1 Timoteyos 4 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub1 Ruuxu si cad ayuu u sheegay in ayaamaha aduunka ugu dambeeya ey dad badan iimaanka ka bixi doonaan eyna raaci doonaan ruux khiyaaneysa iyo waxyaalo uu ibliisku baray. 2 Dadkan waa labawejiilayaal beenaalayaal ah, damiirkooduna wuu dhintay. 3 Waxey dadka u diidi doonaan iney guursadaan iyo iney cuntooyinka qaar cunaan. Laakiin Illaahey ayaa cuntooyinkaas abuuray si dadkiisa runta garanaya u cunaan iyagoo mahadcelinaya. 4 Waayo wax walboo uu Illaahey abuuray wey wanaagsan yihiin. Wax walbana wey banaan yihiin haddii mahadcelin lagu cuno. 5 Wuxuuna nadiif ku noqonayaa ereyga Illaahey iyo duco. 6 Haddii aad waxyaalahan walaalaha barto waxaad Ciise Masiix u noqon doontaa adeege wanaagsan. Waxey tusin doontaa inaad ku xoogeysatay barida waxa ku saabsan iimaanka iyo amaradii wanaagsanaa ee aad adeecday. 7 Waxba haku darsan qisooyinka quraafaadka ah iyo sheekooyinka islaamaha waayeelka ah. Dadaal si aad u noqoto nin Illaahey adeeca. 8 Tababarka jirku wuu wanaagsan yahay, laakiin tababarka ruuxiga ah ayaa dhinac walba qiimo u leh, waayo wuu ballanqaadaa inuu ku siin doono nolol hadda ah iyo mid mustaqbalka ah. 9 Tani waa oraah xaqiiq ah oo in la aamino mudan. 10 Waana sababta aan aad ugu dadaalno una dhibaatoono waayo waxaan rajadeena saaranay Illaaha nool kaasoo ah badbaadiyaha dadka oo dhan, gaar ahaan kuwa iimaanka leh. 11 Waxyaalahan dadka bar una sheeg iney sameeyaan wax walboo aad ku dhahdo. 12 Ha u ogolaan inuu qof ku yaso da’daada oo yar darteed. Masiixiyiinta oo dhan tusaale ha u noqdo hadalkaaga, ficilkaaga, jaceylkaaga, iimaankaaga iyo daahirnimadaada. 13 Ilaa inta aan ka imaanayo ku dadaal inaad sii wado ereyga Illaahey oo aad dadka u akhriso, inaad wacdiso iyo inaad wax barto. 14 Ha dayicin hadiyadaadi aad ku heshay wax sii sheega, markey odayaashu gacanta ku saareen oo ey kuu duceeyeen. 15 Waxyaalahan xasuuso kana fikir, si qof walba uu u arko guushaada. 16 Ka taxadar sida aad u nooshahay iyo sida aad wax u barto. Haddii aad sidan ku sii socotid waxaad badbaadin doontaa naftaada iyo nafta kuwa ku dhageysta. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.