaridda saxda ah ee Sayidkeena Ciise Masiix.

4 Kuwa waxbaridan kasoo horjeesta wey isla weyn yihiin laakiin waxba ma garanayaan. Qalbiga ayey ka jiran yihiin waxeyna ku doodaan hadalo aan macno lahayn. Waxey sababaan ismaan dhaaf, maseyr, aflagaado iyo fikiro xun xun.

5 Dadkani dhibaato ayey mar walba sababaan, qalbiyadooda shar ayaa ka buuxda, runtana wey ka leexdeen. Dadkan waxey aaminsanyihiin in u adeegida Illaahey taajir ka dhigeyso.

6 Laakiin cibaadada ey qanacsanaantu la socoto ayaa hanti weyn ah.

7 Waayo anagu waxna ma keenin aduunkan oo anaga oo gacan maran ayaan ka tagaynaa.

8 Haddaba haddaan heysano cunto iyo dhar waa inaan ku qanacnaa.

9 Kuwa raba iney taajir noqdaan waxey ku dhacaan jarribaad, dabin iyo damacyo badan oo xun kuwaasoo dadka ku hogaamiya hoog.

10 Waayo lacag jaceylku wuxuu aasaas u yahay shar oo dhan. Dadka qaar jaceylkey lacagta u qabaan wuxuu ku kalifay iney iimaankoodi ka tagaan xanuun badanna la kulmaan.


Dardaarankii ugu dambeeyay

11 Timoteyosow waxaa tahay nin Illaahey jecel sidaa daraadeed ka fogow waxyaalahan sharta leh oo dhan. Ku dadaal inaad Illaahey ka farxiso oo aad nolol Illaahey rabo ku noolaato. Ahow qof iimaan leh, qof dadka jecel, qof lagu tiirsanaan karo oo dabacsan.

12 Dagaalka wanaagsan ee iimaanka dagaalan oo ku dhaganow nolosha weligeed ah. Illaahey ayaa ku siiyay markaad si cad uga hadashay iimaankaaga iyagoo ey dad badan marqaati ka ahaayeen.

13 Waxaan kugu amrayaa inaad ballan ku qaado Illaaha wax walba nooleeya hortiisa iyo Ciise Masiix hortiisa kaasoo iimaankiisa si cad ugu hor qirtay Bontiyos Bilaatos.

14 Waa inaad dhowrtaa amarkan qalad la’aan ama eed la’aan illaa uu Sayidkeena Ciise Masiix kasoo laabto.

15 Waayo waqtiga ku haboon ayuu Illaaha ku keeni doonaa, kan barakeysan iyo taliyaha kaliya Boqorka boqorrada, Sayidka sayidyada.

16 Waa isaga kaligiis kan aan weligiis dhimaneyn, wuxuuna ku nool yahay iftiin aad u dhalaalaya oo uusan qof binu aadan ah u dhawaan karin. Qofna weligiis ma arkin mana arki doono. Sharaf oo dhan iyo awood oo dhan weligiis ha u ahaadaan! Aamiin.

17 Kuwa aduunkan taajirka ku ah bar in eysan isla weynaan oo eysan lacagtooda dhamaaneysa ku faanin. Waa iney Illaahey rajadooda saartaan kaasoo taajir ah wax walboo aan u baahanahayna na siiyay si aan dunidan ugu raaxeysano.

18 Ku amar iney wax walboo wanaagsan sameeyaan, iney deeqsi ahaadaan oo ey waxey heystaan wadaagaan.

19 Arintan waxey aasaas adag u noqoneysaa mustaqbalkooda, si ey u ogaadaan waxey tahay nolosha wanaagsan.

20 Timoteyosow ilaali amaanada Illaahey masuulka kaaga dhigay! Ha dhageysan hadallada quraafaadka ah iyo doodda macno darada ah oo ey dadka qaar aqoonta ugu yeeraan laakiin aan ahayn.

21 Waayo dadka qaar ayaa hadaladan sheegay oo iimaankoodi ku waayay. Waxaan Illaahey ka baryayaa iney nimcadiisu kuligiin idinla jirto.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan