1 Timoteyos 1 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub1 Warqaddan waxey ka socotaa Bawlos oo ah rasuulkii Ciise Masiix, kaasoo lagu doortay amarka Illaaha badbaadiyaheena ah iyo Ciise Masiix oo ah kan rajada nasiiya. 2 Warqaddan waxaan u qorayaa Timoteyos oo ah wiilkeyga dhabta ah ee aan iimaanka xaggiisa aabe ugu noqday. Waxaan Illaaha Aabaha ah iyo Sayidkeena Ciise Masiix ka baryayaa inuu ku siiyo nimco, naxariis iyo nabad. Wax barida beenta ah oo laga digay 3 Markaan Makedoniya u socday waxaan kaa codsaday inaad Efesos joogtid oo aadna ku amarto iney joojiyaan kuwii waxbaridda beenta ah faafinayay. 4 U sheeg in eysan waqtigooda ku qasaarin doodo dhaadheer oo awoowayaashood ku saabsan iyo sheekooyin aan macno laheyn. Waxyaalahaas oo kale waxey sababaan oo kaliya dood, qofna kuma caawiyaan inuu sameeyo shaqada Illaahey taas oo iimaan kaliya ku qabsanta. 5 Waa inaad dadka bartaa iney lahaadaan jaceyl daacada kaasoo ka imaada qalbi saafi ah, sidoo kalana damiir wanaagsan iyo iimaan dhab ah. 6 Dadka qaar ayaa waxyaalahan iska daayay oo ku badashay hadal aan macno lahayn. 7 Waxey rabaan iney noqdaan macalimiinta sharciga Muuse. Laakiin ma garanayaan waxey ka hadlayaan inkastoo ey u maleeyaan iney garanayaan. 8 Waan ognahay in sharcigu fiicanyahay haddii si wanaagsan loo adeegsado. 9 Sidoo kale waan ognahay inaan sharciga loo sameynin dadka xaqa ah ee loo sameeyay kuwa sharciga jabiya, kuwa aan Illaahey garaneyn iyo dembiilayaasha kuwa dila aabayaashood iyo hooyooyinkood iyo kuwa gacan ku dhiiglayaasha ah. 10 Sharciga waxaa loo sameeyay kuwa sineysta, kuwa u galmooda dadka ey isku jinsiga yihiin, kuwa wax afduubta, kuwa beenta sheega iyo kuwa aan runta sheegin markey maxkamadaha joogaan. Sharciga waxaa loo sameeyay wax walboo waxbaridda saxda ah kasoo hor jeeda. 11 Waxbaridda saxda ah taas oo waafaqsan injiilka ku saabsan ammaanta Illaaha barakada leh igu aaminay. Bawlos oo ka mahadceliyay nimcada Illaahey siiyay 12 Waxaan u mahadcelinayaa Sayidkeena Ciise Masiix, kaasoo i siiyay awood oo i tixgeliyay mid aamin ah iina doortay adeegiisa inaan qabto. 13 Inkastoo aan aniguba ahaa nin wax caaya oo wax silciya oo dagaal badan haddana waa la ii naxariistay waayo aqoon la’aan iyo iimaan yari ayaa i heysay. 14 Nimcada Sayidkeena ayaa si aan xad lahayn la ii siiyay, waxaa kaloo la i siiyay iimaan iyo jaceyl Ciise Masiix xaggiisa ka yimid. 15 Waxaa jirta oraah la isku hubo, qof walbana ey tahay inuu aamino waxeyna leedahay, “Ciise Masiix wuxuu aduunka u yimid inuu dembiilayaasha badbaadiyo” aniguna waxaan ahay dembiilaha ugu xun dembiilayaasha oo dhan. 16 Laakiin maadaama aan ka xumaan badnaa dadka oo dhan, haddana Illaahey wuu ii naxariistay wuxuuna tusaale iiga dhigay dulqaadka Ciise Masiix ee aan dhamaaneyn. Wuxuu sidaas u sameeyay in kuwa kale Masiixa rumeeyaan oo ey nolosha weligeed ah helaan. 17 Sharaf iyo ammaan oo dhan weligeed ha u ahaato Illaaha kaliga ah ee weligiis nool oo aan la arki karin boqorka daa’imka ah! Aamiin. Masuuliyada Timoteyos oo la sheegay 18 Wiilkeygi Timoteyosow amarradan aan ku siinayo waxey ku dhisan yihiin wax hadda ka hor lagaa sii sheegay. Haddii aad sidii ey yihiin u raacdo waxaad u dagaalami doontaa sidii askari wanaagsan. 19 Daacad ayaad ahaan doontaa damiir fiicanna waad lahaan doontaa. Dadka qaar iimaankoodi wuu qaribmay waayo damiirkooda ma raacaan. 20 Dadkaas waxaa ka mida Humenayos iyo Aleksanderos, kuwaasoo aan Shaydaanka u dhaafay si ey u bartaan in eysan Illaahey caayin. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.