1 Timoteyos 2 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubSida Illaahey loo caabudo 1 Ugu horeyn waxaan kugula dardaarmayaa in ducadaada, iyo tukashadaada, iyo mahadcelintaaduba ey ku saabsanaadaan dadka oo dhan wanaagooda. 2 U ducee boqorrada iyo kuwa xukunka haya si aan nolol dagan oo nabad ah ugu noolaanno anaga oo Illaahey sharfeyno oo caabudeyna. 3 Ducadan oo kale wey wanaagsan tahay weyna ka farxisaa Illaaha badbaadiyaheena ah, 4 kaasoo raba iney dadka oo dhan badbaadaan oo eyna ogaadaan runta. 5 Waayo waxaa jira hal Illaah iyo hal dhaxdhaxaadiye kaasoo u dhaxeeya Illaahey iyo dadka, waana ninka la yiraahdo Ciise Masiix. 6 Wuxuu bixiyay naftiisa si uu xornimadiisa qof walba u siiyo. Tan hadda waa laga marqaatifuray waqtiga ku haboon. 7 Sababtan darteed ayuuna Illaahey iigu doortay inaan noqdo mid wacdiya rasuulna ah si aan dadka aan Yuhuudda ahayn fariinta iimaanka ku saabsan u baro. Ka badbadisna ma aha ee run ayaan sheegayaa. 8 Sidaa darteed waxaan rabaa nimanka meel walboo ey joogaan iney gacmahooda quduuska ah kor u qaadaan oo duceeyaan, iyagoon xanaaqsaneyn islana murmeynin. 9 Sidoo kale waxaan rabaa iney haweenku si xushmad leh oo ku haboon u labistaan. Waa in eysan timaha tidcan, kuulo dahab ah iyo dhar qaali ahna eysan xiran. 10 Laakiin haweenka sheegta iney Illaahey jecelyihiin waa iney wax wanaagsan u sameeyaan kuwa kale. 11 Waa iney wax ku bartaan aamusnaan iyo adeecid. 12 Ma fasaxayo iney haweenku wax baraan ama nimankooda ey ka xukun sareeyaan, waana iney aamusnaadaan. 13 Waayo ugu horeyntii waxaa la abuuray Aadan kadibna Xaawo. 14 Aadanna ma ahayn kan la khiyaanay, waxey ahayd Xaawo tan la khiyaanay oo dembiilaha noqotay. 15 Laakiin Illaahey wuxuu haweenka ku badbaadin doonaa caruurta ey dhalayaan dartood, haddey sii xajiyaan rumeysadkoodi, jaceylkooda, quduusnimadooda iyo xushmadooda. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.