Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

1 Timoteyos 5 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Sida mu’miniinta loola dhaqmo

1 Ha canaananin oday waayeel ah, laakiin sida aabahaa oo kale si xushmad leh ula hadal. Dhalinyarada sida walaalahaa oo kale ula dhaqan.

2 Haweenka waaweyn sida hooyadaa, gabdhaha yar yar sida walaalahaa ula dhaqan sida daahir ah.

3 Daryeel carmalada caawimaadda u baahan.

4 Laakiin haddii carmaladu ey ilmo leedahay ama ey ayeeyo tahay, iyagu ha daryeelaan sidii ey iyaduba u soo daryeeli jirtay. Waa sida uu Illaahey rabo iney sameeyaan.

5 Carmalada baahan oo aanan qofna haysan waxey rajadeeda saarataa Illaahey, habeen iyo maalinna wey duceysataa iyadoo Illaahey weydiisaneysa inuu caawiyo.

6 Laakiin carmalada ka fikirta waxyaalaha aduunka wey dhimatay xitaa haddii ey weli nooshahay.

7 Dadka u sheeg amarradan si aan qofna loo eedeyn.

8 Qofkii aan daryeelin qaraabadiisa gaar ahaan reerkiisa wuxuu ka tagay iimaankiisi. Qofkaas wuxuu la mid yahay qof aan Rabbiga rumeysneyn.

9 Si carmalada loogu daro diiwaanka carmalada waa iney lixdan sano ka weynaataa waana iney ninkeeda daacad u ahaan jirtay.

10 Si fiican ayaa loo yaqaanay falalkeeda wanaagsan, iney ciyaalkeeda akhlaaq wanaagsan kusoo korisay, iney qariibka marti geliso, iney dadka Illaahey gurigeeda kusoo dhaweyso, iney dadka masaakiinta ah caawiso iyo iney mar walba diyaar u tahay iney wax wanaagsan qabato.

11 Carmalada yar yar diiwaankaas haku darin. Waayo waxaa laga yaabaa in damacooda ah iney nin la noolaadaan uu ka tan bato ballankii ey ka qaadeen Masiixa oo ah iney iyagoo carmal ah u adeegaan, waxeyna Rabbi doonaan iney guursadaan.

12 Kadibna wey is xukumi doonaan, waayo waxey jabiyeen ballankoodi koowaad.

13 Haddii diiwaanka lagu darana waxey noqon doonaan caajislowyaal waqtigoodana waxey ku dhameyn doonaan xan iyagoo marba guri wareegaya kuna mashquulsan dadka kale arimahooda wax aan loo dirsanna ka hadlaya.

14 Haddaba waxaan carmalada yar yar ku waaninayaa iney mar labaad guursadaan, oo ey ilmo dhalaan, guryahoodana daryeelaan. Markaasna cadowgu ma heli doono fursad uu iyaga wax kaga sheego.

15 Waayo carmalada qaar ayaa Rabbiga ka jeestay oo Shaydaan raacay.

16 Haddii ey haweeney masiixi ah gurigeeda ku heyso haween carmallo ah oo qaraabadeeda ah gurigeeda ha sii joogaan oo yeysan kaniisadda culeys u keenin si kaniisaddu u daryeesho carmalada baahan.

17 Odayaasha kaniisadda ee shaqadooda sida wanaagsan u qabta waa in la maamuuso oo la sharfo gaar ahaan kuwa shaqadoodu tahay wacdinta iyo wax barida.

18 Waayo qorniinku wuxuu leeyahay, “Waa in aadan dibiga afka ka xirin markii uu badarka burburinayo.” Sidoo kale kitaabku wuxuu leeyaha, “Shaqaaluhu xaq ayuu u leeyahay mushaharkiisa.”

19 Ha dhageysanin dacwad lagu soo eedeeyay oday illaa la keeno laba ama saddex marqaati.

20 Laakiin odayaasha dembiga ku jiraa waa inaad dadka hortooda ku canaanatid, si kuwa kale digniin ugu noqoto.

21 Illaahey iyo Ciise Masiix iyo malaa’igta la doortay hortooda ayaan kugu amrayaa inaad amarradeyda raacdid! Dadka ha kala soocin, oo qofna ha u eexan.

22 Ha degdegin markaad oday dooraneysid, kuwa kalana dembiyadooda hala wadaagin. Naftaada ilaali oo daahir ha ahaato.

23 Biyaha kaliya ee aad cabeysid jooji. Xoogaa yar oo khamri ah cab si ey kaaga caawiso xanuunka caloosha ee aad weligaa qabtay.

24 Dadka qaar dembigooda waa lagu qabtaa iyadoon weli waqtigii xisaabta la gaarin. Laakiin qaar kale dembigoodu ma soo muuqdo illaa muddo kadib maahee.

25 Sidaas oo kale, dadka qaar camalladooda wanaagsan wey muuqdaan. Laakiin xitaa camallada wanaagsan ee qarsoonida lagu sameeyay maalin ayey soo muuqan doonaan.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan